June 19 2013 09:44:05
Users Online
· Guests Online: 30

· Members Online: 0

· Total Members: 107
· Newest Member: Abdi shukri

BBC & VOA Somali

BBC Somali 04:00
BBC Somali 11:00
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00

VOA Somali 16:00
VOA Somali 17:00
VOA Somali 19:00
VOA Somali 20:00

Sidee ayey Soomaalida Malaysia ugu dabaal dageen sanadkan xoriyada 1-da Luulyo?
SomaliSidee ayey Soomaalida Malaysia ugu dabaal dageen sanadkan xoriyada 1-da Luulyo?

July 2, 2012

(Ogadentoday Press)- Xaflad si heersare ah loosoo agaasiyey, ayaa ka dhacdey Hoolka weyn ee xafladaha, ee Jaamacada Caalamiga ah ee Islaamka (UIA) ee Caasimada Kualalumpur ee Dalka Malaysia.

Xafladan qiimaha badan ayaa waxaa Soomaalida ku nool dalka Malaysia si sharaf badana ugu wada casuumey, si habsani lehna isugu soo dubaridey, Madaxda sare ee Ururka Guud ee Ardeyda Soomaaliyeed ee Dalka Malaysia, ee loosoo gaabiyo (SSSM), ee uu Gudoomiyuhu u yahay Mudane: Moowliid Axmed iyo teamkiisa, Safaarada Cusub ee Soomaalida dalkan Malaysia-yana eey Qeyb libaax leh ka qaadatey, iyadoo Goobta xafladaba eey wada fadhiyeen, Safiirka Soomaaliya U fadhiya dalka Malaysia H.E Ambassador: Salad Ali Ibraahim, Safiir ku xogeenka Safaarada Mudane: Cabdiraxman Jaamac, Xogheynta Safaarada: Mr. Muqtaar, iyo Ganacsadaha weyn, kana mid ahaa wafdigii Safiirka Mudane: Cabdullahai Yuusuf.



Xafladan oo si hamsami badan u soconeysey, ayaa waxaa qudbado kala duwan, oo aad u qiiro badnaa, isuguna jirey Dib isu xasuusin Taariikheed, Guubaabo iyo Dhiiragalinba, kasoo kala jeediyey, Safiirka Soomaaliya U fadhiya dalka Malaysia H.E Ambassador: Salad Ali Ibraahim oo aad ugu dheeraadey taariiqdii halgankii Ummadeena, Sidii eey isu jeclaayeen oo eey dhiig iyo dheecaanba ugu hureen Calankaa eeynu wada hoos harsaneyno, isagoo dhinaca kalena, si hufanna u faahfaahiyey waxqabadka Safaarda intii yareyd ee eey furneyd, iyo in eey waxkasta ka hormarindoonaan qancinta iyo wax u qabadka muwaadinka Soomaaliyeed ee ku nool dalkan Malaysia. Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee Dalka Malaysia Dr. Muuse Maxamuud, ahne bare waxna ka dhiga isla jaamacada Caalamiga ah ee Islaamka ayaa isagana goobta ka qudbeeyey. Waxaa sidoo kale qudbado heer sare ah kasoo kala jeediyey goobta Dr. Cabdisalaam Xuseen Mallah iyo Dr. Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdiboqor” oo labaduba ah Macallimiin Soomaaliyeed, oo wax kawada dhiga Qeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha ee Jaamacada Caalamiga ah ee Al-Madinah International University. Waxaa sidoo kale Qudb aad u qiimo badneyd, oo guubaabo aheyd goobta kasoo jeediyey Gudoomiyaha Ururka Guud ee ardeyda Soomaaliyeed ee Dalkan Malaysia: Mudane Mowliid Axmed, Iyadoo Walaasheen Canab Nuur Hiloowle, oo ah ardayad barata Bangiyada iyo Dhaqaalaha Islaamka, waliba heer Shahaadada sare ee PhD-da ah qudbad sacab badan kasbatey iyo gabey qiiro badnaa oo iyadu eey iyada aliftey goobta kusoo bandhigtey. Waxaa sidoo kale goobta ka qudbeeyey Jeneral Maxamed Warsame, oo loo yaqaano “Gen. Dhooleey” oo arimo caafimaad wadanka Malaysia usoo gaarey, ahaana mid ka mid ah, Jananadii hore ee Police Soomaaliyeed, iyo gudoomiyihii Saraakiishii Ciidamadii hore ee Waqtigii Maxaakimta dib la isugu yeerey. Waxaa iyana xusid mudan in Police-ka Xaafada Soomaalidu u badan tahay ee Gomback iyo Wufuud Ajaanib ahba goobta eey joogeen, iyadoo Saaxafada Soomaaliyeedna uu inagala Joogey Wariyaha caanka ah ee: Axmed Abuukar Azhari, kana socdey TV-ga Caalamiga ah ee SOMALICHANNEL, iyo Xamza Shariif oo isna ka socdey HC production iyo Engineer: Faarax Osman Jimcaale oo isna ka socdey Markonews iyo Saxaafad kaloo Soomaaliyeed oo farabadan.



Guud ahaan Xafladu waxeey isugu jirtey, Qudbooyin, Muuqaalo video-yo ahaa, oo midnimada iyo wadaniyada ka turjumayey, heeso Wadani ah oo Cod oo kaliya ahaa, kuwaasoo eey inoo qaadayeen ardey yaryar oo ku wada labisnaa Calanka Soomaaliyeed iyo Astaamaha Qarankeena Soomaaliyeed.

Xaflada dabaaldaga sanadkan waxeey aheyd xaqiiqdii mid kuwii hore waxyaabo farabadan uga duwaneyd. Waa marka koobaade, waxey aheyd xafadladii Xoriyada iyo Midow-geena ee Koowda Luulyo (July1) loogu dabaaldagayo, ee ugu horeeysey ee ebid Malaysia ka dhacda, taasoo Safiir Soomaaliyeed oo Malaysia fadhiya uu farxadaa Ummadiisa la qeybsado. Inta badan waxaa imaanjirey Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Indonesia H.E. Ambassador Maxamuud Coloow Baroow. Waxaa farxad kaloo xusid mudan ah, in xaflada sanadkani kusoo beegantey, iyadoo xili isbadallo waaweyn,oo wanaag badani wadankii hooyo eey ka dhacayaan, iyadoo Qurba-joogu uu wadankii kusii qulqulayo, Sawirada jimcaha ee Xeebto liido iyo Curubo ee Caasimadii Qaranka ee Muqdisho, ee Warbaahinta kawada muuqdana xaqiiqdii indhuhu ku doogsanayaan, oo yadadiilo nabadeed iyo Rajoba ina wada galinayaan, iyadoo sidoo kale markii ugu horeeysey mudo dhowr iyo labaatan sano ah kadib, eey wadanka duulimaadyo caalami ah ka sameyneyso, mid ka mid ah diyaaradaha ugu caansan, uguna sumcada badan Qaarada Yurub eeTurkish Airline.



Ugu dambeyn habeenkaa Qiimaha iyo Qaayaha badan, ayaa ummadii kasoo qeybgashey waxeey kala tageen, Qiiro wadaninimo, wacyi galin baahsan, iyo dareen aad u sareeya, oo qiiro Soomaalinimo ka burqaneeyso, kaasoo ka turjumayey u hiloowga Ummadeenu uqabto, in wadankeeni hooyo nabad inoo wada noqdo, si midnimo, isjaceyl walaaltinimo, bashbash iyo warwaaqana aan ugu wada noolaano, ileyn isagaa ina wada deeqa, oo inaga badane. Gabagabadii iyo Gunaanadkiina si guul ah ayey kusoo gabagaboowdey xafladii Koowda luulyo ee sanadkan 2012-ka, ee loogu dabaaldagayey Xornimada iyo midnimada ummadeena qaaliga ah ee Soomaaliyeed. Ugu dambeyna waxaa Mahad gaar ah iska Leh Ururka Guud ee Ardeyda Soomaaliyeed ee dalkan Malaysia, ee loosoo gaabiyo (SSSM), oo xaqiiqdii muda dheer ku howlanaa qabanqaabada xafadlan Qaran, Kuna guuleystey kamirodhalinta dadaalkoodii hufnaa, kasoo soomaalida Malaysia eey aad uga wada maqsuudeen, ugana wada mahadceliyeen.










W/D: Cabdulqaadir Maxamed Cismaan “Cabdiboqor”

Bare/Macallin Jaamacadeed, Qeybta Maamulka iyo Dhaqaalaha

Al-Madinah International University, Malaysia

abdulkadirphd@hotmail.com
Comments
#1 | Sezgin on July 19 2012 21:34:43
cabdullaahi nuur ducaale cnmoemted on Ayaansan.com | Ayaansan TimesGrinan qaran ha ka doonin dawlad caamil ah caalamka aan kunoolahay waxaa soo maray taariikh kala duwan,waxaana taariikhda loo bartaa in laga faa,iideeysto,laguna cimri qaato,shalay wixii dhacay iyo waxa ay noqotay natiijadeeda,ma aha markii ugu horeeysay aduunka umad leh dhul iyo xuduudo layaqaan,akasoo dhexbaxaan dad u dhashay dalkaas kana dhashay dadkaas in ay noqdaan caado qaatayaal aan iimaan lahayn kuna tunta sharafta iyo karaamada umadaas iskuna daya, in ay sandareerto dhaafsadaan umadooda,ayna isku dayaan in ay u dabraan cadawgooda,waana tan maanta iyo shalayba heeysatay umada soomaaliyeed oo ah umad ay cadaw u noqdeen dariskooda, iyo wadamadii ugu waaweynaa caalamka, laakiin waxaan xasuusinayaa umada soomaaliyeed, kuwa biiro qaatayaasha iyo cadawgeena oo ay ugu horeeyso qaramada midoobay oo magac ahaan caalamka kulmisa laakiin ah shirkad ay ku danaystaan in yar oo ay ka maqantahay aadminimada iyo karaamada dhabta ah ee lagu garto umadyoowga sharafta leh, in caalamkan uu leeyahay ilaah uuna abaal marin doono,tusaale waxaa idiinku filan oon idin xasuusinayaa afrika waxaa lagu qaybsaday baarliin, jawaabta ilaah ka bixiyayna waxeey noqotay in baarliin qaar kamid ah kuwii wax ku qaybsaday in ay qaybsadaan waana dulmigii ay casuuntay,taasi iyo tu ka xun waxaa dhaxal u helidoona kuwa maanta dhulkooda u ogalaaday in cadaawada umada soomaaliyeed lagu go,aamiyo,tusaale xarunta qaramada midoobay, xarunta igad iyo meel waloo loo fariisto shirqoolada lagu wado soomaaliya iyo soomaalidaba,kuwa sheeganaaya dawladnimada ee caamilka ahna waxeey mudan doonaan carada ilaah, ama diinta baro ama mid caamo ahba ahoow,soomaalidu waa masaakiin, ay dilootay dibin daabyada cadaawaha aan nixin, laakiin waxeey leeyihiin alle u gargaara,waxaan u mahad celinaayaa ra,isal wasaaraha sharciga ah ee heeysta codka dadkiisa mudane farmaajo waxaana hubaa sida umada soomaaliyeed kuu jeclaatay in illaah kuu jecelyahay,waxaana leeyahay aadmigu waa ku adagtahay in uu gaaro darajadaada oo kale,waxaana kaaga tacsiyeeynayaa waxa kugu qabsaday, magaaladaad ku dhalatay, waxaana ku leeyahay rag wax walba waa qabsadaan ku samir jacaylka dadkaaga, sheekh shariif waxaan kula talinayaa ilaah wuxuu ku baray cilmigiisa umada soomaaliyeedna aad ayeey kugu sharaftay,ha hilmaamin aaqiradaada waxaa tahay kii ka wacdin lahaa umada wixii u xun qiyaamahooda walaal isku noqo isku day inaad ku dhowaato illaah aadna ka dooran rabi gaal aan dad u hayn diintaada dadnimadaada iyo qiyaamahaaga, xataa waxaan kugula talinayaa inaad xaqa u dhimato waayo aduunka waa maalmo tirsan aaqirana waa danbeeysaa, wax waloo qaldana waad garan kartaa, shariif xassan waxaan ugu duceeynayaa in illaah iiimaankiisa hagaajiyo kana saaro xumaha uu ku dhex jiro, ilaahna garansiyo in uu u toowbadkeeno asaga iyo inta lamid ahba
#2 | DSAD on November 13 2012 20:23:51
Firm control briefers might be fairly constrictive. As a plus dimensions lady ugg ultra short sale. ugg ultra short sale ugg boots uk. ugg boots uk I get the ideal results from the complete physique briefer - one that starts at or underneath the bust and ends at the thigh. In this way my whole 'new' physique is in proportion uggs ultra tall chestnut. uggs ultra tall chestnut ugg outlet. ugg outlet cheap ugg look alikes. cheap ugg look alikes but you could get body briefer shapewear panty ugg classic metallic tall. ugg classic metallic tall ugg sundance ii boots on sale. ugg sundance ii boots on sale cheap uggs for women. cheap uggs for women should you just want smoother hips and buttocks.
#3 | yoninah009 on November 22 2012 22:23:45
Also, they might www.northfaceapexbionicvip.com 't be dried inside the strong sunlight through iron. The master especially be aware of resist damp, mould and insects, specifically in the north face apex bionic jacket the plun rains seasons. When it is possible, I suggest how a wearer should hang it down as being a western-style clothes. Don't utilize the compress bag.
Thedown lag strøk er kanskje uten tvil canada goose jakke en av en god del elementer produsert ved for å få intense vintersesongen temps. Den faktiske Europa Goose rett ned pels er www.expeditionparkacanadagooseno.com generelt noe pels som presenterer funksjonalitet mens støtte type og også luksus Quebec gås spencer.
Post Comment
Name:

Validation Code:


Enter Validation Code:

Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.

Radio Xoriyo

Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
Shoutbox
Name:

Message:

1 + 5 =
Validation Code:


Enter Validation Code:



mustafe
11/06/2013 03:19
soomaaliyeey isku kacaay oo isku seexda

abdi baasuuke
08/06/2013 17:14
it seems that Somalia is heading back to 1991 the bloody civil war I think people have mistaken of electing xasan culusow gurguurte a man who always smiles with or with out a reason but behind the smi

godey gacalo
08/06/2013 05:58
There are a lot of GOOD people in this world who are trying to clean things up. But unfortunately, there are still some who would prefer to just keep ROLLING IN THE DIRT

Kismaayo
04/06/2013 09:40
War deg deg Ah - bare HIIRAALE. oo u geeriyoodey. dhaawac bam oo caawa lagu turey gurigiisa

samira
02/06/2013 07:40
kkkkkkkkk runti waxan moda madaxwaynaha in qabil lo doortay maxa yelay bulshadina madax ayu isku galiyey wax xal dadwanaha ugu jirana kam talinayo tankale intu kismayo so firinayo bal muqdisho ha xore

Goora Qubi
26/05/2013 10:01
Fikir ahaan waxaa baryahan soo badanaya hadal haynta aan anigu karhay oon jeclahay bataatanba in lajoojiyo waxaan ogsoonahay in ay dhamaatay sheekadii al itixaad taasoo dad badan ilaa hada hadal haya

Goora Qubi
26/05/2013 09:57
Fikir ahaan waxaa baryahan soo badanaya hadal haynta aan anigu karhay oon jeclahay bataatanba in lajoojiyo waxaan ogsoonahay in ay dhamaatay sheekadii al itixaad taasoo dad badan ilaa hada hadal ha

12/05/2013 17:26
dhibaatoyinka laga dhexlay dagaalkii somaliya waxa ka mid ah dadka oo shahaadoyin been abuur ah oo copy ah sameystey oo sheganaya xirfad uusan gaarin xagga aqoonta una dhaqan gashayba waxaa tusaale no

dede
06/05/2013 11:53
agaaaaaaaa way aadmi kalagardaranaaaaaa
Gadhigu ninku waday geediga ahaaaa ayagarabka ii dhigay

ishwaq
03/05/2013 14:38
daka alaa umaqan alaha ugargaro

qalbi
29/04/2013 14:39
agaaaaaaaa way aadmi kalagardaranaaaaaa
Gadhigu ninku waday geediga ahaaaa ayagarabka ii dhigay

28/04/2013 17:13
waxaan idinku hambalyeynayaa sida habsamida leh ee akhbaaraad caalamka iyo midda aniga aan aad u daneeynayo ee ogaden aad noogu soo tabisaan well done guys

onlf will Go to ICC
28/04/2013 16:51
Ogaden Land is the land situates Southeast of Ethiopia , no matter what western people believe that there are strategic aims which they are seeking to invade our territory. Ethiopia is our land and

cartedsiudnw
28/04/2013 15:52
Il a ete reanime par le cuisinier du college, Le president cubain Raul Castro a ete reelu dimanche a la presidence du Conseil dEtat, La famille du champion handisport explique que le compte twitter

mens gucci shoes
19/04/2013 20:50
This is a very good article, well written, everyone wants to write a good article, to write a good article for others is a progress test, write some articles on their own and other people is a goo

Render time: 0.96 seconds 7,293,829 unique visits