May 23 2013 20:41:23
Users Online
· Guests Online: 22

· Members Online: 0

· Total Members: 107
· Newest Member: Abdi shukri

BBC & VOA Somali

BBC Somali 04:00
BBC Somali 11:00
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00

VOA Somali 16:00
VOA Somali 17:00
VOA Somali 19:00
VOA Somali 20:00

Maxaa kulla Quman Hadaa tahay Taageeraha Maamulka DDSI?
SomaliMaxaa kulla Quman Hadaa tahay Taageeraha Maamulka DDSI?

March 08 2013.

Hordhac Taariikh

(Ogadentoday Press)- Sida aan ognahay Waddankeena Waxaa ka jira Dagaallo kuwaas oo Jabhadda ONLF iyo Taageerayaashuudu ku baadi goobayaan Gobanimo Doonka Dhulka Soomaalidda Ogaadeeniya oo Gumaysigii Ingiriisku Xukumadiii Abasiinaya u gacan galiyay Sannadkii 1948, Waxaana jiray hishiisyo baddan oo Dowladdii Ingriisku la gashay Dadkii ay gumaysanayeen balse balantaas ooga baxeen.

Marxaladaha Siyaasadeed ee Dalkeenu soo maray waa mid aan ka wada dharagsanahay umaba baahna inaan hadda dib oogu laabano, ONLF Iyadoo ka duulaysa Dastuurkii Itoobiya ee la ansaxiyaya Sannadkii 1995 Taariikhda Miilaadiga ayay soo ban dhigtay Qorshaheeda Siyaasadeed oo ahaa in Afti laga qaado Dadwaynaha ku dhaqan Soomaalidda Ogaadeeniya.

Arrintaas Jawaab celinteedu waxay noqotay in uu bilaabmo Dagaal ugaadhsi ah isla markaasna Madaxdii Jabhadda ONLF qaar la dilo qaar cararaan qaarna illaa iyo hadda nolol iyo geeri aan la aqoon meesha jiraan.
Waxaa hubaal ah in arrintaas ay sabab u ahayd wax dhamaan Dadka Deegaanka ama ha noqdo Kililka ama ha noqdo Taageeryaasha Jabhadda ONLF ay wadda doonayeen oo ahaa Xoriyadda Dalkeena Iyo Dadkeena.
Haddaba Magaca ONLF waxaa hubaal ah in aan u wadda dhimanay oo xataa midka Kililka Joogaa Magacaas dartiis loo takoorey, loo xidhay, loo diley, waxaa hubaal ah in Maamulka DDS ee hadda jira uu ahaa mid ONLF dhidibadda u aastay isla markaasna u soo galeen jiritaanka Deegaankaas iyo Maamulkaas waddo khadhaadh oo Siyaasadeed.

Shacabka oo Lagu dillo Magaca ONLF?

Hadii aa tahay qof damiir leh adoo xor u ah Taageeridaada aad taageeraysid DDS ma kula saxsan tahay in Hooyo aan waxba galabsan ay u dhimato bilaa sabab, Magaca ONLF loogu dillo? Ma kulla saxsan tahay in walaashaa ama waalidkaa lagu dillo bilaa sabab oo dad aad adu u jubaysan tahay ay ku dilaan? Jawaabta waxaan idin ka tagi idinka?

Nolol xumidda iyo Cabdisadda?

Bili aadanka waxaa oogu darran shaqsi ku seexda kuna soo toosa cabsi, Goormaa lagu xidhi? Goormaa lagu eedeyn? Goormaa lagu dilli? Waxaa hubaal ah in su,aalaas dad baddan waddanka ku nool ay ku jiran meesha dad Yurub iyo Ameerika jooga aysan war ka haynin, maxay tahay sababta aan ooga aamusanan karro arrimaha noocaas ah.

Deegaankeena wuxuu la leeyahay xuduud dheer Soomaaliya midaas sahli karta ganacsiga, wuxuu leeyahay beeraha midaas sahli kartaa inaan ka baxno cunto yaraanta, iyo saboolnimadda, sidee nolosha bili aadanka aan ku fur furi karna, si dadku u noolaadaan?

Xuquuqdu waa Haddiyad Dowladdu bixisaa mise Waa sharci?

Dadka intoodda baddan waxay ku farakaraan waxyaabaha Dasruuriyan shaqsigu u leeyahay xuquuq inuu yahay haddiyad Dowladdu siisay, Dowladdu waxba ma siin ee waa wax ay u leeyihin Xuquuq aas-aasi ah in qof walba helo, nabbad, cadaaladda, caafimaad, biyo nadiif ah, cunto iyo waxbarashi, dhamaan arrimhaas waa kuwa oogu liita Deegaankeena.

Haduu mid ONLF noqday Adu Dowladdada ma la xisaab tami Kartaa?

Hadii mid ONLF noqday oo uusan war u oolin, Adu xor ma u tahay inaad u hadashid Dulmanaha aan waxba galabsan, Xuquuqdiisan noqtay mid lagu tuntay oo aan jirin sharci Maxkamad madax-banaan, oo la iska xidhi la dili? Hadaa tahay Taageero DDS intee in la eg haysataa xoriyadda noocaas ah ileen Dalka iyo dadkaba waa inaga waana ka war haynaa, Hadii aadan hadli karin oo aadan xor ahayn, Maxaad ku diidi midka qoriga qaatay ee xaal markuu arkay Duurka galay? Bal jawaabtaas is waydii?

Haddaba, sideen ku helnaa Xukumad dadkeena wax ka dhagaysa, shacabkeeda aan dilin, aan gowracin, la dhaliilo karro, aduunka Madaxwaynayaasha Caalamka ayaa shacabkoodu intay u gacan qaadaan Maxkamad la keena, balse ka waran, Hadii hal wiil Liyuu Police ah aan u gacan qaado? Iskadaa gacan qaad ee markuu wadada soo maro ayaad adoo Taageero DDS ah ayaad Bisinka sidii boobaha u boobtaa, sideed cabsidda noocaas ah ooga bixi kartaa?

Gaba-Gabo, Sawirkan Macno Intee la eg kuu bixinayaa Maxaadse ka leedahay?

Maxay galabsatay Hooyadan nolosha la silacsan




By Ogadentoday Press
Comments
#1 | Cabdiraxman Caado on March 08 2013 11:28:48
Waan iskudayeynaa madaxweyne cabdi Maxamud cumar in aan kadhaadhicino in hada lajoogo xili nabadgalyo ah bookiskana ama ciidanka oo dhanba talaabo lagaqaado askarigii kuxadgudba shacabka ama masuulkii U isticmaala awoodiisa shacabka waanu kadhabayn mudane cabdi maxamuud cumar reer doolo abraahiin walow dawladu nagacanbidixaysay wax masuul ahna aanan kulahayn DDSI hadana taageero xaga nabadgalyada mahadsanidiin
#2 | ismahaan on March 08 2013 12:00:30
asc wr wb To ogadentoday


horta waa su aalo aad u wanag san lakiin waxaad adugu isaga jawaabi karto oo aad xaladodaba og tahay ma aha inaad isku hawsho waayo waxaa ddsi tageera waan og nahay xaladoodu waa indha adeeg bas

anugu ma tageero ddsi lakiin waan kaga jawabi jawaab fudud oo aan aheen fikir ama waxan amin sanahay ee ah wax xaqiiq ah oo aan isla wada og nahay waliba taas oo kucadeen tageera yasha ddsi waxay yihiin inaay qiima layihiin ama wax tari karaan

ugaas ama suldan waa waxa ugu sareya ee umadu qadariso khasatan somalidah waana meesha layska tabto ee ugu xun ugaas maxamed dullanee waxaa lagu xidhay jeel ogadeen waliba isagoo si bila adan nimada ka baxsan lola dhaqmay oo sharafta laga dilay waxa la geyay jeel ogadeen dad familigiisa sheeganaya oo ddsi u ololen jiray qaar uu adeer u yahay waa san ka maqlayeey ee waxay ku shireen maraykanka waad arkay seen waxaay ku hadlayeen waliba ninkii dawada dawaday ee universaltv ba sodaysay waxa hadaladoodi ka mid ahaa anagu dawlada waan tageeray naay nabadan qadanay waliba gudomiye ka ahaan anugu abdi ileey halkan baan kuso dhaweeyey marka fadlan hasoo dayo ugaaska hadal koodi waxba lagama soo qadin walahi waan u yax yaxay malintaa nin ku bar yaya oo inuu oya ku dhaw hadana adan xish mayneen marka qiimaha aay leeyihiin iyo meeqan kooda intasa kugu filan hadaan indha adeeg iyo caloosha soobur lo hadleen waan ogeen ugaasku sharaftuu lahaa iyo inuna waxba galab san xata onlf laguma eeden tasaba ronaan laheed oo danbi u noqon laheed ee 2 ugaas diriye ugaas askar oo lagaso xidhay gobolka afdheer oo lagu xidhay jeel ogaden oo sabab loga dhigay waxuu diday inuu saxeexo qoysas larabay in degmo laga raro waa cajiib aduun kan aaynu jogno manta dadka maxkabada ayaa loga yeedha isagoo la qasbin hadii danbi lagu haysto nin qof dilay moyee marka ninka taas ka hadli wayey miyaad rabtaa inaad qof onlf ah u doodo ama lagu eede yey? adugu is waydii ind waxaan u arkaa qof onlf lagu eedeyey isagoo ifka ugu neceb is waydiyey ma onlf baan ahay? tolow oo goor man noqday wayo dad waxaan aqaan onlf aan latusi karin oo jeel ogadeen ugu jira manta waxaad tahay oo 5 sano lagu xakumay ilahoow adaa xaal og soow cajiib ma aha manta xataa hooyadii loma ogolaah inaay aragto maxkabad baa lasaray wuu qirtay baa layidhi wadanka malintuu kadagay bana la dhigay jeel ogadeen ninkasi manta haduu sobaxo onlf inuu raaci lahaa ciilka uun ban u maleen
#3 | GARAAD on March 08 2013 12:51:40
ASC TO OGADENTODAY.COM walal marka hore salaansare kadib waxaan rabaa inaan kuusheego NIN BAA DHIHIJIREY HADAAD SI,AAD YEESHO GARAN WEYDO SI,UNBAA LAYEELAA aniga maanta waxan kunoolahay dhul nabad ah oon waxkabarto inteena badana qurbajoog baanahay lakin madheereyn xiligii aan kasootagay dhulkii hooyo anigoo xaalada si hoose ulasocda inta dhib dadka lagusameeyana ama waan soo arkay ama anayba igusoodhacdey marka ismahan wey lafuduyihiin su,aalaha anaase kaaga jawaabi wll ummada cadawga haysta qorigii intuu kadaayey 2008 ayuu ubadalay dagaal siyaasadeed kiina wey fahmiweydey onlf hadey fahanteyna wey iska ,indho tirtey dadkii shacabka ahaa oo 2005 taageerada jabhada onlf ay gobolka ku,ahayd 99% maanta waxay maraysaa inkayar 40% gudaha wadanka yaan kahadlayaa meesha aan joogo dadkeenuba majoogee MAXAY TAAGEERADA JABHADU ULUNTEY dhagayso 1.gobol walba rag magac weyn kuleh ookasoojeeda baatagay oo onlf ahaa waxayna dheheen ina cumar cismaan ba onlf afduub uhaysta qabiil buuna ubadalay halgankii 2. dilkii dr,maxamed siraad doolaal oo loohaysto madaxda sare ee jamhadu inay lug kulahayeen aniguna baadhitaano aan sameeyey ay kusoobaxdey xaqiiq SABABTO AH RAGII JAMHADA ONLF KATIRSANAA EE DR .DOOLAAL RAACEY WAXAA KAMID AHAA JAMAAL FAARAX ODOL WAXA DILAY JABHADA ONLF EE GOBOLKA QORRAXAY MARKHAATI HADAAD TAAS URABTO HALMAR KUSAFAR WADADA CIID EE GABAGABO IYO TOONCEELEY HAREERAHA WADAD HEERAHA DEGEN KULEEXO CARUURTA ADHIGA LAJOOGTA IYO HAWEENKAAS WEYDII SITOOS AH WAXAY KUUGUSHEEGIDOONAAN JAMHADA ONLF INAY DISHEY NINKII WAQTIGA DHEER ONLF AHAA EE JAMAAL FAARAX ODOL ANIGANA NINKII IISHEEGEY INAY JAMHADU DISHEY RAGAAS JAMHADA AHAA EE ILAA 30 DHANAA WALAHI MAANTA ONLF BUUYAHAY HUBKUUNA WATAA HADUUSAN SHIHIIDIN waxaan marka rabaa inaan kujawaabo dadku geed buu beeranayey dhiigoodeyna kuwaraabinayeen si,ay ugoostaan halkii midho laga sugayeey qodaxaa kasoodaatey geedka in lajaro taladusoo ma,ahan wiilasha liyuupolice waa geeljire lakin dadka ay lajoogeen dareenkiisii weeyaan dadku taageerda onlf muusan nicin ee wuukaniyad jabay niman qurabaha joogaana kaniyad jabiyey ee onlf inay isasaxdo makusocotaa .... mise websiteyada qorahay online iyo ogaden.net waxa kuqoran ee saxaafada ah yay niyada kudhisanayaan kkkkkkkkkkkkk yaab SU,AAL maxaasababy in intaas oo dhiib ay kadaadato dadkeena qurbaha jooga ood lasocotaan in yurub la,iskutooriyeey maraykan la,iskuweeraray s,africa la,iskudilay ,kenya hadalkeedba daaa ILAAHAY HAGUULEEEYO WIILASHAA RAFAADSANEE RAANTA IYO RAFAADKU DAASHADEY NINKII LAJOOGIJIREY BAA GARANKARA XAALKOODEE LAKINSE NASIIB DARRO WAXAA HOGAAMINYAA RAG MUSIC MACAAN UDAARANYAHAY ISMANA GAYAAN LABADAASI
#4 | halgan on March 08 2013 12:57:38
kkkkkkkkkkkk ismahaan anagu waanweyney cabdi ilay iyo ina cumar wax dadka uroon waxaana taageersanahay cabdi ilay viva cabdi maxamuud cumar UGAASKEENA UGAAS MAXAMED DUULANE ma,ogolin in wax loodhimo lakin xusuuso ugaaskii wardheer uweynaa ee beesha abraahiin onlf baa dishey kkk xabsi muxuu sheegi marka iyo tv baa lagahadley oo waan yaxyaxay naxariis baaba kugu danbaysa hadaad yaxyaxayso eee midakale ugaaskii godey waa kii cabdulahi lugbuur jeel ogaden kusooxidhey marka dadka nina uma roona lakin anoo maanta aan ethiopia joogin madoonayno ina cumar cismaan adiguna taageer
#5 | qorahay boy on March 08 2013 13:06:14
aad baan uguraacsanahay garaadka waxaana kudarayaa onlf madaxdeeda baa dadkii nacsiiyey maantayna talo lagudboontahay expire dateka onlf madheero hadii si dhaqso ah siyaysada dibada ee jamhada aan labadalin shirar dib uheshiisiina aan lagafurin dunida oodhan siiba kenya,s,africa ,marayka iyo yurub
#6 | Uuuuf on March 08 2013 13:22:46
Uuuuuuf uuuuubbbbooooo
#7 | Jarar on March 08 2013 13:40:29
Onlf waxma islahayso waa inay isbadalkenan.
#8 | xarjaaw on March 08 2013 14:03:44
ACWW salantas islamka kadib
waxan kula talin ahaa dawlada deegaanka in ay laba arimood
1- in ay dhisaan hay adaha cadalata iyo ammanka dadka sha cabka ah ay sugto oo ay xaqiijiso qof mu wadina inan cadalad daro lakulmin am lagu handadin magac dawladed ama jago iyada oo lagu edaynayo inuu ka mid yahay nabadiidka waxan qabaa arinkaas inay tahay mida ugu dhibka badan ee umada deganka dhibatadu kaso garto qof kasta oo muwadina wa in sharaftiisa dawladu ilalisaa ayna xaqijisa inu cadalad helayo tusaale in dawladu loyero u dooda lo diyariyo iyo inan maxakamad lan 24 saac kamadan la hayn karin
2_ waxan kalo kula talin laha in degaanku mahan inta jigjiga iyo agteeda ah ama magalo yinka wawen waa in deganka iyo dhulka dadka dhibatada way ay ku dhacday oo ah tuuloyinka dagmooyinka wax laga qabto oo lagula xisabtamo gobalada sida ay u hor mariyen iyo wax ay ka qabten dawladuna ay kal sarto siyasada iyo dhaqalaha oo gobalada si dacad ugu qaybiso horumarinta iyo kaabadaha dhaqale wcww
#9 | S G on March 08 2013 14:16:05
ONLF halganka ay waddo ma aha sida ganacsiga oo la odhanayo badeecadii way khasaartay, waxani waa mabda'a iyo gumaysi la dirir qof kataana uma abuurna inuu halgamaa noqdo dadka qaar unbaa tayo u yeelan kara inay halgamaan. dadka faalada samaynaya qaarkii waxaan halganka iyo kacaanadu ma sha dhacdo hal mar ah ee process, sidaas u fahma. waa geeddi-socod
#10 | KKKKKKKK on March 08 2013 14:22:41
TO. NINKA GARAAD WATA. WAXAAD SHEGAYSAA JAAJUS LA DILAY AYAAD HALGAMAA KU SHEGAYSAA.RUNTANA DADKA DEGANKA QABRIDAHARE WAY OGYIHIIN , KOALY SIDA HADALKAADA KA DHADHAMAYSA WAXAA KAA GUXAYA QABIIL.
INTA AAD MAHAMED OMAR WAX KA SHEGAYSO MIYADAN ARAGBA TOBANKA HERARAHA KA JOOGA MALAHA AFKAAGA IYO AQLIGAAGU MIDNA MA XISHOODO
HORAYBAA LOO YIDHI WASLAD KULUL HADAAN LAGU HOR WADIN WAYRAX KULULOOYIN.MIDBUU OGADENKU ONYAHAY MAALIN HORE AYAAD ONLF GADAN LAHAYDEEN HADUUNA MAHAMED OMAR AHAYN NINKA MADAXDA KA AHI
XAQIIQADANA WAXAA INOO KALA SHEEGI DADKEENA JAAJUSYAHAW DHUUNI QATAHA AHI
HORAYBAAD GUNIMO INOO BADEEN MAANTASE MA YEELAYNO OO WAXAA INOO MUUQDA XORNIMO.HADUU INA ILAY IYO GABRE KU SOO DIREEN JAWAASIISNA U WADA XUUBSIBATEEN IDINAKMA YELAYNO.
Post Comment
Name:

Validation Code:


Enter Validation Code:

Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.

Radio Xoriyo

Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
Shoutbox
Name:

Message:

1 + 5 =
Validation Code:


Enter Validation Code:



12/05/2013 17:26
dhibaatoyinka laga dhexlay dagaalkii somaliya waxa ka mid ah dadka oo shahaadoyin been abuur ah oo copy ah sameystey oo sheganaya xirfad uusan gaarin xagga aqoonta una dhaqan gashayba waxaa tusaale no

dede
06/05/2013 11:53
agaaaaaaaa way aadmi kalagardaranaaaaaa
Gadhigu ninku waday geediga ahaaaa ayagarabka ii dhigay

ishwaq
03/05/2013 14:38
daka alaa umaqan alaha ugargaro

qalbi
29/04/2013 14:39
agaaaaaaaa way aadmi kalagardaranaaaaaa
Gadhigu ninku waday geediga ahaaaa ayagarabka ii dhigay

28/04/2013 17:13
waxaan idinku hambalyeynayaa sida habsamida leh ee akhbaaraad caalamka iyo midda aniga aan aad u daneeynayo ee ogaden aad noogu soo tabisaan well done guys

onlf will Go to ICC
28/04/2013 16:51
Ogaden Land is the land situates Southeast of Ethiopia , no matter what western people believe that there are strategic aims which they are seeking to invade our territory. Ethiopia is our land and

cartedsiudnw
28/04/2013 15:52
Il a ete reanime par le cuisinier du college, Le president cubain Raul Castro a ete reelu dimanche a la presidence du Conseil dEtat, La famille du champion handisport explique que le compte twitter

mens gucci shoes
19/04/2013 20:50
This is a very good article, well written, everyone wants to write a good article, to write a good article for others is a progress test, write some articles on their own and other people is a goo

roosena dhidhaa
14/04/2013 16:44
saxane ilaahey ha ku soo hadeeyo walaalkiis Ahmed sheekh ALI Siraad waxa uu ahaa nin caan ah oo lawada yaqaan anguna waxaanu nahey eheliyahiisii faraskiisii aaqirana wuu heley ee yeysan ku qaadin caql

roosena dhidhaa
14/04/2013 16:38
inaa lilahi wa inaa ileehi raajicuun

rosenna dhidha
14/04/2013 11:18
haa

onlf
11/04/2013 06:41
hab

hargaanti
05/02/2013 08:58
WAA LA GUULEYSAN DOONAAN HADDII DADKU GAAJO KUDKUDE UGA ADAG, KURTUN QORAX/DHAXAN UGA ADAG, OO DHURWAA CAY UGA ADAG ! KII LAHAA IYO KU DAMACSAN AYAA IS HAYA. kAN LEH UUN BAY GUUSHU RAACI DOONTAA INSHA

Khayr side
03/02/2013 05:42
Jabhada wadaniga xoraynta ogadeniya ha guulaysato aamiin

mudazir ahmed ogaden
28/01/2013 17:26
guul jwxo[url] Shock[/url]

Render time: 0.64 seconds 6,887,658 unique visits