Talliska Addis Ababa ee uu Hogaaminayo Xisbiga EPRDF waa ogyahay dhamaan waxan oo dhan, Ishuuna ku hayaa.
Tunis-
Wadamadda Carabta Tunis ayaa Mudaaharaaday, wuxuu ka kacay Mudaaharaadkaasi hal shaqsi oo dab is qabadsiiyay kuna dhintay, waxay dhashay in Xukunkii Tunis is baddalo, Madaxwayna Dalka Cararo, 30 sanno Dalka Dad mamnuuc ka ahaa ayaa soo laabtay oo la midoobay Caruurtoodii iyo ehelkood.
Mubaarak Xabis ayuu galay, waxaana lagu xukumay, Cimrigaa ku furey, waa 84 Jir, waxaana Dalka Maanta Madaxwayne ka ah, Ninkii uu isagu Xabiska Galiyay Sannadkii 2006, haddana markii Kacdoonka bilaabmay Masar ayaa Maxamed Mursi oo hadda Noqday Madaxwayne xabis la geeyay balse diiday inuu Xabiska ka soo baxo illaa Maxkmadu cadayso sababta lagu xiray, Maxkamadii noocas ahayd ayaa Inuu Madaxwayne yahay Ku Dhawaaqday oo uu Doorshada ku guulaystay.
Libya.
Qadaafi oo isku Tilmaamay Boqorkii Boqoradda Afrika, ahaana Ninkii keenay Midnimadda Afrika, ayaa ku tilmaamay inuu Shacabkiisu yihiin cayayaan, Markii ay mudaaharaadayeen. Wuxuu ku danbeeyay qabriga, Kadib Markii la dilay oo Ciidamada NATO duqeeyeen baabuur uu saarna, Qadafi nolol ayaa lagu qabtay balse waxaa la rumaysan yahay inay dileen Mucaaradka Libya, Qadafi kaligii ma dhiman, waxaa lala dilay laba wiil uu dhalay, oo midba mar la dilay, meesha mid kale la hayo oo Maxkamad ku socoto, Qadafi wuxuu ahaa Ninka oogu Xukun Dheer, 1969 ayuu Xukunka qabsaday, waxaana la dilay 2011.
Yemen.
Cali Cabdalla Saalix oo Dalkaas muddo soo hayay ayaa isna lagu dhaawacay Xukunka, isla markaasna lagu soo daweeyay Dalka Sucuudiga ugu danbayn waa ka tagay Xukunka wuxuu Noqday Qaxooti isagoo dadkiisa ka cabsi qaba.
Syriya.
Bishaar Al-Asad oo Aabihii ka dhaxlay Xilka ayaa illaa iyo hadda dagaal ku jira waxayse u muuqataa inuu mari doono wadaadii ay mareen saaxiibadiisa Carbeeed.
Dalalka Sucuudiga, iyo Bahrain, ayaa iyaga laga cabsi qabaa inuu is baddalo ku yimaadaan.
Sudan.
Dalka Sudan ayaa waxaa ka bilaabmay Mudaahardyo iyagoo Maanta Dowladda Sudan wacad ku martay inay la dagaalami wixii Mudaaharada meesha Mucaaradka Iyo Ururka Ardada Sudan ku baaqeen Mudaaharad la mid ah kii Masar ka dhacay oo kaga soo Horjeedaan Madaxwayna Al-bashiir iyo Xukunka Dhaqaalaha.