April 24 2014 03:30:14
Users Online
· Guests Online: 20

· Members Online: 0

· Total Members: 108
· Newest Member: Abdi shukri
Latest Articles
· Dadka tayada leh tal...
· United States: The P...
BBC & VOA Somali

BBC Somali 04:00
BBC Somali 11:00
BBC Somali 14:00
BBC Somali 18:00

VOA Somali 16:00
VOA Somali 17:00
VOA Somali 19:00
VOA Somali 20:00


Federaalnimada Soomaaliya: Maxaa looga gol leeyahay? Warbixino xiriir ah
SomaliFederaalnimada Soomaaliya: Maxaa looga gol leeyahay? Warbixino xiriir ah

19 December 2013


Qaybtii 2d ee qarnigii 20d taariikhda casriga ah ee soomaalida dhacdooyinka lagu xusuusan doono, burburka dawladda markii laga reebo, malahayga waxaa ugu weyn dagaalkii gobannimo-doonka ee 1977-1978kii. Wuxuu ahaa dagaal uu dalku Itoobiya la galay, kuna xiriirsanaa himiladii ummadda ee ahayd in meel qura la isugu keeno soomaalidii 5ta qaybood loo kala googgooyey ee Geeska Afrika uu shisheeyuhu inba meel ku gumeysto. Sida la og yahay, qaybahaas laba ka mid ah ayaa 1960kii xoroobey, dabadeedna calan qura hoostiisa ku midoobey, lana baxay Jamhuuriyadda Soomaaliya. Sidaas darteed, xilligii la joogoba, hoggaanka dalka madaxdii qabatay waxay ummaddu ka filaysey saddexda maqan (Soomaali-galbeed, NFD & Jabbuuti) in Jamhuuriyadda lagu soo daro, si ay himiladii caanka ahayd ee soomaali-weyn u rumowdo.

Laga soo bilaabo bilihii ugu horreeyey sannadihii 1900 iyo lixdannadii, dawladda soomaalidu waxay aad ugu dedaashey sidii ay qaybahaasi gobannimadooda uga qaadan lahaayeen dawladaha Itoobiya, Faransiiska iyo Keenya. Mabda’a aayo-ka-tashiga, diblomaasiyad iyo dhexdhexaadin caalami ahba markii wax garawshiinyo ah lagu soo hoyn waayey ayaa waxaa abuurmay jabhado hubaysan oo gobannimo-u-dirir ah. Waxay ahaayeen dhammaantood jabhado ay Jamhuuriyaddu si buuxda u taageeri jirtey; xagga hubka, xagga dhaqaalaha, xagga dacaayadda iyo xagga diblomaasiyadda dirkaba. Taageeradaas ayaa markii dambe dawladda soomaaliyeed waxay geyeysiisay in laba jeer si toos ah ay dagaal foodda isku daraan iyada iyo Itoobiya:1964kii iyo 1977-’78kii.

Labada midka dambe oo ahaa, inta la xusuusan yahay, dagaal gudaha Afrika ka dhaca kii ugu khasaaraha badnaa, soomaalida ayaa bilihii horeba ku gaadhey guulo degdeg ah. Xagga tabobbarka iyo xagga niyaddaba, ciidammadii soomaalida ayaa kuwii Itoobiya kaga horreeyey, taas ayaana suuraggelisay guutooyinkii faraha badnaa ee Addis Ababa in si fudud cagta loo mariyo, lagana eryo dhammaan dhulkii Soomaali-galbeed ee ay qaarba mar qabsatay dhammaadkii qarnigii 19d ilaa 1954kii.

In kastoo kooxo dhalliilo u doondoonayaa ay dhowaanahan soo baxeen, haddana, xagga Soomaaliya wuxuu ka ahaa dagaal xaq ah oo, dadweyne iyo dawladba, aan loo kala harin, niyadna loo wada galay.

B. Gogoldhig taariikheed:

Dagaalkii qaboobaa ayaa weli dunida ka aloosan. Laba awoodood oo waaweyn ayaa ifka ka jira, kuna loollamaaya. Midi waa hantigoosad (capitalist bloc), waxaana hoggaanka u haya Maraykan. Waxaa ku talo ah amaba ka amar-qaata Yurubta Galbeed, Jabbaan iyo qarammo yaryar oo adduunka meelo ka mid ah ku kala yaal. Awoodda kale waa bahda hantiwadaagga ama dalalkii shuuciga loo yiqiin (communist bloc). Iyagana Midowgii Soofiyeeti amaba Ruushanka ayaa calanka u sida, waxaana ku jaal ah Yurubta bari, Shiinaha, Aasiyada Koofur-bari dalal ku yaal, Bariga Dhexe iyo Afrika qarammo ka tirsan. Tartanka labadaas awoodood waa joogto. Mid waliba wuxuu u xusul-duubayaa mabda’a uu isagu aamminsan yahay sidii uu adduunka uga hirgeli lahaa, ummadaha ku dhaqanina ay u wada qaadan lahaayeen! Dawlado yaryar oo dunida saddexaad ku abtirsada ayaa sannad walba labadaas dhinac ku kala biiri jirey. Danta qarankooda ha u arkeen ama tooda qof ahaaneed ha u arkeene, madaxda dalalkaas ayaa badanaa go’aanka caynkaas ah qaadan jirtey; iyada oo dadweynuhu aanu taladaas wax weyn ku lahaan jirin.

Sannadkii 1969kii ciidammadu markii taladii Soomaaliya ay xukuumaddii rayadka ahayd kala wareegeen waxay muddo gaaban ka dib dalkii ku sidkeen bahda hantiwadaagga. Xiriir aad u dhow ayaa wuxuu dhex-maray maamulkii Kacaanka iyo Midowgii Soofiyeeti; xiriirkaas oo ay soomaalidu si weyn uga faa’idday, gaar ahaan xagga warshadeynta dalka iyo dhismaha ciidankii qaranka ee Xoogga Dalka loo yiqiin. Taas ayaana inoo fasiraysa awoodda ay Soomaaliya ku muquunisay gaasaskii Itoobiya ee muddada dheer dhan walba laga soo dhisaayey, boqortooyo fil weynina ay lahayd!

Kol dambe sida soomaalida u caddaatay, Ruushanku wuxuu ciidammada soomaalida ugu tabcaayey inay noqdaan awood kayd ah oo ay bahda hantiwadaaggu isku hallayn karto, laguna fuliyo hadba danaha caalamiga ah ee ay bahdaasi yeelato. Hase ahaatee, mabda’aasi si wacan ugama dhaadhicin madaxdii soomaaliyeed ee iyagu dhismaha ciidanka uga jeeday inuu ahaado cudud qaran oo lagu fuliyo himiladii afartannadii qarnigii 20d lagu ballamay; himiladii ahayd midaynta iyo gobeynta Soomaali-weyn.

Sannadkii 1974kii ayaa Geeska Afrika waxaa ka dhacday dhacdo layaab leh oo cid walba lama-filaan ku noqotay. Boqor Xayle Selaase-kii-Id oo 40 sano muddo ku dhow Itoobiya ka talinaayey ayaa lagu kacay. Wuxuu ahaa, markii madaxda gobolkaas la eego, ninkii ugu dhowaa Maraykanka iyo, guud ahaan, Reer-galbeedka. Waxaa sannadkaas boqorka soo food-saaray ‘kacaan dadweyne’ oo mar qura oodda soo jabsaday, lana maarayn waayey. Shaqaalihii, ardadii dugsiyada, kuwii jaamacadda, beerreydii; cid walba ayaa ka qayb-gashay. Goor dambe ayaa waxaa Kacaankaas dhexda kaga soo dhacay saraakiil ciidammada ka tirsan. Qaskii iyo qalalaasihii ayay ka faa’idaysteen, dabadeedna guushii dadweynaha ayay si fudud u af-duubeen, una sheegteen!

Laakiinse, isla markiiba, iyaga qudhoodii ayaa xukunkii isku qabsaday, si ba’anna isugu laayey. Ugu dambaystiina, waxaa goobtii u adkaaday Gaashaanle Sare Mengistu Xayle Maryam oo isna ku dhawaaqay habka hantiwadaagga inay Itoobiya qaadatay, isuna rogtey Jamhuuriyad bahda shuuciga ku talo iyo tolba ah!

Isla markiiba, Midowgii Soofiyeeti ama Ruushankii soomaalida xiriirka dhow la lahaa wuxuu istusay inuu Itoobiyana ku darsado, marba haddii ay hantiwadaag noqotay. Malaha, riyo ahaan, waxaa ugu muuqday Geeska Afrika oo idil oo calankii casaa uu ka dul-babbanaayo, isaguna uu ka taliyo. Sababtaas awgeed ayuu uga soo hor-jeestay dagaalkii 1977kii ee ay soomaalidu qaadday. Nasiibdarro, madaxdii Moosko inna ma tixgelin, taariikh ahaan, waxa la isku haysto runtooda iyo dareenka dadweynaha soomaalida toona.

Dhinaca kale, maamul mabda’a shuuciyadda rumaysani in kastoo uu Addis Ababa ka dhisan yahay, haddana Maraykanku weli Itoobiya kama samrin. Sababo istaraatiiji ah awgood (kuwo diineed oran mayno, si aan argaggixiso naloogu malayn!), ma uu rabin Soomaaliya inay gobolka u adkaato. Sidaas darteed, dirirtii Geeska Afrika ee xilligaas waxaynu ku tilmaami karaynaa inay ka mid ahayd arrimo aad u tiro yar oo labada awoodood ay isku aragti ka noqdeen muddo 30 sano ka badan intii ay dagaalka qabow isaga soo horjeedeen! Labaduba Itoobiya ayay dhinaca saareen, una hiiliyeen, Soomaaliyana waxay af buuxa ugu sheegeen, shuruud la’aan, inay ciidankeeda dalka Itoobiya ugala baxdo.

Aragtidaas iyada ah waxay soomaalidu u qaadatay gardarro aan geed loogu soo gabban iyo eex qaawan. Dardarteedii xagga dagaalkase waxba kama beddalin. Halkeedii ayay ol’olihii xoraynta Soomaali-galbeed ka sii wadday, ciidammadii qarankuna Jigjiga ayay galbeed iyo waqooyiba u dhaafeen! Saa waxaa aad u dhaawacmay iskaashigii bahda hantiwadaagga iyo Soomaaliya, gaar ahaan xiriirkii diblomaasiga ahaa markii ay Muqdisho u goysey dalka Kuubba iyo Yamanta Koofureed (Cadan) oo iyagu si caddaan ah ciidammadii Itoobiya ula soo saftay, dagaalkana goor hore iyo goor dambeba kula jirey. Waxaa xigtey bishii Nofembar 1977kii Soomaaliya inay goysey xiriirkii iskaashiga ciidammada ee iyada iyo Ruushanka ka dhexeeyey, ka dib markii uu dalkaasi si bareer ah uga qayb-qaatay hawlgalladii Soomaaliya ka dhanka ahaa ee ay Itoobiya waddey. Dabadeedna, maroodigii baa inta umlay go’aansaday in guutooyinka soomaalida xoog lagu muquuniyo, laguna celiyo, markoodii hore, xeryihii ay ka soo duuleen. Sidaas bayna noqotay!

Waxaa xigey niyadjab heer qaran ah iyo jamhuuriyaddii oo is-aragtay iyada oo ban cidla’ ah taagan, buur weyn oo ay ku tiirsataana aanay u ogog lahay

* * *

Dhaqankii siyaasadeed ee xilligu siduu ahaa, Soomaaliya oo ay Ruushankii kala boodeeni waxay isku hallaynaysey Maraykanka oo, sidaan soo sheegnay, dagaalkii qaboobaa uu labadooda ka dhex-aloosnaa. Laga soo bilaabo dabayaaqadii 1900 iyo toddobaatannadii ayay farriimaha uur-baarashada ahi isu socdeen. Wax qummanse laguma soo hoyn. Toos iyo gurracba, ergadii Muqdisho laga diraaba gacmo maran iyo madax-salaax keliya ayay maamulka Washington mar walba kala soo noqonaysey.

Taakulada dhaqaale ee aadka loogu baahnaa ka sokow, ujeeddada weyn ee dawladda soomaalidu waxay ahayd ciidankeeda dagaalkii dhowaa ku naafoobey inay Maraykanka hub iyo tabobbarba uga hesho. Waxaase kol walba loo sheegi jirey, si ay taageeradaas u hesho, bal horta inay ka hadho sheegashada ama u-ol’olaynta madaxbannaanida gobollada Soomaali-galbeed iyo Nfd, taasna ay go’aan qoraal ah ka soo saarto! Waxaa lagu war-geliyey, shardigaas haddii ay fuliso, welibana ay baabbi’iso hannaankii dhaqaale ee habka hantiwaagga ku dhismay in lagu kaalmayn doono sidii ay ku dhisan lahayd ciidan kooban oo daafaca soohdimaha uun ku filan!

Qodobkii furfurka dhaqaalaha si taxaddar badan ayay dawladdu u yeeshay, waxayna wadahadallo aan la mahadin la bilawday Bankiga Adduunka iyo Hay’adda Caalamiga ah ee Lacagta. Arrinta gobollada soomaalida ee la gumeysto waxay iyadana kaga jawaabtey inay tahay dadka gobolladaas deggan arrin u taal, sidaas darteedna aanay iyadu awood qaanuuni ah u haysan inay ka hadho ama ay cid saddexaad kala xaajooto. Waxay ahayd dood maan-gal noqon karta, asii aan laga yeelin!



* * *

In kastoo beer-dulucsiga Maraykanka ay diblomaasiyadda soomaalidu aad isugu dhabar-jebisay, haddana waxba uguma qabsoomin. Waxaaba jirtey siyaasad cusub oo dagaalkii 1977kii ka dib maamulka Washington lagula taliyey, ahna inaan xodxodashada Muqdisho dheg loo dhigin, isla markaasna aan faraha laga qaadin, si aanay mar kale ugu guryo-noqon xerada shuuciyadda. Hay’adaha siyaasadaha istaraatiijiyadda lagala tashado sida Golaha Daraasadaha Istaraatiijiyadda Caalamiga (Center for International & Strategic Studies), Guddi-hoosaadka Afrika u qaybsan ee ka tirsan Aqalka Baarlamaanka Federaalka iyo, weliba, aqoonyahannada sheegta inay arrimaha Geeska Afrika ku xeel dheer yihiin ayaa si fudud ugu guuleystey maamulka Maraykanka inay ka dhaadhiciyaan marna soomaalida inaan loo oggolaan ciidan dambe oo xoog leh inay yeelato. Taladaasna waxay ku sababeeyeen inay halis ku tahay ammaanka iyo xasilloonida Itoobiya iyo Keenya oo ay dhul ku sheeganayso, iyada oo Maraykanka iyo Reer-galbeedka kaleba ay labadaas dal ku leeyihiin dano ka waaweyn kuwa ay Soomaaliya ku leeyihiin amaba ay, timaaddada, ku yeelan karaan. Waxay go’aansadeen in saaxiibnimo loo muujiyo oo bahda hantiwadaagga laga soo fogeeyo, isla markaasna sidii cadow loo manjo-xaabiyo!

Siyaasaddaas waxba iskama beddalin xataa wixii ka dambeeyey booqashadii rasmiga ahayd ee bartamihii 1982kii madaxweyne M. S. Barre uu ku tegey Aqalka Cad, uuna ku qaabbilay madaxweyne Ronald Reagan. Waxaadba mooddaa in looga sii daray markii xagga koboca dhaqaalaha uu Maraykanku dalka si walba ugala dagaallamay.

Si malaha aan ciidanka Xoogga Dalku dib dambe ugu dhismin, waxaa la hor-joogsadey si walba oo ay lacag adagi khasnadda dawladda ku soo geli karto. Waxaa laga bilaabay wixii yaraa ee Hay’adda Kaalmada Maraykanku (USAID) ay bixin jirtey. Bankiga Dhexe oo ay ahayd in lagu shubo ayay ka weeciyeen oo intay saraakiisha safaaraddu maamuleen u qaybiyeen ganacsatada kuwii ay gacansaarka lahaayeen ama ay ogaayeen xukuumadda dhisan inay la col ahaayeen! Waxay is-hortaageen mashruucii biyo-xireenka Baardheere oo, koronto dalka oo idil gaadha ka sokow, ay soomaalidu saboolnimada kaga bixi kari lahayd. Qaybtii ku soo aaddey markuu diidey ayuu dawladihii iyo hay’adihii kale ee caalamiga ahaana uu Maraykanku ku guubaabiyey inay wacad-furaan oo wixii ay ku ballan-qaadeen ka noqdaan. Curyaaminta ganacsigii wax-dhoofinta dibedda ee dalkuba uu ku dhaqnaa ayay haddana u soo dhigteen markii ay Sacuudiga ku guubaabiyeen inay joojiyaan xoolaha nool ee ay soomaalida ka gataan; taas oo fushay xukuumadda Riyaad markii ay ku andacootey noolka soomaalidu inuu buko. Tallaabooyinkaas manjo-xaabinta ahi waxay keeneen dhaqaalihii inuu si degdeg ah dhulka u galo, shilinkii soomaaliyeedna uu noqdo wax aan waxba ku toorrayn!

* * *

Intaas oo luggooyo ah kuma ay ekaane, bartamihii iyo dabayaaqadii 1900 iyo siddeetannadii Maraykanka iyo wixii ku talo ahaaba waxaa ka dhaadhacday xukuumadda madaxweyne M. S. Barre inta ay dhisan tahay ammaanka Itoobiya iyo Keenya inuusan sinaba u sugnaan karin. Sidaas daraaddeed ayaa siyaasadihii hore ee curyaaminta waxaa lagu biiriyey kuwo kale oo ka sii ba’an. Si xukuumaddaas dhegaha adagi ay meesha uga baxdo ayaa xarumaha Reer-galbeedka qaarkood waxaa lagu go’aamiyey in la dhiirriggeliyo mucaaradka dawladda: kiisa hubaysan ee saldhigyada iyo hubkaba ay Itoobiya siiso iyo kiisa dalka gudihiisa ku suganba. In kastoo ay ogaayeen kooxahaas mucaaradka ahi inaysan lahayn qorshe siyaasadeed oo ay isku diiddan yihiin ama ay ku midaysan yihiin, haddana xoogaggii taageerayey taas dan kama ay lahayn. Xoogaggaas oo uu Maraykanku ugu horreeyey waxa ay isla meel-dhigeen tii dhisnayd inay dhacdo, halkeedana ay soo gasho dawlad dhego fudud oo taag daran; dawlad ka kooban maamullo dhawr ah oo qabiil-qabiil ku dhisan; dawlad iska illowda himiladii soomaali-weyn, sidaasna ay derisyadeedu kaga nabad-galaan!

Nasiibdarro, haddii ay ogaayeen iyo haddii kaleba, qorshahaas qaybtiisa ugu weyn waxaa bilawga 1900 iyo siddeetannadii ilaa Jannaayo 1991kii lagu fuliyey gacmaha soomaalidii mucaaradka sheegan jirtey; soomaalidii garan kari weydey wuxuun qorshe ah intay ku midowdo inay taliskii jirey iska riddo, isla markaasna ay qarannimadeeda bedbaadsato!

C. Dhammaystirka qorshaha qaran-jabka ummadda:

Halkani ma aha halkii lagaga doodi lahaa guuldarrada soomaalida iyo dawladdeedii ku dhacday iyo dhinacyadii ay eersatay mid waliba hawlgalkii uu wax kaga dumiyey. Maxaa yeelay, marka hore waa arrin waayeelka soomaalidu ay u soo wada joogeen oo uu xilligeedii dhowaa. Marka labaadna, waa arrin ka ballaaran wax maqaal qura lagaga bogan karo, faahfaahinteeduna waxay u taal taariikhda iyo qoreyaasha timaaddada. Sidaas darteed, waxaa ila habboon inaan istusno shisheeyaha nacabka ahi, galbashadii dawladda ka dib, qorshaha uu dejiyey iyo dedaalka uu u galay, welina uu ugu jiro hor-joogsiga dhismaha qaran xoog leh oo Soomaaliya mar kale ka hirgala. Fulinta qorshahaas tallaabooyinka loo adeegsaday waxaa ka mid ah kuwa soo socda:

i. Niyad-jebin heer qaran ah: Bilawgii 1991kii ilaa maantadatan, arrimaha Soomaaliya ma ahayn wax gacnaha soomaalida ku jira. Mid fog iyo mid deris ahba, shisheeyaha ayay u xalaaloodey. Iyaga ayaa tobanka faroodba ku qasaya, iyaga oo taakulo ka helaya kooxo qabka qarannimo uu gabaabsi ku yahay. Qarammada Midoobey iyo hay’adaha kale ee calamiga ah, dalkuna uu xubin ka ahaa mararkii yaraa ee ay isku dayeen inay guuldarrada wax ka qabtaan, kuma ay guuleysan. Kol walba oo uu xal muuqdoba, waxaa isku gudbaayey, mid fog iyo mid deris ahba, shisheeyaha ku hawllan sidii dhammaystirka qorsha qaran-jabka soomaalidu uu ku dhaboobi lahaa.

Dawladnimadii oo weli dhaqan ayaa qabiil-qabiil la isugu diray. Gobol-gobol ayaa loo kala fogeeyey. Hub iyo miino waddooyinka lagu aaso ayaa loo qaybiyey. Muddo dheer haddii ay isu tiqiin ummad si walba isugu mid ah, waxaa laga dhaadhiciyey inaan arrintu sidaas ahayn oo tol waliba uu tolka kale ka gaar yahay, waxbana aanu la wadaagin. Waxaa loo sheegay, niyaddana loogu ridey inay dhulka kala leedahay oo kiisa u goonnida ah uu tol waliba leeyahay. Himilooyinkii taariikhiga ahaa ee ay lahayd ayaa la nacsiiyey markiii uu shisheeyuhu maanka ugu ridey erayada soomaali-weyn iyo midnimo inay yihiin fikrado aan xilligan ku habboonayn iyo hadaaq aan afka la soo marin karin!

Yar iyo weynba, qabkii ayaa laga diley. Markay aragtay tayada ‘hoggaamiyaha’ hor-boodaaya iyo daacad-darradiisa ayay quus la kala jeesatay. Dabadeedna, derisyadeedii ayaa la weynaadey, iyadiina waa isla yaraatay! Magaalada Beledxaawo oo ciidammada Itoobiya ay markaas ka talinayeen (welina way ka taliyaane!) ayaan joogey sannadkii 1998kii. Waxaan ku arkay rag soomaali u dhashay oo boolis ahaan ay ciidammadaasi degaanka uga qorteen; kuwaas oo si walba ugu dedaalaya inay af-amxaari ku hadlaan oo sida askarta xabashida dharka u xirtaan, welibana sidooda u socdaan! Markaas baan xusuustay qoraagii muslinka ahaa ee cilmiga bulshada asaasay, lana oran jirey ‘Ibn-Khalduun’; kaas oo qarniyadii hore, qoraal ahaan, inoogu soo gudbiyey ciddii laga adkaadaa in ay kor ugu eegto kolba ciddii ka adkaatay ee ay dhaqan ahaanna u tiigsato.

Soomaalida maanta waxaa la gaarsiiyey inay isu qaadato inay tahay ummad si walba u jabtay oo, si ay u noolaato, u-adeegidda shisheeyaha ku qasban. Waxaad mooddaa inay halmaantay maahmaahdeedii ahayd: “Rag waa kii kufa, haddana kaca!”;

ii. Fikradda qabiil-wax-ku-qaybsiga: Shakigaas la kala geliyey markii uu laabteeda ku gaamuray ayuu shisheeyuhu ugu warramay, iyaduna ka rumaysatay inuu ka kaalmaynayo dawladdii ka burburtay sidii ay ku soo ceshan lahayd. Markaas baa koox-koox loo kala soocay. Sidii ay yihiin dad wax la garanaayo isku haya ayaa inba dhinac loo bixiyey, dabadeedna loo kala dab-qaaday! Qolo-qolo inta loo kala fariisiyey ayaa waxaa afka loogu tiray ba’a soomaalidu inuu ka dhashay tolalka qaarkood oo qaarkii kale wax ka bursaday. Taas oo huf iyo been ah!

Qarannimo u soo noqota si looga sii durkiyo ayaa la gelinsiiyey sida ay ku heshiin karto oo keliyihi inay tahay maamulka dhismi doona oo qabiil-wax-ku-qaybsi ku dhisnaada. Madaxa ayaa loo ruxay, la ismana weyddiin dunida meel qaran casri ahi ka jiro oo habka caynkaas ah lagu maamulo. La isma haybin inay jirto meel qofka qoladiisa lagu tixgeliyo ee aan kartidiisa iyo aqoontiisa lagu tixgelin.



Gobannimada markii loo halgamaayey ma qabiil-qabiil baa loogu hawl-galay? Boqollaalkii dagaalyahan ee Sayid Maxamad uu jahaadka u ururiyey ma qabiil-qabiil buu ku keenay? SYL (Leego) iyo SNL oo ahaa labadii urur-siyaasadeed ee calanka soo hooyey, ma waxay lahaayeen taageereyaal tolalka soomaalida laga soo xulay oo tiro isle’eg xisbiyadaas ku soo galay? Madaxweynaha, wasiirka iyo danjiraha qabiilka lagu soo xulay, dhexdhexaad ma noqon karaan? Ninka uu qabiilkiisu soo magacaabay ma wax buu dhibay haddii uu tolka oo qura daacad u noqdo, dadweynaha kalena irdaha ka xirto oo xafiiska uu kolba joogo ay qoladiisu gaar isaga yeelato?



Jawaabaha su’aalahaasi haddii ay ‘maya’ wada yihiin, maxaa runta la isaga indho-tirayaa? Haddii aynu rabno in aynu dhisanno dawlad magaca ‘dawladnimo’ mudan, maxaynu ‘qabiil-wax-ku-qaybsiga’ waqti ugu luminnaa? Haddiise aan kartiyi tixgelin lahayn, sidee buu qaran casri ahi ku dhismi karaa? Maxaynu qorshaha ba’an ee shisheeyaha ugu nugul nahay, aqoonyahannada soomaalidana u jikaarraa ee aynu dhegaha uga furaysannaa?;

iii. Dawlad Federaal ah: Dhawr-iyo-tobankii sano ee la soo dhaafay waxaa soomaalida loo qabanaayey shirar tiro badan oo wada madhalays noqday. Waxay ahaayeen shirar aan qorshahoodii hore laga talo-gelin, mar walbana waxaa la hor-dhigaayey ajende aanay waxba ka diyaarin. Kolka laga reebo kii Carta (Jabbuuti) ee sannadkii 2000 la qabtay waxay dhammaan wada ahaayeen shirar uu shisheeyuhu abaabulkooda lahaa oo, dagaal-ooge falan mooyee, waxgaradka iyo aqoonyahanka soomaaliyeed uu dibedda ka joogey.

Waxaa shirarkaas kolba lagu soo ban-dhigaayey fikrado ku saabsan hannaanka lagu wadi doono dawladda iyo xukuumadda Soomaaliya ka dhismi doona. Mar walba fikradahaas cidda soo ban-dhigtaa waa shisheeyaha madasha iska leh. Ma aha wax ka soo maaxday maskaxda ergooyinka soomaalida ee, badanaa, ay dagaal-oogeyaashu hoggaamiyaan. Marnaba ma aha fikrado ka soo baxay talooyin ay ku guuleen, isna dhaafsadeen waxgaradka soomaalida ee kulammada ‘dib-u-heshiinta’ ku magacaaban kolkii debin la joogoba mar lagu maaweeliyo. Sidaas darteed, waa wax la iska garan karo inaysan noqon karin kuwo ay dani ugu jirto midnimada ummadda ama dib-u-dhiska qarannimadeeda wax ugu filan.

Fikradahaas iyaga ah waxaa ka mid ah tii ahayd madaxbannaani goboleed (regional autonomy) oo markii ugu horreysey sannadkii 1993kii soomaalida carrabka loogu tiray. Waxay ku beegnayd bishii Maarso markii Addis Ababa lagu qabtay shirkii ay Itoobiya qabaa’ilka soomaalida ku kulmisay; iyada oo mid walba summad looga dhigay jabhad erayga ‘soomaali’ uu magaceeda ka dhex-muuqdo. Sidii naloo sheegi jirey, ujeeddadu waxay ahayd, iyada oo ay dawladdu mid tahay, xukuumadda dhexena ay awoodda sare leedahay in, haddana, 18ka gobol uu mid waliba u madax-bannaanaado dhismaha maamul-goboleedkiisa sida Dawladaha Hoose iyo hirgelinta siyaasadaha horumarinta bulshadiisa. Guud ahaan, qabqableyaashii dagaalka iyo ergooyinkii shirkaas ka qayb-galay oo fikradduba ay ku cusbayd way soo dhoweeyeen; iyaga oo u qaatay dulucdu inay tahay qabiil walba oo loo oggolaaday inuu iskiis isu maamulo, isaga oo xukuumadda dhexe ka madax-bannaanan!

Hal sano ka dib, iyada oo aan fikraddaas meelna lagu tijaabin, dhisme-dawladeedna aan cidi isku hawlin ayaa fikrad hor leh soomaalida lagu soo dhex-tuuray. Malaha, waxa uu shisheeyuhu u qaatay madaxbannaani goboleed inaysan ku fillayn kala-dilka ummadda iyo dhammaystirka qaran-jabkeeda. Warfidiye Soomaali-Ingiriis ah oo London deggan, arrimaha soomaalidana aad ula socdaa siduu ku warramay, 1994kii ayaa dawladda Itoobiya iyo David Shin oo ahaa danjirihii Maraykanka Addis u fadhiyi jirey waxay ku heshiiyeen in, haddiiba ay mustaqbalka wax dhisato, ay Soomaaliya noqoto Jamhuuriyad Federaal ah. Laga soo bilaabo maalintaas, shir walba oo soomaalida la isugu keeno waxaa la soo hor-dhigaayey fikradda federaalnimada; iyada oo aan marna loo oggolaan ergooyinku inay ka doodaan, dabadeedna ay yeelaan ama ay diidaan. Meeshii lagu kulmiyoba, waxaa loo muujinaayey inay tahay fikrad habboonideeda aan muran geli karin oo sidii daawo in badan la soo tijaabiyey lagula tacaali karo giddi cudurrada siyaasadeed ee soomaalidu ay la il-daran tahay!

* * *

Waxaan maqallay bil wax ka yar mar laga joogo in qaar ka mid ah ergooyinka soomaalida ee Mbagathi (Keenya) ku shirsan laga saxiixay qoraal rasmi ah oo ay ku caddahay federaalnimadu inay noqon doonto dawladda soomaaliyeed ee mustaqbalku hannaanka ay ku socon doonto. Shirkaas nin dhowaan ka soo noqday oo ii warramay ayaa wuxuu qiyaasay 95% qoraalkaas xubnaha saxiixay inay moog yihiin waxa uu habkaasi yahay, Soomaaliya inay u baahan tahay iyo hirglintiisa inay awood u leedahay iyo in kale. Kolkaas baan is-iri: “kii saxiixay ee hoggaamiyaha isu haystey haddii uu macnaha federaalnimo ka diimoon yahay, maxaad mooddaa ummadda la rabo in lagu dhaqo ee berri loo geyn doono!”.

Ayaandarrada kale waxay ahayd kooxihii qoraalkaas saxiixay oo aan weli garanayn cidda ay federaalnimada isugu keeni doonaan, haddiiba aanay jirin dawlado soohdimo kala leh, haatanna maamullo u gaar ahi ay u dhisan yihiin. Malaha, qoraalka ay saxiixeen qoladii soo diyaarisay ayaa sida wax u dhismi doonaan gadaal uga keeni doonta!

* * *

Haddii aad loo soo koobo, federaalnimo (federaal system) waa hab dhisme-dawladeed oo 2 dawladood iyo tiro ka badani ay ku bahoobaan, lehna xukuumad dhexe oo federaal ah. Xukuumaddaas ayaa mar walba gobannimada amaba awoodda sare iska leh (sovereignty), kuwa kalena waxay leeyihiin awoodo xagga sharci-dejinta iyo xagga maamulkaba isugu jira, kuse eg dhulka ay, juqraafi ahaan, ku fadhido. Waxa uu ka dhashaa dawlado, markaas ka horow, uu xiriir ‘konfederayshan’ ahi ka dhexeeyey, dabadeedna ku heshiiyey intii hore inay isaga soo dhowaadaan; iyaga oo taas ka filaya cudud ciidan iyo tu’ dhaqaale inuu hannaankaasi u keeno. Intii aysan isu iman, waa dawlado ay tu’ waliba lahayd maamulkeeda u gaarka ah iyo soohdimo dhuleed oo awelba qeexnaa, kuwa kalena ay la wadaagto. In kastoo aysan mar walba shardi ahaynna, hannaanka federaalka waxaa, badanaa, ku midooba ummado, isir iyo dhaqan ahaanba, kala duwan oo ka gaashaamanaya tu’ ka mid ahi intay si uun uga saayid-caleyso inay, berri-ka-maalin, inta kale ku amar-ku-taaglayso.

Dawladda federaalka ahi waxay yeelataa dastuurro xubnaha federaalka ku jiraa ay midiba gaar u leedahay iyo mid ay wadaagaan oo xukuumadda federaalka ahi ay ilaaliso, kuna dhaqanto. Sidoo kale, waxay dawladdaasu yeelataa xeerar tiro badan oo awoodda u qaybiya xukuumadda federaalka ah iyo dawladaha federaalnimada isku bahaystay. Baarlamaanno kala heer ah ayay haddana leedahay. Midka ay dawlad waliba leedahay ka sokow, waxaa isna jira baarlamaan inta badan laba-aqalle ah (bicameral parliament) oo ka kooban wakiillo dawladaha federaalka ahi ay soo dirsadaan.

Federaalnimadu waa hab ka dhaqan-galay qarammo ka mid ah dunida hor-martay, ha yeeshee lagu guuldarraystay markii dalal Afrika ka tirsani ay isku dayeen inay hirgeliyaan. Tusaale waxaa taas u noqon kara dalalka Camerun (1961), Congo (1960 & 1964), Tanzania iyo Ethiopia oo iyada iyo Eritariya dawlad federaal ah la isugu geeyey 1952kii, ka dibna hooggii ka dhacay loo soo joogey!

Sida muuqata, federaalnimadu ma aha wax fudud ama u habboon ummadaha dunida oo idil. Waa hannaan ay bulshooyinka aqoonta lihi hirgelin karaan, una baahan garaad siyaasadeed oo ilaalin kara soohdimaha qaanuuniga ah ee ku qeexan xeerarka dawladaha federaalka xubnaha ka ahi ay ku heshiiyeen. Dhinaca kale, waxaa loo baahan yahay inay noqdaan, dhaqaale ahaan, dawlado isu dhowdhow oo mid waliba ay baahideeda dabooli karto, welibana xukuumadda federaalka ah wax ku biiran karto.

* * *

Haddaba, su’aasha maanta taagani waxay tahay: Soomaaliya dawlad federaal ah ma u baahan tahay? Mase ka hirgeli kartaa? Su’aashaas jawaabteeda aan ka toyanno buunigii soomaaliyeed ee xeeldheeraha ku ahaa qaanuunka dastuuriga ah (constitutional law), allaha u naxariistee: Prof. Axmed Ashkir Bootaan oo 2001dii dalka Holland ku iishay. Saddex sano ka hor intii aanu geeriyoon (1997) ayaa Bootaan waxa uu qoray maqaal dheer oo uu ku magacaabay: Soomaaliya; dawlad federaal ah, mase federeeshin qabiil? . Wuxuu ahaa maqaal uu si cilmiyaysan ugu falanqeeyey wax walba oo ku saabsan fikradda federaalnimada oo, sida maantaba jirta, beryahaasna soomaalida lala dhex-ordaayey, dagaal-oogeyaasha qaarkoodna ay ku hadaaqayeen. Xag falsafadeed, xag qaanuun iyo xag siyaasadeedba, wuxuu buunigu maqaalkiisa ku faahfaahiyey taariikhda federaalnimada iyo sida aanay ugu habboonayn in Soomaaliya looga dhigo hab lagu dhaqo. Aad ayuu ugu dheeraanayaa sababaha aanay soomaalidu nidaamkaas u qaadan karin, uguna baahnayn. Ha yeeshee, sida muuqata, qoraalkiisa dardaaranka u eg shalayto cidi dheg uma dhigin, sida aanan u filayn kaygan inay maanta cidi u danayn doonto!

Si kastaba ha ahaatee, waxaa ila habboonaatay inaan halkan ka soo jeediyo su’aalo aniga iyo adigaba madaxayaga ku wareegaya, dabadeedna qoraalka buuniga aan jawaabaha ka soo saaro; iyada oo su’aal waliba ay tay tahay, jawaabahana uu Bootaan leeyahay.

–Su’aasha 1d: maxaa diidaya dawlad federaal ahi inay Soomaaliya ka dhisanto?

–Jawaab: “dhismaha iyo hirgelinta nidaam federaal ahi wuxuu u baahan yahay…awood dhaqaale iyo aqooneed oo ballaaran, garaad dawladnimo oo qoddo dheer, qab qarannimo iyo waddaninnimo oo daacad ah, dareen caddaaladeed oo sugan; arrimahaas oo dhammaan ah kuwo maanta Soomaaliya aan laga heli karin”. Nidaam federaal ahi soomaaliya maanta kma dhismi karo, haddii lagu jujuubana, toos ama si dadban, ma noqon doono mid hirgala oo miro dhala. Haddii arrinta loola jeedo xiriir qabaa’il ka dhexeeya oo magac federeeshin la huwiyo, markaas ma noqonayso mid federaalisimka ku abtirsata ee waa in magacyo kale loo baadi-goobaa, maxaa yeelay federaalisimku ma aha fikrad antarabooloji (anthropological thought) oo dhalasho iyo abtirsiinyo ku socda. Waa fikri qaanuuni ah oo degaan ku salaysan. ‘Federeeshin qabaa’il’ ma dhisi karo nidaam federaal ah oo caddaalad iyo dimoqraaddiyad ku salaysan, waayo’aragnimada dunidana laguma hayo meel ‘federeeshin qabaa’il ka hirgalay!”

–Su’aasha 2d: “arrinta federaalnimada Soomaaliya waa maxay danaha uu shisheeyuhu ka leeyahay?

–Jawaab: “waxaa jira dano siyaasadeed, dhaqaale iyo istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya laga leeyahay; danahaas oo sida la rabo aan loo fushan karin haddii ay jirto dawlad soomaaliyeed oo midaysan, xoogna leh. Haddiise ay dawladdu tahay mid daciif ah oo ka kooban qaybo ama gobollo hab qabiil ku dhisan oo midba midda kale lagu xuuxin karo; danahaas si fudud ayaa loo fushan karaa”.

–Su’aal 3d: kooxda soomaalida ah ee federaalnimada wadwaddaa waa tuma, maxayse uga jeeddaa?

–Jawaab: “kooxda soomaalida ahi waxay u badan tahay rag siyaasiyiin ah iyo kuwo isku wada inay siyaasiyiin yihiin oo federaalisimka iyo waxa uu yahay toona aan fikrad ka qabin, hase yeeshee u arkaya inuu yahay nidaam abuuraya jagooyin badan ee maamul iyo siyaasadeed; jagooyinkaas oo ay isku wadaan inay iyaga noqdaan kuwa buuxin doona. Danta ka dambaysa oo laga leeyahay jago-raadiskuna waxay tahay oo keliya in si degdeg ah oo hawl yar lagu maalaysto, si kastaba maalaysigaasi ha ku yimaadee”.

–Su’aal 4d: waa maxay hab-dhismeedka dawladeed ee Soomaaliya ay u baahan tahay?

–Jawaab: “Soomaaliya, dad iyo degaan ahaanba, waa dal aad u yar; iyadoo dadka soomaaliyeedna yahay mid wadaaga waxyaabo magguuraan ah oo siinaya midnimo asal ah;…midnimadaas asalka ah oo keenaysa in, run ahaantii, ayan jirin baahi lagama-maarmaan ah oo loo qabo dhisme nidaam dawlad federaal ah. Soomaaliya waxay maanta u baahan tahay dawlad midaysan (unitary state) oo ku dhisan hab doorasho oo dimoqraaddi ah, lehna maamul baahsan ee gobollada iyo degmooyinka siinaya madaxbannaani maamul (administrative autonomy)”. Sida uu Bootaan qabo waa inay taasi noqotaa “madaxbannaani aan gaarsiisnayn dhinaca siyaasadda, maxaa wacay madaxbannaani siyaasadeed oo waqtigan degaannada la siiyaa, xaaladda qabyaaladdu heerka ay marayso awgeed, waxay noqonaysaa in qabiil kastaa u macnaysto gobannimo uu helay, markaasna wixii uu doono uu sameeyo, halkaasna mar kale ay dawladnimadii ku dunto. Dawladdu waa inay yeelataa xukuumad urursan oo kooban, qabiil-raalli-gelin aan ku dhisnayn ee ku dhisan awoodda iyo baahida dalka; dawlad karti u yeelan karta sugidda nabadgelyada guud iyo dib-u-dhisidda dalka, bulshada soomaaliyeed ee kala firirtayna dib u soo ururin karta, dibna isugu soo celin karta”.

D. Gebaggabo:

Jamhuuriyaddii burburtay ha ka tirsanaato ama kuwa tooska loo gumeysto ha ku abtirsatee, soomaalidu, sinji ahaan, halis bay ku sugan tahay. Sida ay hadda wax u socdaan haddii aan wax iska beddalin, waxay qarka u saaran tahay goor aan dheerayn si buuxda inay u weydo 1960kii gobannimadii iyo calankii uu qaarkeed helay, dabadeedna ay is-aragto iyadoo cadawgeeda taariikhiga ahi uu dhulkeeda ku wada xukumayo. Waxaa laga yaabaa akhristeyaasha qayb ka mid ah inuu hdalkaygu u cuntami waayo oo ay u qaataan inaan ahay muraayado madow nin wax ku arkaya!

Laakiinse arrintu sidaas ma aha. Si aad iigu garawdana, waxaad isku daydaa su’aalahan soo socda inaad kaga jawaabto sida ay yihiin. Toos iyo gurracba, maantaba talada soomaalidu miyaysan gacmaha shisheeyaha ku jirin?. Goormaa u dambaysey soohdimaha dalka oo la ilaaliyo, ciidammada shisheeyuhuna ay ka caagganaadaan?. Dhawr-iyo-tobankii sano ee la soo dhaafay, marna ma aragtay, mase maqashay, shir uu shisheeye u qabto mooyee, mid intay isugu timaaddo ay keligeed soomaalidu arrimaheeda kaga tashanayso? Goormaa u dambaysey hogaamiye beeshayda yiraahda mooyee, mid ‘Soomaaliya’ ka welwelaya oo faroggelinta shisheeyuhu ay la qalloocan tahay? Ma dhacday, waaba dhacdaye, 3 janan oo mid waliba Wasaaraddii Gaashaandhigga ee Soomaaliya uu wasiir ka soo noqday inay Itoobiya Addis Ababa isugu geysey, mar dambena Ceel-berde ku shirsatay, iyagoo ka amar-qaadanaya saraakiil yaryar oo nabadsugiddeeda ka tirsan? ‘Qab jabay’ iyo ‘qarannimo baduugantay’ sow halkaas kaagama muuqdaan? Goormaa u dambaysey soomaali isu damqata iyo gobol ay midka xiga dani ka hayso? 30ka nin ee Keenya ku sugan, isuna soo taagey doorashada madaxtooyada Soomaaliya, miyaad ku maqashay mid qura oo ka dhiidhiyey arrrinta dawladda federaalka oo ah tallaabbadii lagu ebyaayey qorshihii soo taxnaa ee qaran-jabka ummaddeenna? Sow sababtu ma aha cabsida uu mid waliba ka qabo shisheeyaha ay rabiddiisa u tartamayaan? Ujeeddada cadawgu shalay sow ma ahayn, welina sow ma aha dhulka soomaalida inta uga harsan inuu taabo? Haddii aan dad ka ceshadaa jirin, Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed ma wax u diidayaa jira inuu xoog ku qabsado oo uu berritana sheegto; isaga oo weliba saxiixa dagaal-oogeyaasha wata?

Haddii ay sidaas ku sii socoto, haddii Mbagathi wixii dhowaan lagu saxiixay la marsiiyo, qorshaha cadawgu cid hor-joogsata haddii uu waayo: Soomaaliya allaha u naxariisto! Aragtidayda, tan iyo jabkii Axmed-gurey, maalin ay soomaalidu ka indho xun tahay ma soo marin. Waxay u eg tahay, sida shacbiga Kurdiga, mid ummadaha deriska ah ku milmi doonta oo dal la’aani ay u qoran tahay. Dawlad iyo ummad ahaanba, si ay u bedbaadi kartaa, kolley aniga, waa iga madowdahay!

* * *

Bal u fiirso dhacdadan dhiillada leh ee soomaali qofkii qab qarannimo leh oo idili uu ku baraarugi karo. Aqoon-yahan Soomaali-Ameerikaan ah oo Itoobiya ka soo noqday ayaan dhowaan London kula sheekaystay. Mar uu Jaamacadda Addis Ababa booqday ayaa dadkii uu kula kulmay waxaa ka mid ahaa ku-xigeenka Guddoomiyaha Jaamacadda; kaasoo arrimaha gobolka ay isla jeexjeexeen. Ku-xigeenkii ayaa ku yiri: “Soomaaliya waxaa u dan ah inay Itoobiya la midowdo. Haddiise ay iyadu taas garan weydo, iima muuqato sabab naga hor-joogta inaannu xoog ku qabsanno. Sow iyada qofka xanuunsanba dawada lagu qasbo!”. Ku-xigeenka Jaamacadda oo haddana faahfaahinaya sida fudud ee ay taasi dalkiisa ugu suuroobi karayso ayaa yiri: “Itoobiya waxaa ku nool 80 malyan dad cagacagaynaya, soomaaliduna haddii ay ugu badato waa 8 malyan. Weligayo badaha soomaalida waannu u baahnayn, waxaase naga hor-taagnaa waddaniyaddii xoogga lahayd ee qaybtii dambe ee qarnigii 20d ay soomaalidu ku midaysnayd! Maanta waddaniyaddaasi ma jirto, waana dal aan dawladi ka jirin, annaguna ma dhawran karno deris olol aan baqtiyayni uu dhexdiisa ku baxaayo!”.

Hadalkaas Ku-xigeenka Jaamaccaddu wax dhiillo ah ma ku geliyey? Jawaabtu haddii ay ‘haa’ tahay, weli waad dhaqan tahay, haddii kalese allaha kuu naxariisto!

Malahayga, waxa keliya ee mustaqbalkaas naxdinta leh lagu baajin karaa waa iyadoo la helo dhallinyaro iyo waayeel is-urursada, kuwaas oo hawshooda ka bilaaba qaaddacaadda dhammaan shirarka cadawgeeda taariikhiga ahi uu maamulkooda wax ku leeyahay, midka haatan Keenya ka socdaana uu ugu horreeyo. Waxay u baahan tahay hoggaamiye Sayid Maxamad Cabdille Xasan la ujeeddo ah iyo dhallinyaro kuwii Leegada ku fikrad ah; rag iyo dumar qabyaalad ka xoroobey oo arki kara qaran-jabka sinjiga soomaalida loo qorsheeyey. Waxay u baahan tahay rag iyo dumar garan kara, iyadana ka dhaadhicin kara inaan cadawgu kala jeclayn, dantiisuna ay tahay sidii ay xeebaha soomaalidu ugu gacan-geli lahaayeen. Haddiise ragga iyo dumarka tilmaamahaas lihi ay kol dhow ummadda u soo bixi waayaan, waxaad filataa wax walba oo guuldarro qaran ah iyo Soomaaliya oo ka baxda maabka dawladaha xorta ah ee dunida!

* * *

Nin-siyaasadeed dalka Mexico u dhashay oo qarnigii 19d noolaa ayaa beri u fiirsaday derisnimada Ameerika dhibaatada uu dalkiisu ku qabo, markaas buu ku tiraabay oraah halqabsi noqotay. Wuxuu yiri: ‘Mexico ayaan daranaa: Allena ma sidan bay uga fog tahay, Ameerikana (USA) ma caynkan bay ugu dhowdahay!’.

Annana malaha gef naguma aha haddii aan niraahno: ‘Soomaaliya ayaan daranaa: waddaniyadna ma halkaas bay ka taagan tahay, Itoobiyana ma sidan bay dhinaca ugu haysaa!’.

W/Q:Axmed F. Cali “Idaajaa”

Idaajaa21@hotmail.com
Comments
#1 | dhanxiir on December 19 2013 08:40:15
waxani waa ilaa alqaaricaade madad shaqola baa looqoray mihiimada un maa naloosheego
#2 | KAALIi on December 19 2013 09:07:36
idaajaa hunqaacada la aad algalgaduud kiiwalibba
soomaali mareexaan baa baabi iyay kulkuhabrah dara jada mulatariga kutaxay eey habar iyo gabadheedii isku qabsadeen waa garadahaygii iyo ma ahee waaku weeygii
adna waxaad u ooyi kursigaad adigu dumisay siyaad bare wuu dhitay
mawaxaad isleedahay kiiiniya iyo absamaha iska hur keen si aad kolkaas alshabaab usoogaliso :????????
war ninka maxaa cadho haysa KINYA IYO ETHIOPIA ayaa cadaw geena ah kula haa
#3 | Qorahay on December 20 2013 06:18:01
idaajaa wuxuu kamid yahay dadka fara kutiriska ah ee damiirkoodu noolyahay ee kujira umada soomaaliyeed.
#4 | AccoxyVexmdg on January 09 2014 05:30:41
Your wedding gown can encounter the thousands, which may eat to produce significant amount of your wedding budget. You need to look amazing, but you'd really like in order to provide your invitees something we can eat, drink, and ideally sit down on (just because Uncle Hal can appear far more inside the wander-around-inebriated type).Bridesmaid Dresses UK

In the don’t aspire to spend much in the birthday dress and you’re available suggestions, should you follow a secondhand shop? Consignment stores are terrific places for acquiring cheap used chiffon flower girl dress. Web site should take some points brain:the homepage here

With wedding season soon upon us, many a bride is looking for methods to create the most wedding ceremony and party imaginable…without racking up with regard to debt imaginable. The gown just isn't any exception.Bridesmaid Dresses:http://www.dresspurty.com/

Bridal wear is a area which you could significantly cut your costs. Nobody needs to believe in your compromising on looking absolutely stunning to the big day, but we all do put your confidence in being smart about searching for the best deal possible.(click here)

So that you can uncover cheap and sweet 16 dress, you mustn’t miss the sale event. Most boutiques typically provide frequent sales, therefore, it’s truly essential for be sure to ask price range top the events.(more here)
Post Comment
Please Login to Post a Comment.
Ratings
Rating is available to Members only.

Please login or register to vote.

No Ratings have been Posted.

Radio Xoriyo

Login
Username

Password



Not a member yet?
Click here to register.

Forgotten your password?
Request a new one here.
Shoutbox
You must login to post a message.

14/01/2014 06:33
waxaan halgan hubaysan ahyn iyo qalin wada socda xornimo ha ku filan

ancik
08/01/2014 22:32

jarak
08/01/2014 22:30

ChomeGewjew
08/01/2014 13:33
<a href=http://www.im
mef.com>Mulberry On Sale</a> xtydqado fzrqqjyp <a href=http://www.sk
dprod.com>Mulberry Bags Outlet</a> fflkyfkt qnxvwwyt <a href=http://www.hk
-iscap.net

axmed
29/12/2013 14:51
we need peace, not war. stop advocating war.

LAAGTA RUQAAYI
25/12/2013 12:52
waad kumahadsantihiin hawsha aad noo wadaan ogadentoday

Khadar cabdi risaq farah
22/12/2013 06:04
Ogadenia wayxorobi dontaa insha.alah

Khadar j.w.x.o
22/12/2013 06:01
J.w.x.o hanoolatu jooooooooooo!!!

Khadar ogadenia
22/12/2013 05:59
Ethnpia waa in an iska rebna oon iskacelina

Buubaal
19/12/2013 17:34
Waa inaan ka tashanaa labada cadow Ethiopia iyo qabaailaadka somaalida sida aanu yeeli laheen

Buubaal
19/12/2013 17:15
Waa arin u baahan inaan ka doodno

khalid
11/12/2013 02:45
dhalinyarad ogaden way dhiban yihiin wllahi

fixri
08/12/2013 17:11
hay

Osman
05/12/2013 06:12
Haa

QuentyHeent
05/12/2013 00:26
Companions can definitely relish the flavour of ambiance, by employing the prime aphrodisiac as the most delicious way to declare 'I adore you.' Lovely sentiments translate well even though in

Render time: 1.24 seconds 13,766,626 unique visits