Maxaan u Dagaalamaynaa?
Posted by Ogadentoday-Chief Editor on September 20 2012 09:20:28
Khamiis (Ogadentoday Press)- Tan iyo Markii uu dhacay Sannadkii 1884-1885 Shirkii Barliin ee Qaaradda Afrika lagu qaybsaday Ummada Soomalida Ogaadeeniya waxay hoos galeen Gumaysi Madow Iyo Mid Cad oo isku kaa shanayay Nidaam Diini ah, Dhaqaale Iyo Mid Dhulbakaarsi. Bilowgii Qarnihii 19aad Markii Qaaradda Afrika ay u soo kaceen Dad Gobanimo Doon ah Ummada Soomaalidu waxay ahaayeen Dad Xoolo Dhaqato ah oo aan lahayn Fikir Siyaasaded oo midaysan, Qaar ayaa la safnaa Gumaysigii Ingiriiska, Talyaaniga Iyo Xabashida, Qaar kale way la dagaalamayeen. Halgankii Qaaradda Afrika Taariikhda galay wuxuu ahaa Halgankii Darwiish ee uu Hogaaminayay Sayid Maxamed Abdulla Xassan, Sannadahii 1921 Halgankii Darwiish wuxuu noqday Mid soo afjarma, Waxaana Guud ahaan Qaaradda Afrika ka socday Neecowda Xoriyadda ama Qarranimadda.
Extended News
Maxaan u Dagaalamaynaa?

20 September 2012

Qormaddan waxaan Daabacnay Sannadkii 2010 Bishoo December, waxaan hadda oogu soo celinay Xiiso aan aaminsanahay akhristayaashanadda sharafta baddan inay qabaan.

Khamiis (Ogadentoday Press)- Tan iyo Markii uu dhacay Sannadkii 1884-1885 Shirkii Barliin ee Qaaradda Afrika lagu qaybsaday Ummada Soomalida Ogaadeeniya waxay hoos galeen Gumaysi Madow Iyo Mid Cad oo isku kaa shanayay Nidaam Diini ah, Dhaqaale Iyo Mid Dhulbakaarsi.

Bilowgii Qarnihii 19aad Markii Qaaradda Afrika ay u soo kaceen Dad Gobanimo Doon ah Ummada Soomaalidu waxay ahaayeen Dad Xoolo Dhaqato ah oo aan lahayn Fikir Siyaasaded oo midaysan, Qaar ayaa la safnaa Gumaysigii Ingiriiska, Talyaaniga Iyo Xabashida, Qaar kale way la dagaalamayeen.

Halgankii Qaaradda Afrika Taariikhda galay wuxuu ahaa Halgankii Darwiish ee uu Hogaaminayay Sayid Maxamed Abdulla Xassan, Sannadahii 1921 Halgankii Darwiish wuxuu noqday Mid soo afjarma, Waxaana Guud ahaan Qaaradda Afrika ka socday Neecowda Xoriyadda ama Qarranimadda.

Ingiriisku Markii uu Dagaalkii labaad ee Aduunku Dhamaaday Sannadkii 1945, Wuxuu Guud ahaan Baddalay Siyaasadiisii ku salaysnayd Gumaysiga Isagoo Xoogagii Ciidamadiisa ee Qaarada Afrika Joogay ku Daabulay Dalka Hindiya oo uu ku lahaa Xarunta Ciidamada Badda Iyo Dhulka ee oogu Wayn, Dalka Hindiya wuxuu ahaa Dalka Isku Xirayay Aasiyadda Iyo Afrikadda uu Ingiriisku Gumaysto waxaana Sidoo Kale laga waardiyaynayay Ganacsiga Ingriiska ee Dunnidda.

Sannadadaas Ingriisku wuxuu Qorsheeyay in Waddamada uu Gumaysanayay uu qaar Xoriyada siiyo, Meesha qaar kalana uu Waddamo kale ku daray, Wuxuu Kala qaybiyay Ummado walaalo ah, Wuxuu Kala qaybiyay Waddamo Jiray, Wuxuu Isku Daray Dad aan isku Dhaqan, Luuqad, Diin Iyo Siyaasad ahayn.

Ingiriisku waxaa uu Ogaadeeniya u dhiibay Itoobiya Isagoo Markaas la sheegay inay ku kaliftay Labba Arrimood.

1- Dalka Ingriiska oo Boqortooyaddii Xabashida Hishiis la galay Qarsoon oo Muddo soo Jirey.

2- Dalka Ingriiska oo Waddamadii Kale Ee Aduunka ay ku Diideen in Soomalida oo Dhan Hal Dowlad loo sameey.

Waxaa Xusid Muddan in In Ingiriisku la galalayay Hishiisyo Dadkii uu gumaysnayay, Waxaana Odoayasha Ummada Soomalida Ogaaeeniya la galen Ingiriiska Hishiis ah in Dhulka Iyo Dadka Ogaadeeniya Talladiisa aan loo Dhiibin Itoobiya, Balse Hishiiskaas Ingriisku wuu Buriyay

Haddaba Laga soo Bilaabo, Sannadkaas Iyo Qarnigii 19aad oo Dhan Ummada Soomalia Ogaadeeniya waxay ku Jireen Iska Caabin Gumaysi Diid, Xaqna waa u leeyihin Inay Diidaan.

Sababtoo ah Guud ahaan Ummada ama Shacab ogol In Dalkooda, Dadkooda Iyo Khayraadkooda Lagu Haysto Xoog ma Jirto, Waana Sababta oogu wayn ee ummada Soomalida Ogaadeeniya u Dagaalamayaan.

Dadka qaar Ayaa ku dooda Qoriga aan Dhigno si aan u helno Xoriyadda Balse Hadii la waydiiyo oo la Dhaho ma Haysaa Taariikh Sheegaysaa Dad Bilaa Qori Xoriyadda Helay umma Hayaan Jawaab, Rayiga waa wax la iswaydaarsan Karo laga doodi karo, Balse u baahan Marka Rayiga laga doodayo In si Dhab ah looga Hadlo Dhibka Jira lana Fahmo Ujeedadda laga hadlayo ama Laga Dagaalamayao.

Markii Boqorkii Xabashida ee Menelik Hishiis la saxiixday Talyaaniga Kaas oo ahaa In Itoobiya Talyaanigu Xukumo oo uu hoos Yimaado Boqortooyaddii Bariga Afrika ee Talyaanigu Doonayay, Waxaa Gadooday Guud ahaan Shacabka Itoobiya, Ciidamadda Menelikna way ka hor-yimaadeen in uu Hihiis Noocaas oo kale ah galo.

Midaas waxay kaliftay Inuu Dhaco Dagaalkii Adwa ee u Dhaxeeyay Boqortooyaddi Abasiiniya Iyo Talyaaniga, Waxaana lagu Jabiyay Sida Taariikhdu sheegti Ciidamadii Talyaaniga.

Haddaba waxay tahay Su,aasha Muddan in la iswaydiiyo, Shacabkii Xabashidu Waxay ka Dagaalameen in la Gumaysto? Ogaaeeniyana waxay ka Dagaalamaysaa In la Gumaysato Dalkooda Iyo Dadkooda. Waa kuma qofka In La Gumaysto Ogol Ee Ka mid ah Ummada Ogaaeeniya?

Jawaabta waxaan ooga Tagayaa Akhristayaasha.

Ogadentoday.