· Guests Online: 41
· Members Online: 0
· Total Members: 107
· Newest Member: Abdi shukri
|
|
|
Xisbiga Jamuuriga ee Maraykanka Iyo OYSU? |
|
 Dhalinta Ogaadeeniya ee OYSU oo Xisbiga Jamuuriga uu Casuumay.
June 18 2012.
Isniin (Ogadentoday Press)- Xaflad looga hadlayay Dadka Muhaajiriinta ah oo ay qaban qabaaniyeen Masuuliyiin ka tirsan Xisbiga Jamuurica( Republic Party) ee Dalka Maraykanka ayaa lagu qabtay Magaaladda Minnesota ee Dalka Maraykanka.
Xafdladdan ayaa lagu casuumay Xubno ka tirsan Ururka Dhalinta Soomaalidda Ogaadeeniya ee Marka la soo gaabiyo loo yaqaan OYSU.
Xubnahan ayaa qabay Finaanado muujinaya Ogaadeeniya, Kadib Dhamaanka Kullankan ayaa Xubnahan si gooni gooni ah ay Madaxda Xisbiga isku waydaarsadeen Ururka OYSU iyo wuxuu qabto isla markaasna ka wadda hadleen Arrimaha Xaaladda Ogaadeeniya.
Dhalinyaradda ayaa si qeexan ooga warantay Xaaladda Bini,aadanimo ee ka Jirta Ogaadeeniya, Xasuuqa ka socda Iyo Halganka Shacabka Soomaalidda Ogaadeeniya.

Shirkan oo ahaa Mid qiima baddan u leh Jaaliyadda Soomaalidda Ogaadeeniya ayaa waxaa kalloo ka soo qayb galay Masuuliyiin ka Tirsan Jaaliyadda Ogaadeeniya, gaar ahaan Axmed Majeerteen oo ah Masuul Sarre.
Dhanka Dhalinyaradda ayaa waxaa Shirkan ka qayb galay, Mahamed Amin, Ayan M. Hassan Iyo Naima Mahamed.
Xubnaha Congress ee Kullankan Joogay ayaa waxaa ka mid ahaa, Rep. Kurt Zellers, Rep. Matt Dean, Congressman Erik Paulsen, Senator David Hann, Rep. Jenifer Loon and Rep. Kirk Stensru.
Sida ka muuqata Muqaalkan oo Dhalintan ay la wadaagen Warbaahinta Ogadentoday Press ayaa wuxuu guul wayn u yahay arrimaha Horumarka Ururka Dhalinta Soomaalidda Ogaadeeniya.
Dhalinyradda ayaa ah laf-dhabarta Horumareed ee Bulsho hadii laga eego Dhanka, Siyaasadda, Dhaqaalaha, Iyo Ilbaxnimadda.

Kacdoono Baddan oo caalamka ka dhacay ayay Dhalinyradu u noqdeen Horseed isla Markaasna is baddalo Taariikhi ah ka galay Caalamka, Kuwa oogu Danbeeyay ayaa ahaa Kacdoonadda Isbaddaladda Xoogaan ku Keenay Dalalka, Tunis, Libya, Iyo Masar.
Warbaahinta Ogadentoday Press oo had iyo jeer u taageen Codka Shacabka Soomaalidda Ogaadeeniya ayaa ku boorinaysa Dhalinyaradda Ogaadeeniya meel walba oo ay Joogaan inay wadaagan, Aqoonta, Khibradda, Iskaashiga Iyo Midnimadda.
Ogadentoday Press waxay wacad ku martay in ay Hormuud ka noqon doonta Bulshadda Soomaalidda Ogaadeeniya, Xooga saari doonto Horumarka Bulshadda oo Astaan u ah,” Human Resource” Khayraad Bili,aadanka oo lagu Tilmaamo, Aqoonta, Iyo hab fikirka Horumarineed ee Bulshadda Horseedka ah lagu qiyaaso.
Ogadentoday Press.
Minneapolis
|
|
#1 |
on June 18 2012 13:08:12
#2 |
on June 18 2012 13:09:42
#3 |
on June 18 2012 13:15:43
#4 |
on June 18 2012 14:05:32
#5 |
on June 18 2012 19:00:58
#6 |
on June 18 2012 20:06:17
#7 |
on June 19 2012 06:57:00
#8 |
on June 20 2012 13:20:22
#9 |
on June 20 2012 17:44:11
#10 |
on June 20 2012 17:54:28
|
|
|
Rating is available to Members only.
Please login or register to vote.
No Ratings have been Posted.
|
|
|
|