Arrimaha Carabta: Dhaxal Sugihii Boqortooyadda Sucuudiga oo Geeriyooday.
Posted by Ogadentoday-Chief Editor on June 16 2012 10:03:02
Sabti- (Ogadentoday Press)- Hospital ku yaalla Dalka Switzerland ayaa waxaa ku geeriyooday Dhaxal Sugaha Boqortooyadda Sucuudi Carabiya, Nayef bin Abdul Aziz, oo ah Walaalo ahaayeen Boqorka Dalka Suuci Carabiya, Boqor Cabdalla Cabdi Casiis.Dhowr mar oo hore ayaa safaro caafimaad loogu qaaday Dalalka, Algeria, US, Iyo Switzerland.Boqorkan oo ahaa 79 Jir, ayaa muddo 38 Sanno ah ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Sucuudiga, Waxaa lagu Xasuustaa, Dagaal culus oo uu ku qaaday Kooxaha Al-Qaida ee Dalka Sucuudiga sanadihii 2003-2006.
Extended News
Arrimaha Carabta: Dhaxal Sugihii Boqortooyadda Sucuudiga oo Geeriyooday.
June 16 2012.
Sabti- (Ogadentoday Press)- Hospital ku yaalla Dalka Switzerland ayaa waxaa ku geeriyooday Dhaxal Sugaha Boqortooyadda Sucuudi Carabiya, Nayef bin Abdul Aziz, oo ah Walaalo ahaayeen Boqorka Dalka Suuci Carabiya, Boqor Cabdalla Cabdi Casiis.
Dhowr mar oo hore ayaa safaro caafimaad loogu qaaday Dalalka, Algeria, US, Iyo Switzerland.
Boqorkan oo ahaa 79 Jir, ayaa muddo 38 Sanno ah ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Sucuudiga, Waxaa lagu Xasuustaa, Dagaal culus oo uu ku qaaday Kooxaha Al-Qaida ee Dalka Sucuudiga sanadihii 2003-2006.
Kooxahan ka Dagaalama dalka Yemen ayaa ah Kooxaha uu ka soo saaray Sucuudiga, waana Sababta Sucuudigu uu Dagaalka Yemen kulla jirto Kooxahan u taageerayo.
Maalinimadda Axadda ah ayaa lagu aasayaa Nayef Magaaldda Meca.
Boqor Cabdalla Cabdi Casiis oo Xanuun baddan laftiisu hayaan ayaa Jira 88 Sanno, wali lama oga Cida Baddali Doonta Boqorkan.
Waxaa la filayaa In 30 Qof ee Arrimaha Boqortooyadda u xilsaaran ay soo qaban qaabin Doonaa Dhaxalka Sucuudiga.
Dhaq-Dhaqaaqyo baddan oo siyaasadeed ayaa la sheegay Inuu ka qayb qaatay, waxaana Ka mid ahaa, marti galinta Madaxwaynaha Dalka Tunisia ee Xukunka laga tuuray Zine El Abidine, Ciidamadda loo diray Dalka Bahrain.
Wuxuu ku dhashay Magaaladda Taif 1933, Taif aaya ah Magaalo Taariikhda Islaamta si aad ah looga yaqaan, wuxuuna Noqday isagoo Jira 20 Sanno Gudoomiyaha Gobalka Riyad oo ku began Sannadkii 1953.
VIDEO
Ogadentoday Press
Arrimaha Carabta.