War-Deg Deg ah: Maxamed Xirsi Xuseen oo Lagu DilayTuuladda Farmadow.
Posted by Ogadentoday-Chief Editor on June 15 2012 02:52:46
Jimce ( Ogadentoday Press)- Warar hada na soo gaara ayaa sheegaya in Ciidamadda Liyuu Police ay saaka Subax ku dileen Hal qof Tuulladda Farmadow oo ka tisran Gobalka Qoraxay.Ninka la dilay ayaa lagu sheegay Magaciisa, Maxamed Madoobe, sidoo Kale Ciidamadda Liyu Police ayaa la tagay Dad gaarayaa Illaa Toddobo Qof Lamana garanayo Xaaladda Dadkaas.
Extended News

War-Deg Deg ah:War-Deg Deg ah: Maxamed Xirsi Xuseen oo Lagu DilayTuuladda Farmadow..
June 15 2012.
Jimce ( Ogadentoday Press)- Warar hada na soo gaara ayaa sheegaya in Ciidamadda Liyuu Police ay saaka Subax ku dileen Hal qof Tuulladda Farmadow oo ka tisran Gobalka Qoraxay.
Ninka la dilay ayaa lagu sheegay Magaciisa Maxamed Xirsi Xuseen (Maxamed Madoobe), sidoo Kale Ciidamadda Liyu Police ayaa la tagay Dad gaarayaa Illaa Toddobo Qof Lamana garanayo Xaaladda Dadkaas.
Maxamed Xirsi ayaa wiilkiisa hadda kahor ku dileen Isla Tuuladda Farmadow, Mar aan wax ka qaydiinay Eheladda Marxuumka ayay noo sheegeen in Sababta kali ah ee loo dilay Wiilka uu ahaa, Gaawe uu watay oo ay ku qornayd, ONLF.
Warbaahinta Ogadentoday Dib ayay Warkan Buuxa Idin ka soo Gudbin Doonta.
Ogadentoday Press