EPRDF oo sheegtay in 10 Sanno Ka baddan Raysul Wasaaruhu Xilka Hayn Karin+ Warar Kalle
Posted by Ogadentoday-Chief Editor on September 20 2012 04:59:49
Khamiis (Ogadentoday Press)- Ururka TPLF oo Qoomiyadda Tigreega ayaa doortay Gudoomiye Iyo Ku Xigeen Cusub Kaddib Markii Raysul Wasaaraha Itoobiya oo ahaa Gudoomiyaha Ururka TPLF uu geeriyooday. Madaxwaynaha Gobalka Tigreega Abay Wolde ayaa loo doortay Hogaamiyaha Ururka TPLF kaas oo isku wadda inuu noqdo Mustaqbalka Raysul Wasaaraha Dalka Itoobiya Balse Qoomiyadda Tigreega ayaa la aaminsan yahay in loo awood sheegtay Kullankii oogu danbeeyay ee EPRDF ku dooratay Haile Hailemariam Desalegn inuu noqdo Raysul Wasaraha ahna Gudoomiyaha Xisbiga EPRDF.
Extended News
TPLF oo dooratay Hogaan Cusub+ Raysul Wasaaraha Itoobiya oo New York imanaya.
20 September 2012.
Khamiis (Ogadentoday Press)- Afhayeen u hadlay Xukumadda Itoobiya kana tirsan Xisbiga EPRDF Bereket Simon ayaa sheegtay in Gudoomiyaha Ururka EPRDF ahna Raysul Wasaaraha Dalka Itoobiya uusan Xilka haynaynin muddo ka baddan 10 Sanno oo aan labba Jeer ka baddan la dooran karrin.
Waa markii koobaad ee sharciga noocan ah lagu dhawaaqo Kadib Markii Geeridii Zenawo oo hayay Xilka Muddo dhan 20 Sanno
Go,aankan waa mid labba sanno kahor la gaaray balse hadda soo baxay, waxaa sidoo kalle la isku raacay in Raysul Wasaaraha Dalka 65 sanno dhaafsisanayn. midaas oo looga baqaya arrin da,ahaan ah.
Dhanka Kalle Ururka TPLF ee Qoomiyadda Tigreega ayaa doortay Gudoomiye Iyo Ku Xigeen Cusub Kaddib Markii Raysul Wasaaraha Itoobiya oo ahaa Gudoomiyaha Ururka TPLF uu geeriyooday.
Madaxwaynaha Gobalka Tigreega Abay Wolde ayaa loo doortay Hogaamiyaha Ururka TPLF kaas oo isku wadda inuu noqdo Mustaqbalka Raysul Wasaaraha Dalka Itoobiya Balse Qoomiyadda Tigreega ayaa la aaminsan yahay in loo awood sheegtay Kullankii oogu danbeeyay ee EPRDF ku dooratay Haile Hailemariam Desalegn inuu noqdo Raysul Wasaraha ahna Gudoomiyaha Xisbiga EPRDF.
Dhanka Kalle Rayul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa ku soo socda Xarunta New York ee Qarammada Midoobey oo lagu qabanayo kullankii Madaxda Aduunka.
Ogadentoday Press.