Kullankii Barlamaanka Itoobiya oo la Baajiyay. Maxay tahay Sababtu?
Posted by Ogadentoday-Chief Editor on July 06 2012 14:15:21
Jimce (Ogadentoday Press)- Wararka aan ka helayno Magaaladda Addis Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Kullankii Barlamaanka Itoobiya oo la qaban jiray xilligan kalle dib loo dhigay isla markaasna Albaabadda Xarunta Barlamaanka Police la dhigay. Illo Dhiblomaasiyadeed ayaa sheegay In dib u dhaca Kullanka Barlamaanka ay sabab u tahay xanuun la sheegay in Zenawi uu hayo midaas oo aan la xaqiijin Karin.Dastuurka Dalka ayaa dhigaya In Kullanka Barlamaanka ee Xilligan kalle uu goob Joog ka ahaado Raysul Wasaaraha Dalka isla markaasna uu qoddobadda Barlamaanka hor dhigo kuwaas oo ah Dhaqaalaha baxaya Sannadka.
Extended News
Kullankii Barlamaanka Itoobiya oo la Baajiyay. Maxay tahay Sababtu?

July 6 2012.

Jimce (Ogadentoday Press)- Wararka aan ka helayno Magaaladda Addis Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Kullankii Barlamaanka Itoobiya oo la qaban jiray xilligan kalle dib loo dhigay isla markaasna Albaabadda Xarunta Barlamaanka Police la dhigay.

Illo Dhiblomaasiyadeed ayaa sheegay In dib u dhaca Kullanka Barlamaanka ay sabab u tahay xanuun la sheegay in Zenawi uu hayo midaas oo aan la xaqiijin Karin.

Dastuurka Dalka ayaa dhigaya In Kullanka Barlamaanka ee Xilligan kalle uu goob Joog ka ahaado Raysul Wasaaraha Dalka isla markaasna uu qoddobadda Barlamaanka hor dhigo kuwaas oo ah Dhaqaalaha baxaya Sannadka.

Kullanka Barlamaanka ayaa la sheegay in dib loo dhigay Illaa Isbuuca soo socda ma kala cadda In Zenawi uu ka soo qayb galayo Iyo In kalle.

Barlamaanka Itoobiya ayaa ah Hal Xisbi oo sheegtay Inay Doorashadda ku guulaysteen Caalamka la yaabay Sida Hal Xisbi oo Dhamaan Barlamaan gaaraya 500 qof ay oogu guulaysteen isla Markaasna sheegeen hal Mucaarad ah inuu ku jiro oo cod helay.



Taagerayaasha Zenawi ayaa aaminsan in la sumeeyay Zenawi meesha Dadka Caadiga sheegeen in Zenawi uu hayo Xanuun Maskaxda ah.

Zenawi ayaa la sheegay In Hospital lagu dawaynayay looga Diiwaan galiyay sidii Safiir Itoobiyaan ah si xogta Dhabta ah aan looga helin Hospitalka isla markaasna Muuqaalkiisa wax baddan laga badalay sida ay shaaciyeen Illo Safaaradeed oo ku sugan Dalka Belgium.

Ogadentoday Press.