Afjayeenka Ururka OYSU oo Baaq Hanbalyo Warbaahinta soo Gaarsiiyay.
Posted by Ogadentoday-Chief Editor on June 28 2012 04:35:32
(Ogadentoday Press)- Warbaahinta Ogadentoday Press ayaa waxaa Hanbalyo Iyo Baaq soo gaarsiiyay Afhayeenka Ururka Dhalinyradda Iyo Ardada Ogaadeeniya ee OYSU, Afhayeenka ayaa Baaqan kaga hadlay Arrimaha Xaaladda Ogaadeeniya, Jabhadda ONLF, Ururka Dhalinta isla markasna ku Canbaareeyay Xukumadda Itoobiya oo Xasuuq ka wadda Ogaadeeniya. Qoraalka ayaa u qornaa Sidan Hoose.
Extended News
Hambalyo sanadguurada 2aad midowga dhalinyarada iyo ardayda somalida Ogadenia.
(Ogadentoday Press)- Warbaahinta Ogadentoday Press ayaa waxaa Hanbalyo Iyo Baaq soo gaarsiiyay Afhayeenka Ururka Dhalinyradda Iyo Ardada Ogaadeeniya ee OYSU, Afhayeenka ayaa Baaqan kaga hadlay Arrimaha Xaaladda Ogaadeeniya, Jabhadda ONLF, Ururka Dhalinta isla markasna ku Canbaareeyay Xukumadda Itoobiya oo Xasuuq ka wadda Ogaadeeniya. Qoraalka ayaa u qornaa Sidan Hoose.
Ugu horayn anigoo ka faa iidaysanaya sanadguurada ka soo wareegtay midowgii urur waynaha dhalinyarada iyo ardayda Ogadenia waxaan si diirran u salaamayaa, Hogaanka Jabhada Waddaniga Xoraynta Ogadaenya oo uu horgal u yahay gudoomiyaha JWXO Adm M Omar; N/huryaasha CWXO iyo dhamaan dhalinyarada iyo qaybaha kala duwan ee shacbiga qaaliga ah ee Somalida Ogadenia meel uu joogaba , Ilaahayna waxaan ka baryi inuu halganka aad ugu jirtaan xoraynta Dalkiina idinku guuleeyo hawlahana idiin fududeeyo.
Anigoo ku hadlaya Magaca Ururweynaha -OYSU- waxaan hambalyo udirayaa gudoonka Ururhoosaadka.Xubnaha Ururhoosaadka.Howlwadeenada kala duwan ee ururweynaha -OYSU- iyo dhamaan dhalinyarada somalida Ogadenia meelkasta ay kala joogaan sanadguradii labaad ee ka soo wareegtay markii la mideeyay 27-June-2010- maskaxda iyo awoodii kala baahsanayd ee dhalinyarda iyo ardayda somalida Ogadenia ku kala howlgali jireen.Waxaan umahadcelinayaa marlabaad xubnaha iyo taageerayaasha Ururweynaha -OYSU- ee fashilay isla markaana diiday kana hortagay in dhalinyarada iyo ardayda somalida Ogadenia lugu mashquuliyo barnaamijyada la soo farsameeyay ee markaasi lugu fulinayo qorsheyaasha siyaasadda Tigreega -ama TPLF- .
Baaq:
Ururweynaha Dhalinyarada iyo Ardayda Soomaalida Ogadenia wuxuu baaq u dirayaa in dhamaan shacabwaynaha S. Ogadenia ay gacmaha isu qabsadaan sidii ay uga bixilahaayeen dhibaatada Gumaysiugu. Wuxuu Ururweynaha -OYSU- ugu baaqayaa -Ugaasyada- Boqoradda- Hooyooyinka- aqoonyahanka- ganacsatadda- culumadda - ardayda iskuuladda - ardayda jaamacaha- ee ku nool gudaha dalka Ogadenia in la taageero isbadaladda siyaasadeed iyo kacdoonka looga soo horjeedo sidii meesha looga saari lahaa gumaysiga -Tigreega -
Cambaareyn:
Ururweynaha -OYSU- wuxuu cambaareynayaa falalka argagixisinimada leh ee xukuumada TPLF-kula kacayso shacabka somalida Ogadenia, sida Kufsiga, Dhaca iyo boobka xoolaha shacabka, Xadhiga iyo Jidhdilka. Waxaan sidoo kale cambaarayn lamid ah usoo jeedinaynaa inta gacanta kusiinaysa gumaadka shacabka aan waxba galabsan ee S. Ogadenia oo iyagu fulinaya rabitaanka gumaysiga aan naxayn.
Afhayeenka guud ee -OYSU-
Mudane shaafi sheikh abdi