· Guests Online: 19
· Members Online: 0
· Total Members: 107
· Newest Member: Abdi shukri
|
|
|
NABAD IYO COLAAD: DOOD FURAN- By Professor Maxamuud Ugaas. |
|
< NABAD IYO COLAAD: DOOD FURAN
(Ogadentoday Press)-Qoraalkan waa dood la doonaya in Dhamaan Bulshaddu ka qayb qaadato, Waxaa Qoraalkan soo Diyaariyay Dr Maxamud Ugaas Isagoo soo gaadhsiiyay Qoraalkan Warbaahinta Ogadentoday Press wuxuuna qoraalkan u qornaa sidan hoose.
Waxaa furay oo dhexdhexaadinaya, Maxamud Ugaas
Waxaa la hubaa in uusan jirin qof aadami ah oo jecel in uu ku nolaado colaad iyo dagaal. Sidaas oo kalana, qof kasta oo aadami ahi wuxuu ugu jecelyahay in uu ku noolaado nabad iyo cabsi la’aan. Waxaa kale oo laysku raacsanyahay in uusan jirin qof miyir qaba oo jecel qof kale dhiiggiisa in uu daadiyo. Haddaba, way dhacdaaye, sideebeey ku dhacdaa in dhiig la daadiyo, dad bandan oo maxas ahina ku noolaadaan cabsi iyo nabad la’aan? Qiilka ay dagaal iyo colaad leeyihiin intee buu la’egayahay? Hadal iyo dhammaantii, marka laba ruux is gaadhsiiso iimo badan, ama laba qoys ay dhex marto colaadi, waxaa u birmada dad ka danqada collaaddaas, oo si dhexdhexaad ah u kala dhexgala, in baddanna ka niib-keena oo ku soo dabbaala nabad iyo heshiis. Ma dhici kartaa in ay shacabka reer Ogadeniya ka dhashaan dad dhexdhexaad ah, oo soo afjara collaaddan qaan-gaadhka ah ee ku habsatay shacbkaas dulmanaa muddada kontonka sano ka badan?
Su’aashaas aan ku gunaanaday tuducdaas sare, waxaa laga yaabaa in ay dad badan ku dhaliso fikirro kala duwan, dadna ay ka xanaajiso, dad bandanna ay galiso yididdiilo nabadeed oo cusub. Waxaa laga yaabaa in dad badani u arkaan collaaddan qaan-gaadh-ka ah ee reer Ogadeniya in ayna ahayn mid dad shacab ah oo dhex-dhexaad ahi soo afjari karaan. Hase ahaatee, haddii laga eego laba dhinac, midna way dhici kartaa in ay afeefdaasi duran tahay, oo ayna suurto gal ahayn, midna ay dhici karto in ay arrintaasi tahay hadaf la hiigsan karo.
Aragtida 1aad:
Haddii aynu labadaas mowqif sii abla-ableeyno, aan ku hor marro fikirka ah in dad shacab ah oo dhex-dhexaad ahi in aysan soo afjari karin collaaddan reer Ogadeniya habayaraatee; waxaa laga yaabaa in qofkii qaba in Ethiopia gumeysato reer Ogadeniya, oo waxa kaliya ee qancin kara uu yahay xorriyad taam ah, uma muuqan karto in dad shacab ahi wax yididdiilo ah ka soo kordhin karin hadafkaas.
Aragtida 2aad:
Dhinaca kale marka laga eego, shacabka reer Ogadeniya in ay aamminsanyihiin in xoog lagu qabsaday, oo la gumeysto, hase ahaatee ay u baahanyihiin nabad iyo colaad la’aan in ay ku gaadhaan xorriyadda ay raadinayaan, oo macnaha xorriyaddu ayna lahayn hal fasilaad ee ay leedahay fasilaadyo badan, jidka loo maraana uusan ahayn mid dagaal kaliya, uu ay jiraan jidad badan oo loo maro, markaas qofkii sidaas aamminsan, macano badan ayey u sameyn kartaa in dad dhexdhexaad ah oo Reer Ogadeniya ahi keeni karaan nabad waarta oo lagu gaadho nooca horriyadda ee la raadinayo.
Inteeynu doodaheennan soo socda ku saleyno labadaas aragtiyood, aynu marka ugu danbeeysa u soo nqonno jawaabta tuducda qoraalkan ee ku xusan qadcadda koobaad ee warqaddan iyo ay dhici karto in ay shacabka reer Ogadeniya ka dhashaan dad dhexdhexaad ah, oo soo afjara collaaddan qaan-gaadhka ah ee ku habsatay shacbkaas dulmanaa muddada kontonka sano ka badan, dooddaasina waxay noqon doontaa Doodda-4aad ee ugu danbeysa.
Dood Furan:
Doodda 1aad:
Maalinba maalinta ka danbeysa, waxaa inagu soo badanaya warbixinno ka kala imanaya ilo kala duwan oo qaarna inoo sheegayaan nabad, horumarin, iyo barwaaqo, qaarna sheegayaan colaad, xadhig, iyo dib u dhac, markaad eegtana wax hay’ad caalami ah, sida ICRC oo kale oo joogta waddankii majirto, wax saxaafad oo xor ah oo tagi kartana ma jirto, xataa warbixintii ugu danbeysay ee guddigii Xaqiiqa Raadiska ee Qaramada Midabay ee 2007 ay soo saareen wali wax ka soo baxay ma jirto. Biyo gacantaada looga dhargaaye, xataa ma jirto dad badan oo shacab ah oo madax bannaan oo soo sameeyey daraasad xor ah. Adduunkii ayaa inala wareersan oo xataa garan la’ wixii dhab ahaa, iyo wixii been ahaa. Aynu dooddan kobaad ku furno maxaa dhab ah, maxaa been ah? Maxaa daliil u ah arrintaas?
Doodda 2aad:
Dad lix milyan ka badan ayaa ku nool waddankii. Haba lagu kala duwannaado e, dadkaasi waxay u baahanyihiin ugu horeyn nabad iyo cabsi la’aan in ay ku noolaadaan. Marka labaad ayey u baahanyihiin in ay helaan adeeggii kale ee aasaasiga ahaa. Waa maxay xaaladda noloshoodu? Maxaa isbeddel ah oo ka jira dhanka nabadda iyo xabsiyada? Yaa xaqiijin kara? Haddii ay dowladi ka jirto waddankii, sideey u dhici kartaa in ay shacabka intaas la’egi ku noolaadaan colaad iyo cabsi joogto ah? Yaa ugu wacan? Ma la soo afjari karaa? Halganka hubeysan ee ONLF miyaa keenaya in shacakaasi ku noolaado cabsi? Mise dastuurka Ethiopia ayaa keenaya in shacabka tuhun lagu xidho ama lagu waxyeeleeyo? Mise cid kale oo dano gaar ah wadata ayaa walaaqaya? Dooddani ha kujahaysnaato innaga oo isku raacsan in baahida koobaad ee dadkeennu yahay nabad buuxda iyo cabsi la’aan in ay ku noolaadaan; ma runbaa aragtidaasi mise waa been? Maxaa caddeyn ah oo aad haysaa? Maxaa ugu wacan noloshaas cabsida leh? Maxaa lagaga bixi karaa cabsidaas?
Doodda 3aad:
Waa dhab in qofna u arko xorriyadda qaran ahaan, dowladnimo, aqoonsi, iyo ka mid noqosho buuxda dowladaha kale ee dunida ee la aqoonsanyahay, uu qof kalana u arko in ay xorriyaddu tahay mid shaqsiyeed ee ayna ahayn mid qaran, oo ah nolol cabsi la’aan ah, iyo xorriayadda aasaaska ah laga billaabo in uu qofku yeesho sharaf iyo karaamo buuxda oo uu la siinnaado inta kale ee la haysata xorriyaddaas. Haddaba xorriyadda shacabkeennu u dagaalamayo 50ka sano waa middee? Qofkii u arka in ayna xorriyadda uu rabo ahayn mid qaraneed ee ay tahay mid shaqsiyeed, ma danbiilaa? Labadaas mowqifse ma yihiin kuwo kala horreyn kara, oo marka la hiigsado tan shaqsiyeed la gaadhi karo tan qaraneed? Mise waa in marka hore la gaadho tan qaraneed, kadibna la hiigsado tan shaqsiyeed?
Doodda 4aad:
Innaga oo ka faa’ideysan donna gundhigga saddexdaas dooddood meesha ay ku soo biyo shubtaan, ayaan gali doonnaa dooddan ugudanbeeysa.
Ma dhici kartaa in ay shacabka reer Ogadeniya ka dhashaan dad dhexdhexaad ah, oo soo afjara collaaddan qaan-gaadhka ah ee ku habsatay shacbkaas dulmanaa muddada kontonka sano ka badan? Sidee u dhici kartaa? Yeey noqon karaan? Waa maxay waxa ay qaban karaan? Xaggee ayey ka billaabi? Yaa wax ka dhagaysan doona?
Gunnaanad:
Qofkasta oo ka qaybqaadanaya dooddan, waxaan ka codsanaya in uu ixtiraamo qof kale ee la yimaadda fikir ka duwan kiisa, isla markaana aynu bal ugu horreyn kala raacno in uu qofkaasi aamminsanyahay Aragtida-1aad ama Aragtida-2aad. Midda kalana, waxaa weeyaan in halkii doodba aan hal mar soo afjarno. Waxaana hadda inoo furan Doodda 1aad.
Way dhici kartaa in ay jirto Aragti 3aad oo ka duwan labadaas, hase ahaatee, waxaa si dooddu u koobnaato habboon in aynu markan hore dooddsiinno inta kala aamminsan labadaas aragtiyood. Haddii kala waxaa soo bixi boqolaal aragtiyood oo kala duwan. Fadlan, way dhici kartaa in dooddani ay midho dhasho oo ay ka soo baxdo wax weyn oo aynaan hadda halkan ka fili Karin, marka soo kooba, kuna ekaadaa murtida doodad, ilaaliyana nadaamka doodad iyo xorriyadda qowlka.
M.Ugas
PhD
|
|
#1 |
on February 21 2013 11:38:43
#2 |
on February 21 2013 11:46:15
#3 |
on February 21 2013 12:22:59
#4 |
on February 21 2013 12:28:28
#5 |
on February 21 2013 12:37:18
#6 |
on February 21 2013 12:43:56
#7 |
on February 21 2013 13:39:31
#8 |
on February 21 2013 13:49:10
#9 |
on February 21 2013 14:05:11
#10 |
on February 21 2013 14:07:18
|
|
|
Rating is available to Members only.
Please login or register to vote.
No Ratings have been Posted.
|
|
|
|