Sweden oo Qorshaynaysa in 450 Soomali ah dib u celiso.
Posted by Ogadentoday-Chief Editor on September 20 2012 02:56:32
(Ogadentoday Press)-Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dawladda Sweden ka ogolaaaday inay dib u soo celiso qaxooti Soomaaliyeed oo sharci looga diiday dalkaas.Waxaa maalmahan Magaaladda Muqdisho ku sugan Wefdi ay hogaaminayso Wasiirka Horumarinta Xiriirka Caalamiga ee Dalka Sweden Mrs Gunnilla Carlsson iyo Saraakiil ka socda Laanta Socdaalka oo ujeedada ay u yimaadeen Magaaladda Muqdisho ay tahay in dib loo soo celiyo 450-Soomaali oo dalkaas qaxootinimo looga diiday,inkastoo weli aan Madaxtooyadda laga shaacin heshiiskan hordhaca ah,waxayna dawladda arintaas ku bedelanaysaa in Mashaariic Malaayiin-Karoon ee lacagta Iswidhishka ku baxaya laga hirgeliyo Magaaladda Muqdisho.
Extended News
Noo soo celiya Qaxootiga Somalida:Heshiis Madaxweynaha Soomaaliya iyo Haweenay Wasiirad iswidhish ah isku afgarteen.
Wednesday, 20 September 2012 21:27.
(Ogadentoday Press)-Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dawladda Sweden ka ogolaaaday inay dib u soo celiso qaxooti Soomaaliyeed oo sharci looga diiday dalkaas.
Waxaa maalmahan Magaaladda Muqdisho ku sugan Wefdi ay hogaaminayso Wasiirka Horumarinta Xiriirka Caalamiga ee Dalka Sweden Mrs Gunnilla Carlsson iyo Saraakiil ka socda Laanta Socdaalka oo ujeedada ay u yimaadeen Magaaladda Muqdisho ay tahay in dib loo soo celiyo 450-Soomaali oo dalkaas qaxootinimo looga diiday,inkastoo weli aan Madaxtooyadda laga shaacin heshiiskan hordhaca ah,waxayna dawladda arintaas ku bedelanaysaa in Mashaariic Malaayiin-Karoon ee lacagta Iswidhishka ku baxaya laga hirgeliyo Magaaladda Muqdisho.
Hadii Dawladda Sweden ay ku guuleysato inay dib u celiso qaxootiga Soomaaliyeed,markaas waxay arintani hordhac u noqon-doonaa Dalal ay ka mid-yihiin,Norway iyo Holland inay Muqdisho dib ugu celiyaan qaxootiga wadamadooda laga diiday.

Magaaladda Muqdisho ayaan xaaladeeda la isku haleyn-karin,waxaana la sheegay inay adag-tahay in qaxooti halkaas dib loogu celiyo,lamana yaqaan heshiiska Madaxweynaha iyo haweeneydan Wasiiradda ay isku afgarteen inuu ku jiro in Muqdisho lagu soo celiyo dhamaan Soomaalidda qaxootinimadda looga diiday ee wadankaas ku sugan.
Soomaalidda Sweden ayaa la filayaa inay ka caroodaan heshiiskan la filayo in si rasmi ah loo saxiixo bilaha soo socda,kolka lagu dhawaaqo Xukuumad cusub,waxaana arintan loo xilsaaray Wasiirka Arimaha dibadda ee Soomaaliya ee la magacaabi-doono iyo Laanta socdaalka ee Sweden inay qalinka ku wada duugeen,inkastoo hadii ay dhacdo ay Soomaalida qurbaha ka caroon-doonaan falkan lagu degdegay.
Dawladda Norway,ayaa 2-bil ka hor waxay Soomalidda wadankaas,xasuustaan in heshiis qarsoodi ah oo dhex-maray Wasiirkii hore ee arimaha gudaha Soomaaliya Cabdi-samad iyo Wasaaradda Cadaaladda ee Norwayj,inuu Wasiirku inkjiray,inkastoo markii dambe Saxaafadaha Norway ay soo bandhigeen warqadii uu sida hoose u-saxiixay,lamana yaqaan arinta Madaxweynaha uu ku dhaqaaqay inuu inkiri-doono jiritaanka warkan,balse waxaan ka warsugnaa Joornaaladda Dalka Sweden oo la filayo inay heshiiskan hordhaca ah qarxiyaan bilaha soo socda.
Xigasho: Shacabka Media.