Kenya oo beenisay in qabiil gaar ah ay ka taageerto Jubbooyinka.
Posted by Ogadentoday-Chief Editor on September 22 2012 03:01:37
Nairobi: (Ogadentoday Press) Warqoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dowladda Kenya ayaa faah faahin looga bixiyay u jeedka Kenya ay ka leedahay Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose oo ay ku xooggan yihiin dhaq dhaqaaqa Al Shabaab. Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dowladda Kenya ayaa ugu horeyn beenisay wararka sheegaya in Ciidamada Kenya ee ku sugan gobolada Soomaaliya ay taageeraan qabiil dega gobolka Jubbada hoose. Warka qoraalka ah ee kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwa aan waxba ka jirin islamarkaana lasoo dhoo dhoobay, waxaana ay sheegtay Wasaaraddu in u jeedka Kenya uu yahay in la qabto Kismaayo oo laga saaro Kooxda Al Shabaab.
Extended News
Kenya oo beenisay in qabiil gaar ah ay ka taageerto Jubbooyinka.
September 22 2012
Nairobi: (Ogadentoday Press) Warqoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dowladda Kenya ayaa faah faahin looga bixiyay u jeedka Kenya ay ka leedahay Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubbada hoose oo ay ku xooggan yihiin dhaq dhaqaaqa Al Shabaab.
Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dowladda Kenya ayaa ugu horeyn beenisay wararka sheegaya in Ciidamada Kenya ee ku sugan gobolada Soomaaliya ay taageeraan qabiil dega gobolka Jubbada hoose.
Warka qoraalka ah ee kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwa aan waxba ka jirin islamarkaana lasoo dhoo dhoobay, waxaana ay sheegtay Wasaaraddu in u jeedka Kenya uu yahay in la qabto Kismaayo oo laga saaro Kooxda Al Shabaab.
“Waa been in Jubbooyinka aan ka taageerno qabiil gooni ah, Soomaalida isku mid ayay noo yihiin, laakiin waxa aan la dagaalamayno waa aargigixiso dhibaato ka wada Soomaaliya iyo Kenya, waana in si wada jir ah looga hortaggaa dhibaatooyinka kasoo fool-leh” sidaasi waxaa lagu sheegay War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ee Dowladda Kenya.
Kenya ayaa howlgallo ballaaran ka wadda gobolada Jubbooyinka, waxaana ay dagaalo xooggan kula jirtaa Xarakada Al Shabaab oo ay ku eedeeyeen inay falal ammaan darri ka gaysteen dalkeeda, qatarna ay ku yihiin ammaanka gobolka.
Xigasho: Shabelle.