Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo Villa Soomaaliya loo raray.
Posted by Ogadentoday-Chief Editor on September 13 2012 03:14:32
(Ogadentoday Press) – Wararka ka soo baxaya Madaxtooyadda Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweynaha xilka kasii dagaya Shariif Sheekh Axmed uu si lama filaan u go,aansaday in Madaxwaynaha Cusub Xassan Sheekh Maxamud uu Villa Soomaaliya uu u soo guuro, Villa Soomaaliya waa Madaxtooyadda Soomaaliya. Tallaabaddan ayaa timid kadib Markii Madaxwaynaha weerar lagula soo beegsaday Hotel Jazeera oo uu degganaa isla markaasna uu kulla kulmayay Wasiirka arrimaha Dibadda ee Kenya.
Extended News
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo Villa Soomaaliya loo raray.



Muuqaalka Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud oo shir jaraa'id qabanayay markii lasoo weeraray

Khamiis, September 13, 2012

(Ogadentoday Press) – Wararka ka soo baxaya Madaxtooyadda Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweynaha xilka kasii dagaya Shariif Sheekh Axmed uu si lama filaan u go,aansaday in Madaxwaynaha Cusub Xassan Sheekh Maxamud uu Villa Soomaaliya uu u soo guuro, Villa Soomaaliya waa Madaxtooyadda Soomaaliya.

Tallaabaddan ayaa timid kadib Markii Madaxwaynaha weerar lagula soo beegsaday Hotel Jazeera oo uu degganaa isla markaasna uu kulla kulmayay Wasiirka arrimaha Dibadda ee Kenya.


Madaxwaynae Shariif ayaa la sheegay inuu ballantii uu qaaday uu oofinayo oo ahayd inuu la shaqayn doono Madaxwayne Xassan Sheekh isla markaasna wixii dhanka amaanka ah looga baahan yahay uu fullin doono.

16 Bishan ayaa la filayaa in si rismi ah uu Madaxwayne Shariif Xilka u wareejin doono isla markaasna Madaxwaynaha Cusub uu deggi doono Madaxtooyadda.

Ogadentoday Press
Muqdisho.