Addis Ababa: Hogaamiyaha soo socda ee Itoobiya ma noqon doona “Muslim”
Posted by Ogadentoday-Chief Editor on September 22 2012 03:04:47
Sabti- (Ogadentoday Press)- Doorashadii Golaha Dhexe ee Xisbiga EPRDF waa mid dadka u kuur galla Siyaasadda Itoobiya dareen gooni ah u xanbaarsanayd, waana mid aad moodo inay ka muuqatay dheela tirka Diimaha Iyo Qoomiyadaha isla markaasna gaashaanka loogu dhuftay Qoomiyadda Tigreega.Waxaa Muddan iswaydiin Maxay tahay sababta Xisbiga Qoomiyadda Tigreega TPLF Iyo OPDO ee Oramadda ay hal mar Siyaasadda ooga baxeen? Ma la is oran karaa OPDO Iyo TPLF is gaashaanbuursi Siyaasadeed ayaa ka dhaxeeyay markaas waa laga awood batay, ma la oran karaa TPLF ayaa loo tashaday? Ma la oran karaa Hogaamiyaha soo socoda ee Itoobiya
Extended News
Addis Ababa: Hogaamiyaha soo socda ee Itoobiya ma noqon doona “Muslim”

22 Septemper 2012.

Sabti- (Ogadentoday Press)- Doorashadii Golaha Dhexe ee Xisbiga EPRDF waa mid dadka u kuur galla Siyaasadda Itoobiya dareen gooni ah u xanbaarsanayd, waana mid aad moodo inay ka muuqatay dheela tirka Diimaha Iyo Qoomiyadaha isla markaasna gaashaanka loogu dhuftay Qoomiyadda Tigreega.

Waxaa Muddan iswaydiin Maxay tahay sababta Xisbiga Qoomiyadda Tigreega TPLF Iyo OPDO ee Oramadda ay hal mar Siyaasadda ooga baxeen? Ma la is oran karaa OPDO Iyo TPLF is gaashaanbuursi Siyaasadeed ayaa ka dhaxeeyay markaas waa laga awood batay, ma la oran karaa TPLF ayaa loo tashaday? Ma la oran karaa Hogaamiyaha soo socoda ee Itoobiya wuxuu noqon doona Hogaamiye Muslim ah oo Dowladda Itoobiya waxay ku socotaa Dariiqii Dalka Nigeria?

Haddaba akhristayaal waxaa ka dhacay Dalka Itoobiya isbaddal Siyaasadeed oo lagu sameeyay Xisbiga isbahaysiga EPRDF, Waxaa loo doortay Gudoomiye Xisbiga ahna Raysul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Deselaim. Haile Mariam wuxuu ka soo jeeda qoomiyadda aad u yar oo lagu magacaabo Walayto, Madhabta uu haysto waa “ Protestant”

Ku Xigeenkiisa waxaa loo doortay Wasiirka waxbarashadda Demeke Mekonnen Hasen oo ka soo jeeda Qoomiyadda Xabashidda ama Axmaaradda” waana Muslim, Sunni ah”

Haddaba Itoobiya oo loo yaqaan Dowladd Masiixi ah, Hogaamiyaha soo socda ee Itoobiya ma noqon doonaa Muslim madaamo, Xisbiga EPRDF ku xigeenkiisa uu yahay Muslim. sida Dalka Nigera oo madaxwayne ooga noqday, Umaru Yar'Adua.

Ogadentoday Press.