Haduu Cabdi Illey Yimid Yurub Daud USA u soo socdaa........
Posted by mohamed on September 20 2009 15:53:28
Ma la socotaa in Daud Maxamed Cali oo ah Madaxa Maamulka Kililku uu safar u soo aadayo USA? Muxuuse ka soo doonaya? hadaba Warar aan ka helnay magaalda Addiss Ababa ayaa noo xaqiijiyay in Daud uu safar u doo aadayo Wadanka Maraykanka halkaas oo uu doonayo inuu kula kulmo dad ka soo jeeda Gobalka Soomaalida Ogaadeeniya.
Extended News

Safarkan Daud wuxuu daba socdaa qorshahii Dowlada Dhexe ee ay ku doonayeen inay Maamulka Kililka iyo Qurbo joogta waji ahaan la isku baro si wax walba oo khalad ah oo dowlada dhexe samaysay Dusha looga saaro maadaamo hadaba qayb tooda ku leeyihiin.

Safarkan ayaa sidoo kale Daba socda Safarkii Cabdi Illey iyo Cabdi Fataax, Iyo Bashiir Caydaruus ay ku aadeen Wadamada Sweden iyo UK halkaas oo sidii la rabay aysan noqon balse iyagu sheegteen inay dantoodii gaareen.

Hadaba waxaab eegi doona Daud safarkiisan oo lagu sheegay inuu booqanayo Sedexda Gobal ee kala ah Mennapolis , Calafornia, Washigton wax ka soo baxi doona.

Ogadentody
Addiss Ababa