War-Saxaafadeed: Go’aamadii kasoo baxay Shirkii OYSU N. America.
Go’aamadii kasoo baxay Shirkii OYSU N. America.
June 27 2012.
Talaado (Ogadentoday Press)- Shirkii Mudada Sadexda cisho uga socda ururka Midowga Dhalinyarada iyo Ardayga Ogadenia Gobalka Minnesota ee carliga maraykanka ayaa maalintii Axada lagusoo gabagabeeyay wadatashi iyo sidii loo hormarinlahaa hawlaha ururka dhalinyarada ee qaarada Waqooyiga America (North America).
Shirkan oo muhiimadiisu ahayd in dhalinyarada kasoo qaybgashay shirkan oo ka kala timid gobalada intooda badan ay kukala faa’iidaystaan, iskuna buraarujiyaan maadaama ay dhalintu tahay hormuudka shacabka xaalada guud ee uu kusuganyahay wadanka Ogadenia. Waxaa lagu soo xidhay qorshii sanadlaha ahaa ee ururkasta muujiyay inay kaalin wax ku ool ah ka qaateen qorsho sanadeedka guud ee ururka. OYSU N. America ayaa shirkan kuxusay sanadguuradii labaad ee kasoo wareegtay xiligii magaca iyo muruqa lamideeyay dhamaan dhalinyarada reer Ogadenia ee aduunka ka jirtay lana magacbaxday OYSU.
Iskusoo wada duuduuboo shirka OYSU N. America ayaa waxaa kasoo baxay go’aamo muhiim ah.
Go’aamadii kasoo baxay Shirkii OYSU N. America.
Iskusoo wada duuduuboo shirka OYSU N. America ayaa waxaa kasoo baxay go’aamo muhiim ah.
Go’aamada Shirka:
1. Xoojinta halganka xaqa ah ee shacabka reer Ogadenia kula jiro gumaysiga madow ee Ethiopia meelkasta iyo markasta.
3. In Ururka Dhalinyarada iyo Ardayda Ogadenia ee Qaarada waqooyiga America laamahiisa urur hoosaad la balaadhiyo, loona askumo wadashaqayn joogta’ah , si halganka shacabka reer Ogadenia kujiro ay dhalinyaradu hiil iyo hooba ula garab istaagto, kaalin laxaad lehna uga qaataan.
4. In shirar badan loo qabto oo joogta ah dhamaan siyaasiyiinta Maraykan iyo hay’adaha udooda dadyowga dulman laguna baraarujiyo xasuuqa iyo gumaadka kasocda Ogadenia.
5. Dhalinyarada Jaamacadaha oo lagu abaabulo inay shirar ay ku casuumayaan macalimiinta iyo ardayda ay ku qabtaan jaamacadaha iyo iskuulada waxbarasho, taas oo lagu barayo ururka waynaha OYSU, kadibna lagusoo bandhigayo xasuuqa qarsoon ee ka socda Ogadenia.
6. In si wada jir ah oo heer qaaradeed ah looqabto muxaadirooyin lagu abaabulayo shacabwaynaha Somalida Ogadenia.
7. In sida ugu haboon loo hirgaliyo Saxaafad, sida TV, Radio iyo shabakada internet ka oo ku hadlidoonta codka OYSU-N. America.
Baaq:
Shirwaynaha Ururka Dhalinyarada iyo Ardayda Soomaalida Ogadenia wuxuu baaq u dirayaa in dhamaan shacabwaynaha S. Ogadenia ay gacmaha isu qabsadaan sidii ay uga bixilahaayeen dhibaatada Gumaysiugu dhakhsaha badana looga qaado cunaqabataynta ku abaaday ee xukuumada kaligii taliye Melez dusha ka saartay shacabka S. Ogadenia. Shirku wuxuu ku baaqayaa in si shuruud la’aan ah loosiidaayo shacabka aan waxba galabsan ee sida xaqdarada ah uga buuxa jeelasha gobalada oo dhan sida jeel Ogadenia (jigjigaga K. Taliye Melez Zanawi.
Wuxuu shirku hay’adaha iyo wadamada reer galbeedka ugu baaqayaa in si xornimo iyo cadaaladi ku dheehantahay loo baadho xadgudubyada ka baxsan xuquuqda aadanaha oo maalin walba si joogta ah uga socda gobalada dalka Ogadenia, sida).
Cambaareyn:
Waxaa ururka OYSU N. America cambaareynayaa falalka argagixisinimada leh ee xukuumada Ethiopia kula kacayso shacabka somalida Ogadenia, sida Kufsiga, Dhaca iyo boobka xoolaha shacabka, Xadhiga iyo Jidhdilka. Waxaan sidoo kale cambaarayn lamid ah usoo jeedinaynaa inta gacanta kusiinaysa gumaadka shacabka aan waxba galabsan ee S. Ogadenia oo iyagu fulinaya rabitaanka gumaysiga aan naxayn.
We are currently working on a college paper and we have been exploring your blog for a few hours. Thank you for your post it proved helpful for us. baby bean bag
waxaan idinku hambalyeynayaa sida habsamida leh ee akhbaaraad caalamka iyo midda aniga aan aad u daneeynayo ee ogaden aad noogu soo tabisaan well done guys
onlf will Go to ICC
28/04/2013 16:51
Ogaden Land is the land situates Southeast of Ethiopia , no matter what western people believe that there are strategic aims which they are seeking to invade our territory.
Ethiopia is our land and
cartedsiudnw
28/04/2013 15:52
Il a ete reanime par le cuisinier du college, Le president cubain Raul Castro a ete reelu dimanche a la presidence du Conseil dEtat, La famille du champion handisport explique que le compte twitter
mens gucci shoes
19/04/2013 20:50
This is a very good article, well written, everyone wants to write a good article,
to write a good article for others is a progress test, write some articles on
their own and other people is a goo
roosena dhidhaa
14/04/2013 16:44
saxane ilaahey ha ku soo hadeeyo walaalkiis Ahmed sheekh ALI Siraad waxa uu ahaa nin caan ah oo lawada yaqaan anguna waxaanu nahey eheliyahiisii faraskiisii aaqirana wuu heley ee yeysan ku qaadin caql
roosena dhidhaa
14/04/2013 16:38
inaa lilahi wa inaa ileehi raajicuun
rosenna dhidha
14/04/2013 11:18
haa
onlf
11/04/2013 06:41
hab
hargaanti
05/02/2013 08:58
WAA LA GUULEYSAN DOONAAN HADDII DADKU GAAJO KUDKUDE UGA ADAG, KURTUN QORAX/DHAXAN UGA ADAG, OO DHURWAA CAY UGA ADAG ! KII LAHAA IYO KU DAMACSAN AYAA IS HAYA. kAN LEH UUN BAY GUUSHU RAACI DOONTAA INSHA
Khayr side
03/02/2013 05:42
Jabhada wadaniga xoraynta ogadeniya ha guulaysato aamiin
baby bean bag