May 23 2013 07:47:53
Users Online
· Guests Online: 28

· Members Online: 0

· Total Members: 107
· Newest Member: Abdi shukri

BBC & VOA Somali

BBC Somali 04:00
BBC Somali 11:00
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00

VOA Somali 16:00
VOA Somali 17:00
VOA Somali 19:00
VOA Somali 20:00

Qaramada Midoobay, Mareykanka iyo Ururka Midowga Afrika oo soo dhaweeyay doorashada Xasan Sheekh Maxamuud.
SomaliQaramada Midoobay, Mareykanka iyo Ururka Midowga Afrika oo soo dhaweeyay doorashada Xasan Sheekh Maxamuud.

Talaado, September 11, 2012 (Ogadentoday) — Qaramada Midoobay, Marekanka iyo Midowga Afrika ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyagoo ku tilmaamay doorashadiisa tallaabo horay loo qaaday.

Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga ayaa sheegay in doorashadan ay caddeyn u tahay howlo badan oo lasoo qabtay si Soomaaliya ay uga gudbtoxilliga KMG ah.

"Maanta dadka Soomaaliyeed waxay cagta saareen jidka nabadda iyo barwaaqada. xildhibaanada Soomaaliyeed waxay si degan oo sharaf iyo u fiirsi leh u dhameeyeen xilligii ku-meel-gaarka, waxayna si buuxda u doorteen Xasan Sheekh Maxmuud inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya. Habka doorashadu waxay ahayd mid Soomaalidu leedahay una wada dhan tahay. Doorashadu waxay martay laba wareeg oo si hufan oo cad looga daawanayay adduunka oo dhan. Habka doorashu waxay ahayd mid ku dhacday si nabadeed oo dimuqraadi ah. haddaba dadka Soomaaliyeed waxay beeniyeen shakigii laga qabay, waxayna farriin adag oo horumar leh u gudbiyeen Afrika iyo dhammaan adduunka intiisa kale," ayuu yiri Mahiga.

Dajiruhu wuxuu sidoo kale yiri: "Waxaan soo marnay jid dheer oo aad u dhib badan si aan u soo gaarno halka aan hadda joogno. Muddo hadda laga joogo hal sano iyo xoogaa ayaa waxaa hakad galay geeddi-socodka nabadda. Hay’adihii dowladda oo shaqayn waayay ayaa keentay inay dowladda KMG Soomaaliya ku dhowaato inay laba u kala qaybsanto. Tan iyo maalmahaas adkaa waxaa la gaaray horumar aad u ballaaran."

Wafula Wamunyinyi oo ah ku xigeenka ergayga Midowga Afirka ee arrimaha dalka Soomaaliya, ayaa isaguna yiri: "Doorashadan waa mid muhiimado badan leh. Waxaan rumeysanahay inay tahay mid ku timid kaalin mug leh oo ay ciyaareen shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiintooda taasoo lagu xaqiijinayo horumarka dalka. Doorashadan ma ahan oo keliya in lagu doortay madaxweyne balse waa mid caddeyn u ah in dalka uu ka baxay xilligii KMG ahaa," ayuu yiri ku xigeenka ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaailya, Wafula Wamunyinyi.

Sidoo kale, Wamunyinyi wuxuu sheegay in beesha caalamka uu ka dalbanayo inay sii joogteeyaan taageeradii ay Soomaaliya siin jireen, wuxuuna intaas ku daray in AMISOM ay sii wadi doonto taageerada ciidan ee Soomaaliya ay u joogto.

"Shaki kama qabo in madaxweynaha la doortay uu xoogga saari doono dib u dhiska iyo xoojinta hay'adaha dowladda Soomaaliya iyo kaabayaasha bulshada, AMISOM diyaar ayay u tahay inay arrimahaas oo dhan ka caasiwo," ayuu Wafula hadalkiisa kusoo gabgabeeyay.

Dhanka kale, dowladda Mareykanka ayaa ku tilmaantay doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya mid u dhacday si dimuqraadiyad leh oo soo afjartay xilligii meel ku gaarka ahaa, waxaana mid caddeynaysa in dalka uu ku taallabsaday horumar weyn.

"Madaxweynaha cusub waxaa saaran mas'uuliyad weyn. Mareykanka wuxuu ugu yeerayaa hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay kasoo baxaan mas'uuliyadda saaran. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubnaha baarlamaanka oo dhan inay si dhow iskula shaqeeyaan, ayna xoojiyaan nabadda iyo deggenaashaha dalka si ay dadweynaha Soomaaliyeed u helaan nolol wanaagsan," ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Mareykanka.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo 57-jir ah ayaa waxaa lagu doortay cod aqlabiyad ah isagoo helay 190 cod, halka madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed uu helay codad gaaraya 79-cod.

Hiiraan
Comments
No Comments have been Posted.
Post Comment
Name:

Validation Code:


Enter Validation Code:

Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.

Radio Xoriyo

Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
Shoutbox
Name:

Message:

1 + 5 =
Validation Code:


Enter Validation Code:



12/05/2013 17:26
dhibaatoyinka laga dhexlay dagaalkii somaliya waxa ka mid ah dadka oo shahaadoyin been abuur ah oo copy ah sameystey oo sheganaya xirfad uusan gaarin xagga aqoonta una dhaqan gashayba waxaa tusaale no

dede
06/05/2013 11:53
agaaaaaaaa way aadmi kalagardaranaaaaaa
Gadhigu ninku waday geediga ahaaaa ayagarabka ii dhigay

ishwaq
03/05/2013 14:38
daka alaa umaqan alaha ugargaro

qalbi
29/04/2013 14:39
agaaaaaaaa way aadmi kalagardaranaaaaaa
Gadhigu ninku waday geediga ahaaaa ayagarabka ii dhigay

28/04/2013 17:13
waxaan idinku hambalyeynayaa sida habsamida leh ee akhbaaraad caalamka iyo midda aniga aan aad u daneeynayo ee ogaden aad noogu soo tabisaan well done guys

onlf will Go to ICC
28/04/2013 16:51
Ogaden Land is the land situates Southeast of Ethiopia , no matter what western people believe that there are strategic aims which they are seeking to invade our territory. Ethiopia is our land and

cartedsiudnw
28/04/2013 15:52
Il a ete reanime par le cuisinier du college, Le president cubain Raul Castro a ete reelu dimanche a la presidence du Conseil dEtat, La famille du champion handisport explique que le compte twitter

mens gucci shoes
19/04/2013 20:50
This is a very good article, well written, everyone wants to write a good article, to write a good article for others is a progress test, write some articles on their own and other people is a goo

roosena dhidhaa
14/04/2013 16:44
saxane ilaahey ha ku soo hadeeyo walaalkiis Ahmed sheekh ALI Siraad waxa uu ahaa nin caan ah oo lawada yaqaan anguna waxaanu nahey eheliyahiisii faraskiisii aaqirana wuu heley ee yeysan ku qaadin caql

roosena dhidhaa
14/04/2013 16:38
inaa lilahi wa inaa ileehi raajicuun

rosenna dhidha
14/04/2013 11:18
haa

onlf
11/04/2013 06:41
hab

hargaanti
05/02/2013 08:58
WAA LA GUULEYSAN DOONAAN HADDII DADKU GAAJO KUDKUDE UGA ADAG, KURTUN QORAX/DHAXAN UGA ADAG, OO DHURWAA CAY UGA ADAG ! KII LAHAA IYO KU DAMACSAN AYAA IS HAYA. kAN LEH UUN BAY GUUSHU RAACI DOONTAA INSHA

Khayr side
03/02/2013 05:42
Jabhada wadaniga xoraynta ogadeniya ha guulaysato aamiin

mudazir ahmed ogaden
28/01/2013 17:26
guul jwxo[url] Shock[/url]

Render time: 0.74 seconds 6,881,135 unique visits