Faah-Faahin Qaraxyadiii Muqdisho Iyo Dadkii ku Dhintay. Posted by Ogadentoday-Chief Editor on September 20 2012 09:40:20Khamiis (Ogadentoday Press)- Labba qof ayaa isku qarxiyay Hotel ku yaalla meel wax yar u jirta Theater Qarranka Soomaaliya ee Magaaladda Muqdisho.Khasaaraha Qaraxan ayaa la sheegayaa in illaa hadda inta la ogyahay dhan yahay 8 qof dhaawac ah meesha warar kale sheegayayaan in 7 qof ku dhinteen.Mohamed Sheikh oo ku sugnaa ka soo horjeedka Goobta qaraxa ka dhacay ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee Reuters inuu arkayay dad yaalla meesha iyo kuwo dhaawac ah.Waa markii labbaad ee muddo Isbuuc ah qaraxyo ka dhacaan Magaaladda Muqdisho tan iyo intii la doortay Madaxwaynaha Cusub, waxaan qaraxii hore la doonayay in lagu Khaarajiyo Madaxwaynaha Cusub.Extended NewsFah-Faahin Qaraxyadiii Muqdisho Iyo Dadkii ku Dhintay.
20 September 2012.
(Faah-Faahin naga soo gaaratay Magaaladda Muqdisho ayaa sheegaya in Qaraxii Caawo ku dhinteen Wariyaal u kalla shaqaynayay TV Qarranka, Idaacadda Radio Muqdisho Iyo
Liibaan Nuur Cali oo ahaa Madaxii wararka ee Telefishinka Qaranka.
Cabdi Sataar Daahir Sabreye Madaxii Barnaamiyadda TV Qaranka.
C/raxmaan Yaasiin oo ahaa Agaasimahii Radio Xamar (VOD)
Wariyaasha uu dhaawaca soo gaaray ayaa waxay kala yihiin
Maxamed Xuseen Gentelman oo u shaqeeya TV SNTV
C/laahi Maxamed Cali Suldaan iyo C/kariin Guutaalle oo u shaqeeya Radio Kulmiye .
Wariye C/risaaq Shiino oo ka howlgala Radio Kulmiye
Dhimashadda ayaa maraysaa 14 qof.
Khamiis (Ogadentoday Press)- Labba qof ayaa isku qarxiyay Hotel ku yaalla meel wax yar u jirta Theater Qarranka Soomaaliya ee Magaaladda Muqdisho.
Khasaaraha Qaraxan ayaa la sheegay in illaa hadda inta la ogyahay dhan yahay 8 qof dhaawac ah meesha warar la xaqiijiyay sheegayayaan in 7 qof ku dhinteen.
Mohamed Sheikh oo ku sugnaa ka soo horjeedka Goobta qaraxa ka dhacay ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee Reuters inuu arkayay dad yaalla meesha iyo kuwo dhaawac ah.
Sidoo Kalle goobta qarraxan ka dhacay ayaa u jirta Madaxtooyadda Soomaaliya Hal KM oo kalli ah.
Waa markii labbaad ee muddo Isbuuc ah qaraxyo ka dhacaan Magaaladda Muqdisho tan iyo intii la doortay Madaxwaynaha Cusub, waxaan qaraxii hore la doonayay in lagu Khaarajiyo Madaxwaynaha Cusub.