24 qof oo Maanta Addis Ababa Lagu Xukumay Iyo Hay,adda Xuquuqda oo ka Hadashay.
Posted by mohamed on June 27 2012 08:37:54
Talaado ( Ogadentoday Press)- Xukumadda Itoobiya ayaa Xukuntay manta 24 qof oo iskugu Jira Siyaasiyin Iyo Suxufiyiin.Xukunkan ayaa manta ka dhacay Magaaladda Addis Ababa waxaana la sheegay In Lagu xukumay Inta u dhaxaysa 5 Sanno illaa Xabsi Da,iman ah.Suxufiyiintan Iyo Siyaasiyiintan ayaa lagu eedeyay Inay xiriir la leeyihin Mucaaradka isla Markaasna Amniga Qaranka Itoobiya halis ku yihiin, sida uu qareenka Maxkamadda Addiss Ababa ka hor akhriyay Qoraalka.“ Maalin madow ayay u tahay shacabka Itoobiya, waa maalin la oran karo Cadaaladii Madoobayd, waxaa sidaas yiri Hay,ada Xuquuqda u dooda ee loo yaqaan Amnesty International”
Extended News
24 qof oo Maanta Addis Ababa Lagu Xukumay Iyo Hay,adda Xuquuqda oo ka Hadashay.
June 27 2012.
Talaado ( Ogadentoday Press)- Xukumadda Itoobiya ayaa Xukuntay manta 24 qof oo iskugu Jira Siyaasiyin Iyo Suxufiyiin.
Xukunkan ayaa manta ka dhacay Magaaladda Addis Ababa waxaana la sheegay In Lagu xukumay Inta u dhaxaysa 5 Sanno illaa Xabsi Da,iman ah.
Suxufiyiintan Iyo Siyaasiyiintan ayaa lagu eedeyay Inay xiriir la leeyihin Mucaaradka isla Markaasna Amniga Qaranka Itoobiya halis ku yihiin, sida uu qareenka Maxkamadda Addiss Ababa ka hor akhriyay Qoraalka.
“ Maalin madow ayay u tahay shacabka Itoobiya, waa maalin la oran karo Cadaaladii Madoobayd, waxaa sidaas yiri Hay,ada Xuquuqda u dooda ee loo yaqaan Amnesty International”
Dadkan ayaa lagu eedeyay Inay ku jireen Kacdoon la mid ah Midkii Carabaha ka dhacay oo la doonayay in Dalka laga abuuro.
Suxufiyiinta la xukumay ayay qaar dalka ka maqan yihiin meesha qaar kale xiran yihiin, Eskinder Nega oo la xiray Sannadkii la soo dhaafay ayaa ka mid ah Suxufiyiinta la xukumay.
14 Suxufi ayaa loo adeegsaday Xukunkooda sharciga Xukumadda Itoobiya soo rogtay oo ah inuu yahay mid Argagaxiso ah.
Hay,adda u dooqada Xuquuqda Aadamaha ee Human Right Watch ayaa si xoogan u canbaaraysay isla markaasna u dirtay caalamka Baaq.
Sidoo kale hay,adda u dooda Magan-galyadda Saxaafadda ee CJP ayaa falkan canbaaraysay.
Ogadentoday Press.