Maraykanka oo ka hadlay Xukunka Maxkamadda Itoobiya.
Posted by Ogadentoday-Chief Editor on June 28 2012 06:04:26
Khamiis ( Ogadentoday Press)- Dowladda Maraykanka ayaa ka hadashay Xukunka ka dhacay Magaaladda Addiis Ababa maalinimadii shalay.Dowladda Itoobiya ayaa 24 qof oo iskugu Jira Siyaasiyiin iyo Suxufuyiin xukuntay Maalinimadii shalay.Hay,addaha u dooda Xuquuqda ayaa ku eedeyay Xukumadda Itoobiya inay 150 qof oo taageerayaal Urur, Siyaasiyiin, Iyo Suxufiyiin ah loo adeegsanayo Xukunka ka dhanba ka ah Xuquuqda Aadamaha isla markaasna Itoobiya Sharci Argagaxisnimo u adeegsatay..
Extended News
Maraykanka oo ka hadlay Xukunka Maxkamadda Itoobiya.

June 28 2012.

Khamiis ( Ogadentoday Press)- Dowladda Maraykanka ayaa ka hadashay Xukunka ka dhacay Magaaladda Addiis Ababa maalinimadii shalay.

Dowladda Itoobiya ayaa 24 qof oo iskugu Jira Siyaasiyiin iyo Suxufuyiin xukuntay Maalinimadii shalay.
Hay,addaha u dooda Xuquuqda ayaa ku eedeyay Xukumadda Itoobiya inay 150 qof oo taageerayaal Urur, Siyaasiyiin, Iyo Suxufiyiin ah loo adeegsanayo Xukunka ka dhanba ka ah Xuquuqda Aadamaha isla markaasna Itoobiya Sharci Argagaxisnimo u adeegsatay..

24 ka mid ah Dadkan ayaa shalay la xukumay.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa eedeyn u jeediyay Itoobiya,

“ Maraykanku waxay walaac xoogan ka qabaan sharcigan Iyo Dadkan la xukumay, Itoobiya waxay u adeegsatay Sharcigan inay Mucaaradka kula dagaalanto, Muwaadiniinta ah” ayay Tiri Victoria Nuland oo u hadashay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka.


Ogadentoday Press.