Xuskii Kenya ee OYSU+ Sawiro.
Posted by Ogadentoday-Chief Editor on June 25 2012 10:37:36
Isniin ( Ogadentoday Press)- Wadanka Kenya waxaa maanta laga xusay maalintii la aas aasay urur weynaha oysu oo maanta aduunka oo dhan ka jira.Hadaba xaflada ay maanta ay ururka oysu Kenya ku qabteen magaalada oo ay ka qayeb galeen boqolaal dhalinyaro taageerayaasha urur ka OYSU Kenya ah ayaa waxaa furey oo hadalo kooban ka jeediyey Gudoomiyaha Ururka kana warbixiyey waxqabadkii guud ee ururka iyo waliba natiijadii ka soo baxday midowgii ururad dhalinyarada Ogaadeeniya ee daafaha dunida joogta kana kuwan midoobay ururka OYSU.
Extended News
Xuskii Kenya ee OYSU+ Sawiro.
June 25 2012.
Isniin ( Ogadentoday Press)- Wadanka Kenya waxaa maanta laga xusay maalintii la aas aasay urur weynaha oysu oo maanta aduunka oo dhan ka jira.
Hadaba xaflada ay maanta ay ururka oysu Kenya ku qabteen magaalada oo ay ka qayeb galeen boqolaal dhalinyaro taageerayaasha urur ka OYSU Kenya ah ayaa waxaa furey oo hadalo kooban ka jeediyey Gudoomiyaha Ururka kana warbixiyey waxqabadkii guud ee ururka iyo waliba natiijadii ka soo baxday midowgii ururad dhalinyarada Ogaadeeniya ee daafaha dunida joogta kana kuwan midoobay ururka OYSU.

Sidoo kalen waxaa Shirka ka hadlay xubno kamid aha hogaanka ururka oysu Kenya oo dhalinyarada ku guubaabiyey in ay buuxiyaan kaalinta kaga aadan shaqada halganka iyo in doorka dhalinyarada Ogaadeeniya uu yahay mid lamid ah kan dhalinyarad aduunku ay oogu jiraan hor marka iyo iska dulqaadida gumaysiga waxayna tusaale yaashaas u soo qaateen wadamadii xornimada qaartay oo ay oogu danbaysay South Sudan.

Munaasabada xuska aas aaska OYSU oo dareen iyo xiiso gaar aha ku dhalisay dhalinyarada waxaa heeso dhaantooyin iyo waliba ciyaaro dhaqameed ka soo jeediyey kooxda Danab ee Jaaliyada Soomaalida Ogaadeeniya ee Bariga Afrika iyadoo heesiyihii halkaas laga qaaday ay dhamaantood ka hadalayeen kalsoonida bulshada dhexdeeda iyo qiimaha dhalinyaro ay maskaxduudu shaqayneyso u leeyihiin dal la guumaysto.

Waxyaabihii munaasabada lagu sameeyey waxaa kamid ahaa barnaamij loogu magac daray “Dhadhamin oo dhiib” waxaan dadweynah la siinayey cuntooyin laga sameeyey cunto dhaqameed Ogaadeeniya laga isticmaali jiray.


Hanad Maxamed
Ogadentoday Press
Kenya- Nayroobi.