· Guests Online: 34
· Members Online: 0
· Total Members: 107
· Newest Member: Abdi shukri
|
|
|
Gudoomiye Ku Xigeenka Jabhadda ONLF Maxamed Ismaaciil oo Dhanbaal Diray. |
|
 Gudoomiye Ku Xigeenka Jabhadda ONLF Maxamed Ismaaciil oo Dhanbaal Diray.
June - 25 2012
Isniin (Ogadentoday Press)- Waxaan marka hore waxaan mahad iyo amaan u soo jeedinayaa jaaliyadaha Ogadenya ee dalka Australia, iyo Yurub oo si isku waqti ah dagaal ay ku guuleysteen kula jiray cadowga wax ma gartaha ah. Jaaliyadda Ogadenya ee dalka Australiya waxay burburisay qorshe dhagareedkii Woyanuhu u soo dhiibay mujrimiinta miciyaha dhiiga ku leh, sida oo kale Jaaliyadaha Yurub waxay isla waqtigaa ka wadeen mudaaharaad ay Yurub iyo caalamkaba gu muujinayeen gabood falka ka jira Ogadenya iyo gargaarka ay siiyaan in loo adeegsado gumaadka shacabka aan wax galabsan.
Halganka xaqa ah ee shacabka geesiga ah ee Somalida Ogadenya ugu jiraan aayo ka talintooda wuxuu marayaa marxaladii u dambaysay ee albaabka xorriyadda. Waxaa is qabsaday ka gir ka gir dagaalka cadowga lagula jiro dibad iyo gudaba. Dagaalka dibadda waxaa wada jaaliyadaha kuwaas oo ka dhacsiiyey xaqnimada halgankooda iyo qaddiyadda dalalka ay joogaan. Dagaalkaas gaamuray waxaa lagu taageerayaa loona dheeli tirayaa halganka gudaha ee CWXO horseedayo. Waxaa looga aarayaa gumaadka iyo xasuuqa ay ku hayaan dagaal dambiilayaalka Meles Zenawi shacabka aan wax galabsan ee birma gaydada ah.
Halganku waa mid gaamuray, CWXO geesiga ah ayaa ka gacan sareeyo cadowga iyo kalkaalayaalkiisa, dibad iyo gudaba. Sida loo curyaamiyey waxaad ka garan kartaa xaaladda siyaasad, dhaqaale, ciidan iyo bulshaba ee cadowga maanta haysata: Waxaa maxfalada caalamka, sida UN, EU, laga doodayaa xidhiidhka Itoobiya iyo gargaarka la siiyo inay u adeegsanayaan arrimo ciidan dadka lagu gumaado iyo in kale. Waxay su'aashaasi timid markii la ogaaday arrintaas saxnimadeeda. Waxaa hoos u dhacay wax soo saarkii, dagaalka Ogadenya ka jira awgeed, kharashka ku baxaya ayaa baajedka xukuumadda la dhacay. Xoogsatadii iyo beeralaydiina ciidan ayaa laga dhigay ka dagaalama Ogadenya, iyo burburka kale ee weheliya. Waxaa dalka laga la'yahay waxyaalaha noloshu u baahan tahay, sida saliida, shidaalka, burka, iwm. Taasina waxay dhalisay inay inta yar ee taala qiimahooda la goyn waayo. Arrintaas dhaqaale xumada ah waxay keentay in dhul beereedkii iyo degaanadii dadku xoolaha ku dhaqan jiray dalal shisheeye laga kireeyo muddo dheer, iyo in ummadda Somaliyeed si qasab ah lacago looga urursado. Dagaalka ciidan ee ka socda Ogadenya kumayna fashilin oo keliya ee wuxuu saameeyey dalka oo idil dhinac dhaqaale, sida aan soo sheegnay, iyo dhinac bulsho. Ciidanka faraha badan ee Ogadenya ku rafaadsan qoysaskoodii sanooyin iskama war hayaan. Qaar baa iyagu u xamaali jiray intii aan ciidanka lagu soo xasuuqin. Kumaankunka ku dhintay dagaalka xaq darada ay kula jiraan JWXO waxaa weheliya tobonaan kun oo ku curyaamay. Maadaama ay dagaalka goobta ku guul dareysteen ciidanka cadowgu dariiq kale oo u furan ma jiro oo aan ahayn baxsasho joogta ah. Arrimahaas ayaa keenay khal khal maanta haysta taliska argagixiska ah ee Addis Ababa oo waqtigiisu tirsan yahay.
Waxaa burburka iyo gebi dhaclaynta gumeysatada garab socda, guulaha iyo horumarka dhalisay isku kalsooni iyo midnimo halganka shacabka Ogadenya dibad iyo gudaba. sidaa daraadeed, Eebbe mahadi iyo idinkii guusha kama dambaysta ah waa hubaal waqti yar inaga xigo insha Allaah.
Baraarujintaas kadib, waxaan mar labaad mahad iyo bogaadin aan la soo koobi karin u soo jeedinayaa Jaaliyadda Australia oo ka sharaf qaatay dabaqoodhigii Wayaanuhu soo dirsaday iyo Jaaliyadaha Ogadenya ee dalalka Yurub oo isla waqtigaa mudaaharaad aan isaga oo kale la arag ku sameeynayey xarunta Yurub ee Brussels si ay u muujiyaan cadhadooda ay ka xun yihiin gargaarka dalalka EU siiyaan Taliska Argagiska ah ee Addis Ababa kaas oo lagu gumaado shacabkooda. Waxaa iyaduna xusid mudan in Shirsanadeedkii Jaaliyadaha Ogadenya ay marti gelisay jaaliyadda Ogadenya ee Canada oo qayb weyn ka qaadatay horumarka halganka gobonimadoon ee shacab geesiga ah kaas oon rajaynaynu inay go'aamo dhaxal gal ah ka soo bixi doonaa.
Midnimo! Mintid! Isku-Tashi! Allaahu Akbar!
Mohamed Ismaciil Omar
G/X ONLF |
|
#1 |
on June 25 2012 16:25:01
#2 |
on June 25 2012 17:20:48
#3 |
on June 25 2012 19:01:50
#4 |
on June 25 2012 22:23:16
#5 |
on June 25 2012 22:37:20
#6 |
on June 25 2012 23:34:46
#7 |
on June 26 2012 01:10:58
#8 |
on June 26 2012 01:15:28
#9 |
on June 26 2012 01:35:06
#10 |
on June 26 2012 05:00:36
|
|
|
Rating is available to Members only.
Please login or register to vote.
No Ratings have been Posted.
|
|
|
|