War-Deg deg ah: Dhagax-Buur: Labba Gudoomiye Xaafadeed oo Dhaawac Isu gaystay.
Posted by Ogadentoday-Chief Editor on May 25 2012 06:49:27
(Ogadentoday Press)- Warar hordhac ah oo aanan wali Xaqiijin ayaa sheegaya In Labba Maamul Xaafadeed oo ka wada Tirsan Magaaladda Dhagaxbuur rasaas isku fureen isla Markaasna Mid ka mid ah Dhaawac loo gaystay. Xogta-Wariyaha Ogaden Today ooga soo waramaya Gobalka Dhagaxbuur ayaa sheegaya In Yuusuf Dheeg oo horey u ahaan Jirey nin ka ganacsadda Dharka lahanaa Meelaha Lagu sameeyo Dharka balse Maamulka Xaafadda 4aad la dhaawacay. Dhaawacan ayaa la sheegay Inuu u gaystay Ninka Lagu Magacaabo, Caseey Daahir oo isna ah Gudoomiyaha Xaafadda 6aad.
Extended News
War-Deg deg ah: Dhagax-Buur: Labba Gudoomiye Xaafadeed oo Dhaawac Isu gaystay.
May 25 2012.

(Ogadentoday Press)- Warar hordhac ah oo aanan wali Xaqiijin ayaa sheegaya In Labba Maamul Xaafadeed oo ka wada Tirsan Magaaladda Dhagaxbuur rasaas isku fureen isla Markaasna Mid ka mid ah Dhaawac loo gaystay.

Xogta-Wariyaha Ogaden Today ooga soo waramaya Gobalka Dhagaxbuur ayaa sheegaya In Yuusuf Dheeg oo horey u ahaan Jirey nin ka ganacsadda Dharka lahanaa Meelaha Lagu sameeyo Dharka balse hadda ka Tirsan Maamulka Xaafadda 4aad la dhaawacay.

Dhaawacan ayaa la sheegay Inuu u gaystay Ninka Lagu Magacaabo, Caseey Daahir oo isna ah Gudoomiyaha Xaafadda 6aad.

Illaa Iyo hadda Sababta ma hayno Dhabta ah ee keentay Dhaawacan, Waxaana la sheegay in hadda loo qaaday Magaaladda Jigjiga Dhaawacaas.

Khaladaadkan Amni dari ayaa ku soo aadaya Xilli Madaxda Maamulka Kililka Cabdi Maxamed Cumar uu safaro ku maraya Gobaladda, Godey, Qorahay Iyo Wardheer sidoo kale la filayo Inuu ku Yimaado Dhagaxbuur Sida uu Wariyihu soo Gudbiyay.

Safaraddan ayaa la sheegay inay sabab u tahay Cabashooyin Xaga Amaanka ah oo Dadka Deegaanka kala Kulmeen Ciidamadda Gaarka ah ee Kililka.

Ogadentoday Press.