· Guests Online: 23
· Members Online: 0
· Total Members: 107
· Newest Member: Abdi shukri
|
|
|
ONLF & Ethoipia kee nabad diid ah? |
|
 ONLF & Ethoipia kee nabad diid ah?
Zakariye Axmed
Gargaar200@hotmail.com
(Ogadentoday Press)- Sidaan lawada socono waxaa guud ahaamba istaagay wada xaajoodkii udhaxeeyay jabhada ONLF iyo xukuummada ethoipia ee ka socoday magaalada Nairobi ee dalka Kenya, hadaba sababaha keenay in u istaago wada hadalkaa ayaan ku lafa guri doonaa maqaalkan, balse intaa ka hor aan dul istaagno taarikhda ONLF oo koban iyo guud ahaan gobalka ogadenia.
Gobalka ogadenia oo ah dhul ay somalidu leedahay dadka ku dhaqana ay Somali yihiin balse ay maamusho dowlada ethoipia oo xoog ku haysato waxaa in mudda ah ka socoday halgan dheer oo ladoonayay in mar un lagu xoreeyo dalkaaas, saan is leeyahay halgamadaas waxaa ugu xoog badnaa kii ay hogaaminaysay jabhadii somali galbeed oo taageero xoogan ka halaysay dowladii somaliyeed sanadadii todobaatameyadii halgankaas wuxuu markii dambe u xuub siibtay dagaalkii caaanka ahaa ee 77kii ama dagaalkii xoraynta Somali galbeed iyadoo ciiddanka xooga dalka somaliyeed ay gudaha ugaleen gobalka, waqtigaas gobalka intiisa badan waa la xoreeyay.
Nasiib darro halgankaas waa uu fashilmay waayo wuxuu umuuqdya dal dal kale ku duulay caalamakuna si wayn ayuu uga hor yimid ciidankii Somalia way isaga soo baxeen ogadenia, sidoo kale waxaa burburtay jabhadii Somali galbeed sabsabtoo ah maysan lahayn siyaasad ka madax bannaan siyaasada Somalia, sidaa daraadeed mar haday dowladii somaliyeed ku jabtay dagaalkaas iyaguna way raaceen, qadiyadii ogadenia waqtigaas waxaa lagu gowracay khilaaf xuduudeed laba dal udhaxeeya.
Asaaskii ONLF
Burburkii Somali galbeed kadib xubo ka tirasnaa jabhadaas ayaa go,aansaday in mar labaad boodhka ka jafaan halgankii gobanimadoonka ogadenia loona diido ethoipia in si dhib yar gacanta ugu dhigto dhulkaas, xubnahaas oo ka kobnaa 6 qof ayaa magaalada muqdisho ka asaasay jabhada ONLF 15/8/1984 waxayna ugu wan qaleen magaca ah jabhad wadaniga xoraynta ogadenia(Ogaden national liberation front) waxayna gudoomiya udoorteen alla ha unaxariistee shekh Ibrahim cabdalla, sidoo kale waxa xubnahaas ka mid ahaa Abdirahman shekh mahdi oo ah hoogaan arimaha dibad ee ONLF hadana ah madaxa wafdiga wada hadalka ugu qayb galyo ururka. Xiligaa wixii ka dambeeyay xubnihii asaasay ONLF waxay howshooda ka bilaabeen gudaha ogadenia, markay dhacday dowladii mingeste hogaaminayay waxay heshiis la galeen jabhada TPLF oo iyadu xukunka ethoipia gacanta ku dhigtay waxaana lgu heshiiyay in qoomiyad walba maamul ugaar ah samaysato ciddii rabto in ay ka go,do ethoipia inteeda kale waxa laga qaadayaa afti dad wayne.
ONLF waxay dhistay maamulkii deegaanka somalida waxayna ku gulaysatay doorashadii laga qabtay shacabkina waxay udiyaarisay in ay ka xoroobaan ethoipia. Nasiib darro xukuumaddi itoobiya oo uu hogaamainayay meles zenawi maysan ixtiraamin wixii lagu heshiiyay waxayna soo saareen dastuur cusub oo lagu burburiyay dhamaanba heshiisyadii, maamulkii ONLF ee ka ariminayay gobalka ogadenia uma cunabin arintaa wayna ka horyimaadeen waayo dastuurku wuxuu ogalyahay oo kaliya maamul hosaad in ay qoomiyad kasta yeelato balse wax aaya ka tashi ah kuma qorra.
Waqtigaas waxay bilowday dowlada ethoipia inay layso saraakishii ONLF ee dowladda ushaqaynaysay waxaana dakii la dilay ka mid ahaa maayarkii magaalada qabri dahar sidoo kale waxaa la weeraray gudoomiyii jabhada shekh Ibrahim cabdalle oo markaas ku sugnaa mgaalda wardheer balse waxaa badbaadiyay shacabka deegaanka waxaana maalintaa wardheer lgu dilay dad kor udhaafayo 80 qof . maalintaa ayuu si rasmi ah bilowday dagaalka ONLF iyo ethoipia waxayna ahayd 1994 intaa wixii ka dambeeyay ogadenia waxay ahayd goob dagaal.
Marxaladihii la soo maray
Dagaalka ONLF wuxuu bilowday waqti duruufo adagi jireen, wuxuu kusoo beegmay xilli ay meesha ka baxday dowladii somaalia dalka somaliyana uu luguha kula jiray dagaal sukeeye, itoobiyana ay saamayn badan ku yeelatay siyaasaadii Somalia, balse hogaankii ONLF waxay go,aansadeen inay wadaan halganka gobanima doonka ah waxayna halku dhig uga dhigeen (midnimo,minted iyo isku tashi) ereyadaas oo aad moodo inay la jaan qaadayeen xaaldii qallafsanayd ee waqtigaa lagu jiray.
Dowlada ethoipia waxay wadanka ka mamnuucday dhamaanba waarbaahinta madaxa banaan waxayna marar badan sheegtay inay so af jartay dagaalyahanadii ONLF, balse xaqiiqda dhulka taalay taas way ka duwanayd ONLF awoodeeda si xoog ah ayay usii kordhaysay dagaalkuna wuxuu udhici jiray si joogta ah. Caalamka wuxuu si toos ah ugu baraarugay xaalada ogadenia sanakii 2007 waqtigaas ONLF waxay weerar ku qaaday xarun shidaal laga baarayay oo ka tirsan gobalka laguna magacaabo cooballe halakasi oy ku dileen ugu yaraan 9 qof oo udhashay dalka china iyo ku dhuwaad 70 ka tirsan ciidanka ethoipia waxana halkaa ku joogsaday guud ahaan hoowlihii shidaal baadhista oo laga caagay illaa manta iyadoo u muuqato in aan wax shidaal ah laga soo saari Karin gobalkaas illaa laga xallinayo colaada daba dheeraatay ee ka taagan halkaas.
Sidoo kale doowlda itoobiya waxay geed dheer iyo mid gaabanba ufuushay inay kala jabiso ururka ONLF balse uma suurto galin wax wayn, sanadki 2010 ayay shakhsiyaad horay ooga tagay jabhada ku sheegtay inay yihiin garab ka tirsan ONLF sheegtayna inay heshiis lagalayso, arintaa waxaa buunbuninteeda ka qayb qaatay qaar ka mid ah warbaahinta somaliyeed gaar ahaan mid ka mid ah tv-yada afka somaliga ku hadla oo illa hadda ku howlan hagardaamada shacabka maaskiinta ah ee dulman, muhim ma aha inaan magacaabo hadda balse taarikhdu waa garsoore caadil ah iyada ayaana xusi doonto, arintaas waxba kama badalin colaadii ka jirtay gobalka bal wayba sii hurisay dabkii.
Hadda xagay wax marayaan?
Xukuumada itoobiya waxay marrar badan isku dayday inay la hadsho ONLF balse jabhada ayaa mar walba ku xiraysay shuruudo ay ka mid yihiin in lagu wada hadlo wadan kale goobjooyaal ka markhaati noqdo waxa laga wada hadlayana ay joogaan arintaasi oy itoobiya mudaba ka meermeeraysay.
Ugu damabayntii itoobiya waxay ka fursan wayday inay aqbasho dalabkaas waxayna codsi udirtay dowlada Kenya sanadkii tagay, Kenya codsigaa way aqbashay waxayna 16/9/2011 udirtay magalada London oo ah xarunta hogaanka sare ee ONLF wafdi ka kooban dhowr wasiir oo uu hogaaminayo wasiirka difaaca Kenya YUSUF HAJI halkaasi waxay kula kulmeen madaxda jabhada ONLF wayna aqbaleen inay ka qayb qaataan wadahalkaas maadaamo ay ogalaatay itoobiya shuruudihii wadahadalka ku xirnaa.
Diyaar garow qaatay muddo hal sana ah ka dib waxaa markii ugu horaysay is hor fadhiistay labada dhinac waxana shir socday laba maalmood 6 iyo7 september lagu heshiiyay qodoba dhowr ah oo ay ku jireen in la furo wada hadal shuruud la,aan ah.
Wareegii labaad ee wada xaajoodka ayaa ka bilowday magaalada nairobi 15/10/2012 shirkaasi oo soconayay muddo dhan sedex maalmood ayaa lagu kala tagay ka dib markii wafdigii itoobiya ay ka baxeen mid ka mid ah qodobadii wareegii hore lagu heshiiyay ayna miiska soo saareen shardi ah in wada halaka ka hor ONLF aqoonsato dastuuka ethoipia arintaasi oy gaashaanka ku dhufteen wafdigii ONLF. Waxaa layaab leh in xukuumada ethoipia soo celiso sheeka sagaashankii laga soo tagay ONLF iyada oon haysan askar udagaalanta ayay inay dastuurka itoobiya aqoonsadaan ka door bideen dagaal una arkayeen in ay tahay isdhiibid cad iyo qadiyaddii oo laga fara xashay hadaba siday ku aqbali karaan manta oy haystaan kumaan dagaalyahan? leeyiihiina awood ay ku gorgortamaan sidoo kale boqolaal ayaa dalkan udhintay, maxay ku dhinteen haddii ay qadiyadu tahay mid saa ufudud lagana tanaasuli karo?
Waxay ila tahay way cadanahay cidd nabad diidka ah oo aan rabin in xal waara laga gaaro qadiyada ogadenia waana adowlada ethoipia oo caqabad ku noqootay wada hadalkii ay iyadu codsatay.
Zakariye Axmed |
|
#1 |
on March 09 2013 05:04:04
#2 |
on March 09 2013 05:48:56
#3 |
on March 09 2013 06:29:47
#4 |
on March 09 2013 08:50:19
#5 |
on March 09 2013 08:56:20
#6 |
on March 09 2013 09:07:45
#7 |
on March 09 2013 10:08:09
#8 |
on March 09 2013 11:26:04
#9 |
on March 09 2013 11:26:14
#10 |
on March 09 2013 11:31:45
|
|
|
Rating is available to Members only.
Please login or register to vote.
No Ratings have been Posted.
|
|
|
|