Kismaayo ma Makka Iyo Madiino ayay noqotay?
Posted by Ogadentoday-Chief Editor on September 22 2012 13:00:12
(Ogadentoday Press)- Baydhabo, Buurxakabo, Hiiraan, Balcad, Afgooye Marka, Iyo Jowhar waxaa ka Barako Baddan Jahaadka Magaaladda Kismaayo oo muddan inuu dhiig baddan ku daato, Sidaas ayay sheegeen Wiilashii Alshabaab waa Kitaab kalligood gooni u ah ee mahan Kitaabkii Alle Iyo Jahaad? Dadwaynow bal is waydii Xagay Diinta kaga qoran tahay in Itoobiyaan Hiraan Iyo Bay looga soo carari Jahaadka Kismaayona uu waajib u yahay? Dadwaynow bal is waydii Xagay Diintu kaga qoran tahay Jowhar Iyo Marka AMISOM ooga baxi Kismaayo Dhiig Baddan ku Daadan waa caqliga Hogaamiyaasha Alshabaab.
Extended News
Kismaayo ma Makka Iyo Madiino ayay noqotay?
22 September 2012.
(Ogadentoday Press)- Baydhabo, Buurxakabo, Hiiraan, Balcad, Afgooye Marka, Iyo Jowhar waxaa ka Barako Baddan Jahaadka Magaaladda Kismaayo oo muddan inuu dhiig baddan ku daato, Sidaas ayay sheegeen Wiilashii Alshabaab waa Kitaab kalligood gooni u ah ee mahan Kitaabkii Alle Iyo Jahaad?
Dadwaynow bal is waydii Xagay Diinta kaga qoran tahay in Itoobiyaan Hiraan Iyo Bay looga soo cararo Jahaadka Kismaayana uu waajib u yahay?
Dadwaynow bal is waydii Xagay Diintu kaga qoran tahay Jowhar Iyo Marka AMISOM ayaan ooga soo carari Kismaayana Dhiig Baddan baa ku Daadan waa caqliga Hogaamiyaasha Alshabaab.
Alshabaab ma doonayaan inay Dalka Soomaaliya diin ku difaacaan ee waxay rabaan in Kismaayo Kaligeed diin ku difaacaan midaasna waa mid Ilaahay waydiin doono Maalinka Xisaabta Baddan.
Ma Xishoodaan xataa Alshabaab been iyo Munaafaqnimo ayay rabaan inay dadka ooga Dhigaan Jahaad.
Kismaayo qof walba oo Shacab ah kuna dhintaa waxaa Maxkamadd loo soo saari, Madaxda Alshabaab.
Ogadentoday Press.