Uganda oo laga Xusay OYSU.
Posted by Ogadentoday-Chief Editor on June 28 2012 05:38:29
Khamiis (Ogadentoday Press)- Waxaa laga xusay caasimada Uganda ee Kampala sanadguuradii 2nd ee ka soo wareegtay markii dhidibada loo taagay ururka Midawga Dhalinyarada iyo Ardayda Ogadeniya oo loo soo gaabiy0 OYSU.Kulankan oo ay soo diyaariyeen maamulka faraca OYSU Uganda ayaa waxaa kasoo qaybgalay maamulka jaaliyada Ogadeeniya ee Uganda, ururada dhaliyanyada soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankan Uganda iyo xubno ardayda jaamacadaha matalayay, mas置ul ka socday faraca OYSU Kenya mudane halgame Deeq Cali iyo marti sharaf badan oo shirka lagu casuumay.

Extended News
Uganda oo laga Xusay OYSU.

Uganda oo markii ugu horaysay laga xusay Sanadguurada labaad ee ururka OYSU.

June 28 2012

Khamiis (Ogadentoday Press)- Waxaa laga xusay caasimada Uganda ee Kampala sanadguuradii 2nd ee ka soo wareegtay markii dhidibada loo taagay ururka Midawga Dhalinyarada iyo Ardayda Ogadeniya oo loo soo gaabiy0 OYSU.

Kulankan oo ay soo diyaariyeen maamulka faraca OYSU Uganda ayaa waxaa kasoo qaybgalay maamulka jaaliyada Ogadeeniya ee Uganda, ururada dhaliyanyada soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankan Uganda iyo xubno ardayda jaamacadaha matalayay, mas置ul ka socday faraca OYSU Kenya mudane halgame Deeq Cali iyo marti sharaf badan oo shirka lagu casuumay.

Shirkan ayaa sidii caadada ahayd lagu furay wacdi diini ah oo uu soo jeediyay Halgame Sh. Bashir oo kamid ah mas置uliyiinta Ururka OYSU Uganda, kadib waxaa lagudagalay ajandihii shirka waxaana halkaas khudbado dhaadheer ka jeediyayay Xoghayaha faraca OYSU Uganda Najma Yusuf iyo Hoganka abaabulka iyo arimaha bulshada OYSU Uganda Abdi Tarabi waxay sifiican uga hadleen sababihii loo aasay ururka OYSU waxyaabihii uqabsoomay mudadii labada sano ahayd ee ururka jiray waxaa kale oo mas置uliyiintu ka hadleen waxqabadkii faraca OYSU Uganda iyo waxyaabaha hada horyaala.

Waxaa kale isna shirka ka hadlay halgame Shafi Adamwaris oo ku halyalay magaca jaaliyada Ogaadeeniya ee Uganda isagoo halkaas kasoo jeediyay khudbad guubaabo iyo talooyin isugu jirta isagoo ku dheeraaday midnimada iyo in aan laga shaqaysiino xooga iyo aqoonta dhaliyarada loona isticmaalo sida sax ah waxaa kale oo ka warbixiyay xaalada guud ee halganka.

Waxaa ugu dambayntii lagu soodhaweeyay Halgame Deeq Cali oo shirka marti u ahaa kana socday faraca OYSU Kenya isagoo halkaas kasoo jeediyay warbixin guud iyo mid gaar ahaaneed OYSU Kenya.

Shirkan oo ay ka hadleen mas置uliyiin badan ayaa ku soo gabagaboobay jawi wanaagsan iyadoo lagu balamay waxqab iyo wadashayn.

Indhoriyo
Kampala
Uganda
Ogadentoday Press