Shirka Urur Gobaleedka IGAD ee Arrimaha Jubooyinka oo Furmay.
Posted by Ogadentoday-Chief Editor on June 28 2012 05:40:07
Khamiis (Ogadentoday Press)- Waxaa Magaaladda Nayroobi ka furmay Shir ay soo qaban qaabiyeen Urur Gobaleedka IGAD oo looga hadlayo Arrimaha Gobaladda Jubooyinka.Shirkan ayaa Dowladaha ku Midoobey Ururka IGAD oo Kenya, Itoobiya, Soomaaliya, Jabuuti, ay ka mid yihiin ayaa waxaa lagu casuumay Ergooyin ka socda Jubooyinka.Waxaa Maamul Gobaleedka Azania ee uu Hogaaminayo Madaxwaynaha Maamulkaas Professor Maxamed Cabdi Gaandhi u matalaya Shirkan Siyaasiga Cabdi Casiisa Cismaan Maxamud, Iyo Golaha Guurtadda Odoyaasha Sheekh Khaliif Guure.
Extended News
Shirka Urur Gobaleedka IGAD ee Arrimaha Jubooyinka oo Furmay.
June 28 2012.
Khamiis (Ogadentoday Press)- Waxaa Magaaladda Nayroobi ka furmay Shir ay soo qaban qaabiyeen Urur Gobaleedka IGAD oo looga hadlayo Arrimaha Gobaladda Jubooyinka.
Shirkan ayaa Dowladaha ku Midoobey Ururka IGAD oo Kenya, Itoobiya, Soomaaliya, Jabuuti, ay ka mid yihiin ayaa waxaa lagu casuumay Ergooyin ka socda Jubooyinka.
Waxaa Maamul Gobaleedka Azania ee uu Hogaaminayo Madaxwaynaha Maamulkaas Professor Maxamed Cabdi Gaandhi u matalaya Shirkan Siyaasiga Cabdi Casiisa Cismaan Maxamud, Iyo Golaha Guurtadda Odoyaasha Sheekh Khaliif Guure.
Dhanka Ururka Raskanbooniyiinta oo uu Hogaamiye Sheekh Axmed Madoobe Waxaa Shirka u Jooga Gudoomiye ku Xigeenka Ururka Macalin Maxamed Iyo Siyaasiga Mukhtaar Dheere.
Warar aan wali la xaqiijin ayaa sheegaya in Masuulyiinta oogu waawayn Arrimaha Jubooyinka Shirka lagu casuumayo dhamaadkiisa.
Waxaa Sidoo Kalle Shirka Jooga oo lagu Casuumay Ahlu Sunna Waljamceea Gobalka Gedo oo iyana Ergo u soo Dirsaday.
Shirkan ayaa looga hadlaya Mustaqbalka Siyaasadda Goballada Jubooyinka Kadib Marka laga saaro Alshabaab.
Kala soco Warbaahinta Ogadentoday Press Wararka sugan ee Shirkaas Iyo Waxyaabaha ka soo Baxa.
Ogadentoday Press.