Cidii Jaaliyada Soomalida Ogaadeeniya ee Norway.
Posted by mohamed on September 21 2009 17:19:57
Jaaliyada Soomalida Ogaadeeniya ee Norway ayaa Dhigatay Kulan Balaaran oo Munaasabada Ciida ah taas oo ay oogu magac Dareen Ciidii Xoriyada Dhamaan Dadka waxaa ka muuqda Farxad aad u balaaran halkaas iskugu Yimaadeen Boqolaana sida aad ka aragtaan Muuqaalka Sawirada Waxayna ku soo Bandhigeen Hordhaca Ruwaayada ay qaban doonaan Sannadkan Dhamaadkiisa, Daawo Dhamaan Sawirada Taabo Meeshan Link
Extended News
Jaaliyada Soomalida Ogaadeeniya ee Norway ayaa Dhigatay Kulan Balaaran oo Munaasabada Ciida ah taas oo ay oogu magac Dareen Ciidii Xoriyada Dhamaan Dadka waxaa ka muuqda Farxad aad u balaaran halkaas iskugu Yimaadeen Boqolaana sida aad ka aragtaan Muuqaalka Sawirada Waxayna ku soo Bandhigeen Hordhaca Ruwaayada ay qaban doonaan Sannadkan Dhamaadkiisa, Daawo Dhamaan Sawirada Taabo Meeshan Link


Abaarihii 09:00 yaa qoyswalba salaadii ciida aaday waxaana lasoo tukaday 10:00 subaxnimo, jaaliyadu eheladooda ciida si ay ugu hambalyeeyaan waxaa lasiiyay 3 saacadood, 13:00 waxaa lagu balamay dhamaan jaaliyada soomaalida ogaadeenya ee oslo in ay kulan isugu yimaadaan, kulankan ma ahayn mid horey noociisa jaaliyada usoo maray, waxuu isugu jiray baraarujin, wacdi, maad, dhaanto, & wadani.

Bartii kulanka waxaa kasoo xaadiray dhamaan waalidiinta soomaalida ogaadeenya ee norway iyo caruurtooda oo ku labisan dhar aad u quruxbadan, wajiyadooduna ay kamuuqatay farxad munaasabada ciida darteed.

Waxaa la furay shirkii la sugayay waxaa lagu furay aayado iyo wacdi qiimo badnaa, oo u badnaa isku duubnida faaiidadeeda iyo sida ay muhiim u tahay in bulshada ogaadeenya wakhtigan adag ay ku jirto la timaado midnimo iyo dadaal dheeri ah.

Waxaa kale oo khudbado qiimo lahaa soo jeediyay gudoomiyaha jaaliyada max,ed dheeg, ku xigeenka gudoomiyaha marwo sahro ismaaciil oo ku dheeraatay dhibka iyo xasuuqa lagu hayo shacabka ogaadeenya. waxaa shirka si heer sare ah u daadihinayay cabdiqaadir (ilto).

Waxaa shirka marti dharaf u ahaa dhalinyarada osf u.k. oo qayb libaax ka qaatay dhaantada iyo soo bandhiga filinka jaaliyada iyo dadweynaha norway sugayaan ee silent cry oo ladhigi doono 26.09.2009 insha allah.

Waxaa waxii markaas kadambeeyay la wareegay kooxda codka dhalinyarada ogaadeenya ee norway oo soo bandhigay riwaayad yar oo maad iyo qosol miidhan ahayd, ka soo qaybgalayaashuna ay aad uga heleen, waxii intaa ka dambeeyay waxaa ay dhalinta codku bandhig faneedkoodii ku soo gabagabeeyeen dhaantooyin wadani ahaa oo aad dadka dhiigooda u dhaqaajiyay.

Waxaana aakhirkii saacadu markay ahayd 18:00 lasoo gabagabeeyay ciidii xoriyada ee jaaliyada norway, waxaana halkaas kusoo kala dareeray dadweynihii oo aad ugu faraxsan sida ay maanta u ciideen.


Daawo Sawiradoo Dhan Taabo Meeshan Link



visit the New Website/ Booqo Boga Cusub ee www.ogadentalk.com

Ogadentoday
Oslo Norway